Maxaa ka dhaxeeya amminta (waqtiga) iyo cuf-is-jiidka?

M

[Waxa ay ahayd su’aal uu isoo waydiiyay mid ka mid ah aqristayaasha ku xiran bogga kaashomaanka.com halkaas oo aan ku qoray maqaal cinwaankiisu ahaa “Goob gooni ah, goob walba mise goob la’aan“]

Sida uu ku muujiyay Albert Einstein Aragtidiisii Nisbiga (The Theory of Relativity), cuf-is-jiidka uma uusan qeexin hab xaddi xoog fool leh (vector) oo kali ahe, waxa uu sidoo kale u muujiyay sidii in sagxaddu (space-ka) tahay mid ka kooban derin cinjir ah oo daacaysa haddii walax cuf culus lihi fuulaan. Sawiro sidii in adiga aqristaha ahi iyo qof kale aad labada dacal ka qabataan maro, deetana aad dhexda uga sii daysaan miisaan culus, waxaa hubaal ah in miisaankaasi culus uu daacinayo maradii. Wax kasta oo ka miisaan yar miisaankii hore ee aad saarteen marada, waxa ay u yaaci doonaan dhanka daacsan, godka ah ee uu miisaanka culusi saaranyahay. Mar walba oo uu cufku bato, waxaa badanaya daaca ay maradu samaynayso. Haddaba asaga oo halkaas ka duulaya, ayuu Einstein caddeeyay in walxaha cufka lihi ay badalaan xoodka amminta-sagxadda (space-time), sida aynu ku muujinayba tusaalihii marada culayska la saaray. Haddaba maxaa ka dhaxeeya cuf-is-jiidka iyo amminta (waqtiga)?

Ammintu (waqtigu) waxa ay si gaabis ah uga socotaa halka cuf-is-jiidku xooganyahay. Ifka (light) laftigiisa waxaa saameeyaa xoodka iyo daaca sagxadda. Waxa uuna ku safraa dariiq ku teedsan oo ku salaysan habka ay sagxaddu u dhigantahay. Si kale haddii aan u iraahdo, ifka laftigiisu waxa uu ku socdaa daaca iyo xoodka sagxadda, waxa uuna la mid yahay sidii miisanka yari uu ugu yaacayay dhanka daaca u janjeero oo uu miisaanka culusi saaran yahay.

Haddii iftiinka uu iskaga kala dhex goosho labo barood oo ku yaalla goob cuf-is-jiidkeedu sareeyo (aad u daacsan), waxaa uu cuf-is-jiidku dheeraynayaa masaafadda ay tahay in uu ifku ku safro, maadaama uu daacu xoodinayo dhabbihii ifku qaadi lahaa. Haddaba ifka oo goob iyo goorwalbaba ku safra xawaare joogta ah – ku dhowaad 186,000 mayl/ilbiriqsigiiba – ayaa si uu u dhawrto sugnaanta xawaaraha uu ku safrayo iyo masaafadda ay tahay in uu gooyo, waxa uu halkaasi ka kabaa waqtiga oo qeyb ka ah mar walba xawaaraha. Arintani waxaa loo yaqaan Gaabinta Amminta ee Cuf-is-jiidka (Gravitational Time Dilation). Inta aynaan gunta usii daadagin, bal ila eeg isla egtan:-

  X = M/A, halka X = Xawaare, M = Masaafo, A = Ammin (waqti).

FG. Mar walba niyadda ku haay in aynu hadda ku xisaabtamayno in aynu joogno goob cuf-is-jiidkeedu sarreeyo, sidaas daraadeedna uu daaca ama xoodku sareeyo, kaas oo sababaya in laba goob dhexdooda, uu ifku safro masaafo ka dheer haddii uu cuf-is-jiidku, sidoo kalena daacu yaraan lahaa. Haddaba ku laabo isla egteenii hore, oo la soco in marwalba xawaaraha ifku (X) joogto yahay (tiro ahaan), waxa kali ah ee is badbadalaya isla egtani waa masaafadda (M) iyo amminta (A). Xisaab ahaan masaafaddu marka ay badato, waxaa badanaya amminta (maadaama marwalba X ay tiro go’an tahay). Marka ay masaafaddu yaraatana, waxaa yaraanaya amminta (la soco marwalba X waa tiro go’an oo aan isbadalin). Marka ay ammintu badato, waxa ay ka dhigantahay in waqtigu gaabinayay, halka marka ay yaraatana uu waqtigu dheeraynayay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Goob gooni ah, goob walba mise goob la’aan?

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

2
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
2 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Cali
Cali

hota was su aale cuf is jiidadmuxuuyahay

Axmed Toka
Axmed Toka

Mhadsanid wll Gallad Gurxan, waxaan kaa codsanya qoraalada sayniska ah ina badiso

W/Q: Gallad Gurxan

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend