Maxaa ka run ah Jiritaanka Awood sare, wayne ama Allaah?

M
Tan iyo markii dadku ay soo galeen marxaladda cusub ee isbedelka hab nololeedka iyo koriddii garashada garaadka dadka waxa mar walba jirey su’aalo ka hor imanyey caqliga dadkaas oo ka waynaa mar walba, waxa jireyey dhibaatooyin badan, waxa jireyey cabsi, waxa jireyey baahi ay u qabeen ogaanta waxa aan la ogeyn waxaana isku dayi doona in aan aragtida odhanaysa jiritaanka ilaahay saarno miisaanka garashada aadanaha.

Jiritaanka waynuhu waa aragti soo jirtey qarniyaal badan, wa aragti ay dadka badidiisu ku qanceen, waa aragti keentay in ay xakamayso ama hagto nolosha dad badan, hadaba waxaan is waydiin doonaa waxa aan la is waydiin Karin waxaynuna qaawin doona waxa aan la jeclayn in la arko. Intii ay jirtey nolosha aadanaha waxa jirey malaayin ilaah o kala duwan ma ahayn fikradda awoodda sare wax cid gaar u ah ama u xidhan sida ay sheegtaan qolyaha bariga dhexe ee qaarada aasiya dega, sidoo kale cabsida iyo Tamar darrida iyo garanwaaga waxbadan oo jirey waxay qayb laxaad leh ka qaadatay fikredda ilaaha ama awoodda sare ama waynaha wax walba ka korreeya ee maamula xaga sarena ka soo eega.

Cabsida laga cabsanayo waxa aan la garanyni waxay maanka iyo garaadka dadka ku dhalisay aragtida jiritaanka waynaha, sidoo kale tamar darridu waxay keentay baahi loo qabo cid wayn wax walbana qaban karta oo la tuugo ama la baryo in la helo, sidoo kale habka koritaanka khaldan ee ubadka loo dhaliyaa wuxu keenay in aan ka shidaal qaadanno baahida aan waalidka u qabno inay jirto baahi ka wayn oo ah baahida aan u qabno wayne adduunkan mamula dushana inaga eegeye sida hooyada iyo aabuhuba guriga u maamulaan.

Aragtidaas khaldani waxay odhanaysa gurigan yar e saddexda qof ka koobani mamul iyo xeer la’aan ma jirayee sidee adduunkan wayni u jiraa xeer la’aan? Waa su’aal aan meesheedii ool, waydiinta saxda ahi waxay ahayd waynaha laftiisa inuu jiro maxaa caddayn loo haya? Maxaan baahi u qabnaa? Maxaan xidhiidh leenahay? Muxuu inoo qabtay oo aan garan karro? Muxuu inaga rabaa? Muxuu yahay micnaha ugu jira inuu ina sameeyo? Muxuu yahay danta uu inaga lahaa? Waydiimahan iyo qaar kaloo badan ayaa u baahan in laga jawaabo ka hor inta aan la aadin meel kale.

Dadka qayb baa waxay ku doodeyaan in ilaahay ama awooddaas sare ay jirto iyagoo caddayn uga dhigaya kutubta ama diimaha dhulka yaal waxa ku qoran sidoo kale waxay daliil ama caddayn ka dhiganayaan dabeecadda ama dhulka sida buuraha, badaha iyo noolahoo dhan, haddii aan fiirino aragtidan iyo dooddan jaban ee ku qoran diimaha adduunka yaal waxaan ka arkaynaa inay tahay dad samee waxaana caddayn u ah wax badan oo maanta cilmiga casriga ahi jawaab u helay, laakiin waayadi hore ahayd wax wayn oo aan qeexid loo hayn, waxa meesha imanaya waydiimo badan si jawaab loo helo, Tusaale ahaan markaan u eegno ilaaha ku xusan diinta islaamka wuxuu sheegeyaa dhulka iyo noolaha siduu u abuuray, laakiin waydiintu waxay tahay ilaahaasi ma awoodi kari waayey inuu isaga laftiisu inala hadlo? Ama inuu ina habeeyo (programming) sida qalabka dadku samysto si uu inoogu jiheeyo ama inoo mariyo wadada uu rabo? Muxuu ku doortay in uu ku hadlo oo kaliya labada af/luqadood ee Cibriga iyo Carabiga oo ka mida afafka dunida lagagana hadlo deegaanno garabka deris ah welibana tirada dadka ku hadlaa ama fahmaa wadartoodu ay ka yar yihiin nus bilyan qof, taas oo ka dhigan 1/16 dadka adduunka ku nool maanta? Miyuu waayey af isaga u gaar ah oo u inagula hadlo? Waxa kitaabka ku qorani markay been yihiin sidee isagu doonayaa in lagu aamino jiritaankiisa? Abuurka dadka iyo dhulku ma u noqon karaan caddayn ku filan?

Aragtidani waa aragti aan waxba ka duwanayn sheekadii dheg dheer ,waa aragti dad samee ah, waa aragti uu qof waliba tamartiisa garaad ahaaneed dhan ula kacay qeexitaanka iyo xal u raadinta tamar darradiisa, waa aragti ku dhisan maan gaabnimo diimuhuna waxa weeye waxa ugu fool xun ee maanta adduunka kor yaal waana beenta ugu wayn ee qof aamino, laakiin waa wax beryo ama maalmo adkaa lagu soo dhaafay, laakiin garaadka dadku wali maalinti ma taagna. Sidoo kale waxa imanaysa waydiimo fac wayn oo odhanaya maxay tari jiritaanka ilaah aan aan la arki karayn? Ilaah ama wayne aan waxa adduunka ka socda waxba ka bedeli karayn? Ilaaha aan ka fal celinayn malaayinta qof ee tuugaya ama baryayaa? Ilaah aan ka hadlayn kana xanaaqayn malaayinta naf ee loo goynayo si isaga loo raalli geliyo? Waydiimahani ma yimaadeen haddii ilaah caadil ah, naxariis badan ama sifooyinka wanaagsan ee ay diimuhu siyeen lehi jiro.

Ilaahay in aanu ahayn wax jira maaha wax wayn oo caddayn u baahan laakiin ilaa maalintii laga soo baxay marxaladdii kaynta waxay ahayd waydiin maanka wareerisey, sababo badan oo u gaar ahayd dadka waagaa noolaa, sida garaadkoodoo yaraa, wax walba oo ku cusbaa, cabsi badan oo jirtey laakin si aad u ogaato in aanu jirin ilaah shakhsiyeedka la leeyahay xagga sare ayuu fadhiya waxaad u baahantay inaad si qoto dheer ugu fiirsato habdhaqanka dadka, iyo waxa adduunka ka socda, labadaasi waxay kaaga filan yihiin in aad fahanto in aanu jirin waynaha xagga sare fadhiya ee ina soo eegeya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Alle: Dadka kalena wax ka baro

Maxaa dhaliyey hadaba aragtida jiritaanka waynaha? Waxa dhaliyey cabsida laga qabo waxa aan la garanyn, waxa dhaliyey cabsida laga qabo geerida, waxa dhaliyey dhibta iyo cadaalad darrada adduunka ka jirta, waxaa dhaliyey rafaadka ay dadku ku jiraan, waxa dhalIyay baahiyaha ay dadku qabaan laakiin aanay waxba ka qaban Karin, dadku waxay u baahdeen bilawgiiba meel ay cabashadooda u gudbiyaan, meel ay kaga baxsadaan fikradaha maankooda ka guuxeya ee cabsida ku dhisan, ilaahay wuxuu u noqday xuub caaro oo ay ka hoos galaan waxan oo dhib ah, taasi waxay keentay in ay wixii dhib ah ee ku dhacda, ama khasaare ah, ama ay garan waayaan ay awoodaas sare ama ilaahay u tiiriyaan o ay halka kaga hadhaan, maankoodii yaraa wu nastay, cabsidiina waa ka baxday waxbana kama duwana qofka fikirka ilaahay aaminsani qof ka cararay dhibaatada iyo waayaha nolosha oo miciin biday maandooriyaha loo yaqaan waynaha wax walba ku shuqul leh, wax walbana qaban kara, waynaha ugu talo galay in aan sidan u dhibaatoonno.

Suuragal ma tahay in aan u cawdo ciddii dhibka gaystay? Suuragal ma tahay in an ku ammaano denbiile kuna abaal maiyo denbiguu iga galay? Suuragal ma tahay ciddii ku aabo tirtay, awoowona aan kugu simin, gaajada, xanuunka, colaadda, faqriga, iyo darxumada adduunka taalla oo dhan in aan sarraynta intaa le’eg siiyo? Suurtagal ma tahay in aan aamino wax aan jirin weligay arag, maqal, urin? Suurta gal ma tahay in uu daaha dabadiisa adduunka ka maamulo sidaana uu ugu talo galay?. Jawaabta waydiimahani wa fududahay waa “maya”, xattaa kan dadka ugu arxan daran kama suurtowdo in uu sameeyo waxyaabaha ilaahay ku kaco, waalidku ma gubi karo mana dili karo ilmaha u dhalay wax kasta oo xumaan ah uu sameeyo bal kawaran ilaaha la sheegay inuu insaanka badidiisa u sameeyey xabsi jirdil ah oo dab lagu shidayo waligood? .

