Marti soorkii Imaamka

M
Martigelinta dadka waa la ammaanay, waxaana la sii ammaanay sooryaynta muslimiinta siiba wadaaddo Eebbe markii ay xusuustaan argagaxa baqdin darteed in cunto la siiyaa waa khayr iyo barako.

Cumar-Seeddi waxa uu dalka Jarmalka degganaa labaataneeye sano, waxa uuna booqasho ku tegey Gaalkacyo isaga oo ay weheliso Mona Torre oo ah haweeney jarmal ah oo uu dalkeeda ku guursadey muddo dhexdaas ah. Waxa ay qoysku kiraysteen guri u dhaw masjidka Yowmul qiyaame, waxa ayna neceb yihiin addinka aroortii ah iyo salaadda makarafoonka subaxii lagu tukado. Mona Torre si ay bulshada ugu ekaato waxa ay xirataa dharka soomaalida.

Waxa ay Mona iyo Seeddi ku heshiiyeen in ay casumaan iimaanka masjidka Yowmul qiyaame, waxaana masjidka goor duhur ah ku tukadey Seeddi oo aan weeso qabin, dharkuna daahir u ahayn. Shiikh Jirde waa iimaam da’da soddonka ah oo sida badan ku lebbista khamiis cad iyo cimaamad guduudan. Waa nin dheer oo san dheer iyo indho godgodan leh, waxa uuna Seeddi ugu tegey mixraamka masjidka oo u sheegay in habeen danbe ay gurigiisa cashada ku casuuman yihiin isaga iyo wadaad kale. Shiikhu u ma uu bogin sida ay timaha Seeddi u jarnaayeen oo ahayd in geesaha la xiiro, dhaladana timo dheer lagu reebo, waxaana timaha kore ee badan sii muujinayey madaxa Seeddi oo inta sare u weyn. Ilkihiisu sida dadka qayila ma casayn ee aad bay u cadcaddaayeen, waayo waxa uu ka yimid Yurub oo aan qaad laga cunin. Markii ay isaga iyo shiikhu mixraamka ka kaceen waxaa dheeraa shiikha oo Seeddi waa nin gaaban, waxa uuna xirnaa surweel jiinis ah iyo funaanad gacmo gaaban oo murqihiisa kuuskuusan muujisay.

Habeenkii casumaadda markii la gaarey waxaa guriga reer Cumar-Seeddi diyaar ku ahaa cunto hilib u badan, waayo waxa uu ogaa in ay wadaaddadu hilibka jecel yihiin. Heshiiska Mona iyo Seeddi ku ma jirin in labada wadaad la sumeeyo, waayo haddii ay dhintaan kolley kuwo kale ayaa subaxii masjidka ka addimi lahaa, in denbi loo raacdaana waa suurtagal, laakiin qoysku waxa ay wateen qorshe aan macne lahayn oo aad u liita.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aniga iyo Qabyaaladda!

Cabbitaankii wadaaddada loo diyaariyey oo caagag dheerdheer ku jira ayaa waxaa lagu daray khamriga Gin ee ingiriiska lagu sameeyo. Khamrigaasi waxa uu bahda khamriga kaga duwan yahay in uusan ur lahayn sida biyaha, isla markaas haddii cabbitaan kale lagu barxo dhadhankiisa la ma dareemo.

Seeddi waxa uu xaaskiisa u sheegay in ay wadaaddadu leeyihiin dhaqan gooni ah oo ah in aysan ragga iyo dumarku isku meel wax ku cunin, sidaas darteedna ay isaga iyo martida keli ahi wada fariisanayaan. Waxaa miis laga buuxiyey hilib ari iyo cabbitaan khamraysan, waxa uuna malaha ujeedku ahaa in wadaaddada oo sakhraansan lagu arko dariiqyada Gaalkacyo.

Intii hilibka la cunayeyba khamrigii waa uu taabtay labada shiikh maskaxdooda, waxa ayna Mona qosolkooda iyo hadalkooda dheer ka maqlaysey meel fog, laakiin afka ma ay garanayn oo waxa lagu baahayaa waa ay seegganaayeen. Wadaaddadii waxa ay u macaansadeen cabbitaankii barakaysnaa, waxa ayna miiskii ugu daaheen sida uu geel rakaad ahi darka ugu daaho. Hadalkooda waxaa cabbaar ka dib laga dareemay in uusan isku toosnayn oo uu nuxurkii ka tegey.

Cishihii baa la addimey, waxaana kacay shikhii aan Jirde ahayn oo jirkiisa iyo jalleecadiisaba laga dareemayo in uusan saalloonayn. Shiikh Jirde waa uu diidey in uu salaadda aado oo waxaa sheekooyin ku hurgufayey Seeddi, wadaadkii kalena isaga oo dhacdhacaya ayuu masjidka aadey. Cabbitaanku markii uu sii dhammaanayaba waxaa keenaysey Mona oo marba marka ka danbeeya Gin badan ku daraysey.

Xilli danbe markii la marayey buu Seeddi shiikh Jirde u sheegay in ay maalin kale is arki doonaan, waxaana baxay wadaadkii oo ay tillaabadiisu dhulka seegseegayso. Masjidka Yowmul qiyaame la ma xiro oo dad sabool ah baa seexda, waxa uuna ka kooban yahay qayb rag iyo qayb dumar. Labada qayboodba dad baa seexda, waxa uuna shiikhu ku soo aadey xilli nalalkii la damiyey. Gurigiisii in uu aado waxaa u diiddey in uu dareemayey in uu baashaal iyo sheeko u sii baahan yahay. Kaadi baa isaga oo aan masjidkii gaarin qabatay, waxa uuna ku kalleetiyey meel luuq ah oo kaadidii faraha ayuu isaga qallajiyey, waayo waraaqo ma uu wadan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Caashaqii labo kacleeyey (Sheeko Faneed)

Masjidkii uu iimaanka ka ahaa buu hor istaagey, waxa uuna dareemay kacsi aad u daran oo uusan mid la mid ah weligiis dareemin. Weli cishe ma uu tukan, kana uu fakari mayo salaad ee khiyaali buu ku riyoonayey. Waxa uu galay qaybtii dumarka, waxa uuna hoosta ka galay dumar hurda oo sabool ah. Hadba mid baa iska riixda iyada oo u haysata haweeney ku hurdo xomootay, qaar baana hadlay oo yiri “Naa naga durug”.

Ugu danbayn shiikhu gabar hurdo weyn buu isku lammaaniyey oo salaaxay, waxa ayna moodaysey in ay salaaxa ku riyoonayso. Middaas ayaa shiikha muraadkiisii ilaahay uga sahley oo waxaaba laga yaabaa in ay u macaansatey oo iska daysey, waxaana hadashay mid u dhaweyd oo tiri;

“Hoogaye waa maxay dhujuq dhujuqda masjidka ka dhex yeeraysaa?”.

Shiikhu ma uu awoodin in uu shaqada joojiyo oo xaraarad daran ee dumar baa haysey, waxaana kacday oo nalkii daartay middii hadashay. Markii ifka la daaray buu shiikhu naagtii ka boodey oo istaagey, waxa ayna dumar badani indhaha ku dhufteen iimaan Jirde oo dhex taagan!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments