Maxaa soomaalida kala duwanaanshaha ku diray?

M
Sababta uu qofka soomaaliga ahi caalamkaas weyn uga danbeeyo oo uu u yahay qof aragti gaaban oo aan fakar dheer lahayn, qof aan doodi aqoon oo inta uu hadal yar tuurto sii orda, qof aan oggolaan karin wax uusan hore u la kulmin iyo qof aan si abaabulan u hadli karin oo wax isku qasan ku hadlaa waa in ay soomaalidu isku mid yihiin dhan kasta. Gobollada Bay iyo Bakool waxaa lagaga hadlaa afka May, waana ka la duwanaanta keli ah oo ay soomaalidu arkeen. Sida la og yahay gobolladaas iyo soomaalida kale waa heshiis oo xasaradda kuwa isku afka dhex taali ka ma dhex jirto. Sababta aysan May iyo Maxaa dadka ku ka la hadlaa isu diiddanayn waa horumar ay ka la duwanaantu keentay. Haddii afarta mad-habood ee sunniga laga ka la haysan lahaa gobollada soomaalida waxaa abuurmi lahaa fakar uu qofku wax isbarbar dhigo iyo in la barto isu dulqaadashada iyo isu tanaasulka, haddii ay soomaalidu sunni iyo shiico ka la ahaan lahaydna waaba ay ka sii fiicnaan lahayd.

Marka dalka debeddiisa la joogo soomaalidu waa dadka ugu daran xagga in ay is raadsadaan, oo qofka soomaaliga ahi ma uu yeelan karo bulsho kale oo uu la kulmo. Dadyowga kale qofka u dhashay marka uu qurbe joogo waxa uu wajahaa in uu dhex galo dhaqanka iyo ummadda uu markaas dhex joogo. Waxa uu qofku isku dayaa in afka iyo ummaddaas uu ku milmo oo ma uu raadsado dad la af ah. Dabcan dad kasta oo isku af iyo dhaqan ahi haddii ay qurbe joogaan marmar waa ay kulmaan, laakiin ma aha kulan uu qofku u nool yahay in uu maalin iyo habeen afkiisii ku murmo oo uusan cid kale iyo dhinac kale eegin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Afka dhexe iyo aagga dhexe

Qofka soomaaliga ahi inta uu hurdo ma aha ee inta kale in uu soomaali la murmo ayuu rabaa, dalka uu joogana haddii uu 30 sano ku noolaa wax war ah u ma uu hayo, waayo cid aan soomaali ahayn ma uu arko. Waxaa jira dad dal ay cirro kaga soo baxday oo uu joogey cimrigiisii oo dhan haddii wax laga weydiiyo ka aamminsan sheeko xariirooyin la moodo in uusan weligiis habeen ku hoyan.

Sababta uu qofka soomaaliga ahi dhaqamada kale uga baqaa maxay tahay? Horta qofka soomaaliyeed waxa uu aamminsan yahay in ay dadka aan soomaalida ahayn oo dhammi xun yihiin marka laga reebo carabta oo ay xumaantii ka mayreen nebiga CSW iyo asaxaabtii oo ka dhashay. Haddii oday soomaali ah loo sheego in uu wiilkiisu guursadey gabar ajnebi waa uu naxayaa haddii aysan gabadhu carab ahayn. Sidaas oo ay tahay waxaa jirta aragti ay dad badani qabaan oo ah in ay carabtu dadka oo dhan ugu foolxun yihiin, laakiin waa cunsurinimo in dad dhan foolxumo lagu sheego. Waxyaalaha uu qofka soomaaliyeed carab ka dugsadaa ma aha in nebigii CSW iyo asaxaabtii uu uga dhawaanayo ee waxa kale oo uu aamminsan yahay in ay Eebbe uga dhaw yihiin oo uu afkoodu barakaysan yahay, laakiin carabta qaar baa gaalo ah, qaarna waa shiico oo soomaalida in ay Eebbe uga dhaw yihiin la ma hubo.

Duudduub ahaan soomaalidu carabta ka ma ay didsana wixii ay doonaanba ha ugu hiloobeene, laakiin waxaa cad in ay carabta badankoodu soomaalida ka horumarsan yihiin si kasta. Haddii ay soomaalidu ummadaha aan carabta ahayn ka baqaan oo ay u arkaan wax liita maxay carabta ugu dayan waayeen oo iyaga oo kale u noqon waayeen? Maxaa soomaalida u diidey in sida ay carabtu caddaanka iyo eeshiyaanka u arkaan ay u arkaan oo sida ay carabtu dadyowga kale u la dhaqmaan ay u la dhaqmaan? Run ahaantii soomaaligu carabta waa uu iska jecel yahay ee ku ma uu daydo, mana uu gaari karo ilbaxnimada carabta haddii uu jeclaado iyo haddii kale. Waxa keli ah oo uu soomaaligu si wanaagsan u fahmayaa waa in uu soomaali kale la galo muran qabyaalad iyo diin ah. Waa uu ka soo oodan yahay magaalooyinka oo dhan, waxaana sababay isku mid ahaanshaha soomaalida iyo in aan la fakari jirin ee xoolo la daba joogi jirey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamka iyo xorriyadda qofka

Dhinacyada qaarkood marka wax laga eego soomaalidu wixii ku cusub waa ay xiiseeyaan. Xiisaha ka ma aan wado in ay jeclaadaan ee waxa aan ka wadaa in ay ku mashquulaan nacayb iyo jacaylba. Sida aan qabo qofku wixii uu ka xanaaqo waa uu xiiseeyey oo waa uu dareemay. Sidaas awgeed waxaa dadka mufakariinta ah la gudboon in ay furaan doodo lagu dhaqaajinayo dareenka xiran ee soomaaliga. Waa in maskaxda qululan ee soomaaliga lagu furaa waxyaalo ay la gariirto. Haddii si kasta dhafoorrada loo taabto oo maskax tiiraayaysan lagu eego sida uu u gaaban yahay hanka iyo fakarka soomaalidu wax dawo ahi in aysan ka soo dhaweyn baa loo qaadan karaa, la mana quusto oo laga yaabee in ay boqollaal sano ka dib dad caadi ah noqdaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments