Madhici kartaa in quraanka qaab qaldan loo soo guuriyay?

M
Sooyaalka markii dib loogu laabto, quraanka in badan ayuu ka horreeyay naxwaha iyo qawaacidda afka carabta. Xiliyadii hore, dadkii degenaa magaalooyinka Makka iyo Madiina waxaa ay wax ku qori jireen geedo la qoray, maqaar iyo lafaha xoola aqoorka sida lafta ballaaran ee garabka geelka, sidoo kale, qoraalka farta carabiga ee xilligaas jirey waxuu ahaa qoraal aan dhibco iyo shaqal toona laheen.

Markii aad fiirisid siiqada aayadaha qaar iyo waxa ey ka hadlayaan waxaad dareemeysaa in ereyda qaar ey ku habboonyihiin booska ereyo kale oo ey isku dhawyihiin qoraal ahaan sida marki laga sheekeynayay nabi Yacquub iyo sida wiilashiisa ey u dhagreen walaalkood Yuusuf, aayadda kujirto suuratu Yusuf oo haatan uqoran sidan (وجاءوا أباهم عشاء يبكون) “aabahood ayey uyimaadeen waqti habeen ah ayagoo oynaya”.

Markii aad fiirisid sheekada aayaddan ka sheekeyneeyso waxaad dareemeysaa iney ku habooneed in la dhaho (وجاءوا أباهم غشاء يبكون) “aabahood ayey uyimaadeen ayagoo qiyaano darteed isu ooysiinaya”. Sidaas ayaa ku habbooneed waayo carruurta laga sheekeynayo waa kuwii qiyaanada soo sameeyay oo dharkii Yuusuf dhiig been ah ku soo halleeyay.

Aayadda kale oo tusaale noogu noqon karto waxa waaye (ياءيها الذين آمنوا لاتدخلوا بيوت النبي إلا أن يؤذن لكم إلى طعام غير ناظرين إناه) Suuradda axzaab oo badanaa kashekeyneysa haweenka nabi Maxamad waxey kahadashay qaabka ey haboontahay in saxaabadu ey ula dhaqmaan haweenka nabiga.
Aayadda kor ka muuqata waxey shegeysaa in saxaabadu eysan gali karin guriga nabiga in cunto loogu yeero maahane, waliba eysan fiirin karin weelka cuntada loogu soo gudbinayo. Hadaba ereyga (إناه) waxa ka habooneed in ladhaho (غير ناظرين إناثه) “adinkoo aanan fiirineynin xilahiisa”, waayo aayadda dhamaadkeeda waxey sheegeysaa (وإذا سألتموهن متاعا فاسألوهن من وراء حجاب) “haddii aad wax weydiisaneysiin ka weydiista daah gadaashiis”, taas oo macnaheeda tahay ha arkina dumarka nabiga.

QORMO LA XIRIIRTA:  Jawaabaha aan waafiga ahayn ee Quraanka

Sidookale, waxaa jiro axaadiis badan oo sheegaya in suurada Al-axzaab ey ka dheereed inta maanta ey tahay

عن زِرِّ بنِ حُبيشٍ قال قال لي أُبيُّ بنُ كعبٍ كم تعُدُّونَ سورةَ الأحزابِ قال قلتُ ثلاثًا وسبعينَ قال فوالَّذي يحلفُ به أُبيٌّ إن كانت لتعدِلُ سورةَ البقرةِ أو أطولَ لقد قرأْنا فيها آيةَ الرجمِ الشيخُ والشيخةُ إذا زَنَيا فارجُموهما البتَّة نكالًا من اللهِ واللهُ عزيزٌ حكيمٌ

الراوي: زر بن حبيش المحدث: ابن جرير الطبري المصدر: مسند عمر الجزء أو الصفحة: 2/874 حكم المحدث: إسناده صحيح

Xadiiskaan wuxu sheegaya ibnu abii kacab in waqtigii nabiga suurada Al-axzaab xaga dhererka iyo tiro badanaanta ayaadaheeda aay ku dhaweed suurad Al-Baqara, iyo waliba in aay ku kujireen aayadaha rajmiga, ama aayadha dhagax ku dilka.

Waxa jiro isla xadiis kale oo sheegaya arrintaan oo ey caaisha warineyso, sidoo kale waxaa jiro aayado Quraana oo suuradaha kale ka maqan ama laga tagay markii la qorayay si ulakac ah ama aan ulakac ahayn.
Abii Muusa Al’Ashcari wuxuu leeyahay waxa jirto suurad dheer oo an iloownay waxaana ka xasuusta

(لوأعطي بن آدم واديان من مال لابتغي واديا ثالثا) “haddii ibnu Aadam la siiyo laba waadi oo hanti ah, mid seddexaad ayuu dalban lahaa”. Quraanka in qaybo kamida la illaawo oo sidaa ku lumaan maaha wax la yaab leh oo Ilaaha ayaa quraanka ku sheegay in uu nabiga illowsiinayo qaybo kamida aayadihii lagu soo dajiyay ama ku bedelayo kuwa ka wanaagsan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments