
Waxay dhalatay 30 August 1797 waxayna dhimatay 1 February 1851. Mary waxay ahayd xaaskii ama afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee Percy Shelley oo ay magaciisa ku xusan tahay.
Hayeeshee aabaheed waxaa weeye siyaasigii, aqoonyahankii, wariyihii iyo faylasuufkii
William Godwin. Hooyadeedna waa faylasuufaddii u doodi jirtay sarraynta iyo xuquuqda haweenka “Feminism” ee Mary Wollstonecraft.
Sanaddii 1814 Mary waxay baratay Percy Shelley oo ahaa gabayaa caan ah oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen aabaheed, kadib markii ay ka wada hadleen suugaanta iyo falsafadda, waxaa
Filimkan oo dhamaystiran halka ka daawo Mary Shelley (2018)
Sanaddii 1818 Mary waxay soo bandhigtay buugga caanka ah ee ay ku caan baxday “Frankenstein” waa qoraal ka hadlaya Victor Frankenstein oo ah nin dhalin yaro ahaa oo isku dayay in uu sameeyo dad nool oo caqli leh. Buuggaas waxaa loo aqoonsaday buugaagta sheekada cilmiga (Sci-Fi) kuwa ugu qiimaha wayn ilaa iyo maantana waxa uu kamid yahay buugaagta aadka loo akhristo filimo badanna laga dhigay.
Mary waxay jirtay 18 sano oo kaliya markay curisay buuggaas. Taariikhyahannadu waxay sheegeen in Mary ay qortay buugag badan oo ka mid yihiin; Valperga
Kadib markii uu dhintay Percy Shelley oo ahaa saygii Mary waxay Xoogga saartay in ay uruuriso gabayadii saygeeda kadib markii si lama filaan ah uu u dhintay sannadkii 1822. Halkaas oo biyaha baddu ku liqeen gacanka La Spezia ee dhinaca galbeed ee wadanka Talyaaniga.
Maray waxay ku dhimatay magaalada London sanadii 1851 ayada oo jirtay markaas 53 sano.