Nolosha iyo adduunkuba iyagaa is wada oo waxa ay qayb ka yihiin kownka, dabiicadda iyo qawaaniinta kawniga ahna in badan oo kamida cilmiga ayaa jawaabo ka bixin kara sababaha ay u dhacaan iyo waxa dhaliya balse in waydiin walba oo cilmigu jawaab u waayo waqtigan la joogo loo daliishado jiritaanka Ilaahay waa mid muujinaysa tabar yari xujeed ee dadka mu’miniinta haysata, waxana imanaysa maalin cilmigu waydiimahaas ka jawaabi doono sida uu maantaba uga jawaabay waydiimo badan oo jiilalkii inaga horreeyey jawaab u waayeen kadibna u nisbeeyeen Ilaah ama awood sare inay ku shaqo leedahay.

Sifooyinka ay diimaha qaar siiyaan Ilaaha ay sheegaan jiritaankiisa waa kuwo  lagu qoslo kuna tusaya inuu yahay Ilaah dadkii waagaa joogay macmaceen oo sifooyinkii iyaga la qurux badnaa siiyeen.
Si fiican haddaad taarikhda u eegto waxaad ogaan in aanu jirin wax ka xun ama ka khatarsan diin iyo ilaah oo caqliga dadku sameeyey, waxa laga yaabaa in waqti gaar ah iyo duruufo jiray ay diintu buuxisay booska dawladaha maanta jira oo ay ilaalisay kaladanbaynta balse waxay ka tagtay raad aan la mahadin. Tan kale ilaaha islaamka kan yuhuudda iyo kan siikha waxba isma dhaamaan, koox waliba waxa ay jeclayd buu ilaahoodu u sameeyey.

Ilaaha runta ahi wa caqliga dadka, waa caqliga dadka kan waxan oo dhan sameeyey, sidoo kale ilaahii somalida hore waaq waxba kama duwanayn malaayiinta ilaah ee ka jirey adduunka laakiin xaalad markaa jirtey darteed ayaa daaqadda ka tuurtay.

Hadaba aragtidan dhibka badani goormay inagu dhalataa? Aragtidani waxay inagu dhalata maalinta aan dhalanno wax yar kadib, waalidkeen o laftiisu aaminsan aragtidan habaaran ayaa ku dedaala ubadkiisa yar yaree aan tamarta lahayn inuu caqliga ka maydho, qof waliba wuxuu dhashaa isaga oo madhan ama xaashi cad ah, waalidka dhalay ayaa ku shuba waxa uu jecel yahay, ama wixii isaga lagu soo shubay, waddo xun oo la soo mariyey ayuu waalid waliba mariyaa ilmaha yare ee aan waxba kala ogeyn, karti iyo caqli uu wax iskaga shaandheeyana lahayn, waana hab khaldan oo aadanuhu ku soo socdey waana waxa khatarta ugu badan ku leh nolosha aadanaha in ilmo yar lagu shubo fikiro nacayb iyo xagjirnimo ay saldhig u tahay, koox waliba waxay isku daydaa inay samqysato ahaansho gaar ah, sidaa darteed waa in ubadka dhalanaya lagu shubaa waxa waalidku saxda u arko si aanay uga baydhin wadada, sidoo kale waxaa laga soo xidhaa ubadka yar-yar waddo kasta oo ay wax isku waydiin karayeen, waa sababta diimaha ay ugu jirto in is waydiinta darxumo lagu muto.

QORMO LA XIRIIRTA:  Hooyadaa ayaa ka naxariis badan Ilaahaaga!

Hab nololeedka khaldan iyo maandoorinta ubadka si ummad ama dad gaara oo isku xidhan loo dhiso waa ka dhalay in bulshada adduunka ku nool dhammaantood ay ku dhacaan khaladkan, waana sababta ay marba marka ka danbaysa u soo xoogaysanysey aragtida jiritaanka ilaaha, waayo ilaahyadu waxay qayb wayn ka qaadan jireen asaaska bulshooyinka, waxay ahayd wax ay dadka kale ama bulshooyinka kale kaga duwan yihiin, sidoo kale aragtida ilaahu waxay ahayd wax dadka lagu maamulo, lagu cabsi geliyo looguna caga jugleeyo, welibana qaar lagu caayo ama qabiillo iyo qawmiyado lagu bannaysto dhiggooda.

Maalinba maalinta ka danabaysa sheekada ilaahu waxay samaynaysey horumar halkii ay xilliyada qaar ahayd qorraxdu ilaahay, ama dabaysha, ama bahalaha qaar kamid ah , waxay isu bedeshey mid ka wayn oo waxan oo dhan sameeyey, maalinba maalinta ka danbaysa dadku kutubta ay qoraan waxay ilaahooda gaarka siinayeen awood xad dhaaf ah, sidoo kale kitaab kasta oo diimeed ama aragtida ilaah ku qoran tahay isaga ayaa isugu filan is burin iyo been.

Waxaa hubaal ah aragtidan marka loola kaco dhinaca diinta in ay iyadu isugu filan tahay is burin, bal aan eegno ilaaha islaamka iyo waxyaabaha uu sheegto, laakin horta bal aan cabbaar aaminno in ilaah jiro.

  • Ilaaha islaamku wuxu sheegtaa inu yahay naxariis badane isaguna uu sanku neefle uga naxariis badan yahay hadana wuxuu abuuray geerida, cudurka, gaajada, cadaabta…iwm side naxariis u sheegan karaa?
  • Caddaalad: sidee ilaahay cadaalad ku sheegan karaa marku dadka qayb u abuuray inay naarta galaan iyaga oo aan wali adduunka iman, sidee caddaalad ku sheegan karaa markuu sheegay in dadku kala sarreeyaan, isna addoonsan karaan oo qof hantyi karo qof kale oo lamida sida xoolaha.
  • Sidee loogu tilmaami karaa ilaah baryooyinka ajiiba ama addoomihii u dhago nugul maqalka baahiyahooda haddii marka gacmaha loo taago ee la baryo inuu ilmo yar oo kansar ama xanuuno kale la il daran xanuunka ka dulqaado balse baryadaas waalidka iska dhaga mariyo oo canugaasna nafta ka qaado? waana is waydiine muxuuba ugu qadaray silican iyo xanuunka ilmaha yar oo uu galabsaday?
  • Maxay taha baahida uu u qabo inuu samaysto addoomo fara badan oo malaa’ig ah kuwaas oo hadh iyo habeen u sujuudsan ammaantiisana afka ku haya, muxuuse noole yar sida aadanaha ugula colloobayaa haddii ay ammaani waayaan oo sidii ilmo yar magacyo qurxoon ugu yeedhi waayaan si uu uga raalli nodo, miyaana la oran karin waa mid kalsoonidu ku yar tahay oo xanuunka isla waynida qaba.

Mar walba su’aal ayaa meesha imanysa una dhigan sidan ilaahay ma isagaa inoo baahan mise inagaa u baahan? Waa iska fududahay ilaahay isagaa inoo baahan waayo hadi aanu inoo baahnayn inama sameeyeen, ilaaha wayni muxu inooga baahan yahay? Waxba, oo haddaa muxu ino abuuray? Wa waydiimaha u yaal kuwa aaminsan jiritaanka ilaahyada.

Aragtida labaad ee ku dhisan cilmigu gebi ahaanba waxay diideysaa midda diimaha ee iimaanka qudha ku dhisan, aragtidani waxay ina tusaysaa in caqliga dadku yahay cidda dhabta ah ee ka danbeeysey samaynta sheekada jiritaanka ilaahay, waxayna ahayd marxalad uu u baahnaa awood wayn maadaama ay jireen waxyaabo badan oo aan caqliga dadku jawaab u hayn, cabsi iyo garanwaa jirey. Aragtida cilmigu waxay gebi ahaanba baabiinaysaa oo beeninaysaa si ku dhisan I tus oo I taabsii badi sheekooyinka khuraafaaka iyo mucjisooyinka ku qoran kutubta diimaha, sidoo kale garashadeenna kortay waxay ina tusaysa waxa kutubta ku qorani inay yihiin been maalmo madow lagaga soo gudbey oo ay ahayd maandooriye lagama maarmaan ah laakiin maanta aanay shaqayneyn, garashadeenu waxay ina leedahay saddex kun oo sano ka hor wixii aan is gaadhsiin ahaan u adeegsan jirney maanta uma baahnin sida si lamid ah diintana uma baahnin waqtigeediina waa dhacay waxayna ahayd wax dadku samysteen si ay ugaga gudbaan maalmaahaas aan madawga ku tilmaamnay.

Aragtida cilmiyaysan iyo garashadeenna koriitaankeedu waxay wax walba saareen miisaanka cilmiga iyo aqoonta, waxayna u bandhigeen garsoorka maanka, maanta waxaan fahanney in dhibka diimuhu ka badan yahay wax kastoo ina soo maray, maanta waxaan ognahay in aanay jirin wax baahi wayn ah oo aan u qabno diin ama ilaah dadka qaybbiya oo iska hor keena. Dadku isagaa ilaah isu ah, kala garashada xumaanta iyo wanaaga uma baahna sharci ama diin aad raacdo waa wax aynu ka baranay waayaha oo inaga abuuran, adeegsiga caqliguna waa furaha guul iyo horumar bulsheed oo waara.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments