Maxaad ka taqaan Diinta Zoroastrianism, Maxayse wadaagaan Islaamka?

M

Diinta Zoroastrianism ama loo yaqaan Majuusiyadda waa diin aaminsan in baryada iyo cibaadada kaleba gaar u tahay Ilaahay oo ayna bannaanayn in cid kale lala wadaajiyo, dabku calaamad ayuu u yahay ilaahooda Ahura Mazda laakiin ma caabudaan sida dad badani moodayaan.
Waxaa lagu tiriyaa diimihii ugu horreeey ee dadku sameeyeen, waxayna jirtaa in ka badan 3000 sano, waxay ka horraysay dhamaan diimaha ibraahimiyada loogu yeero sida Yuhuudda, Kiristanka iyo Islaamka, waxayna ahayd diinta ku baahsanayd badhtamaha iyo bariga aasiya waqtigii Islaamku yimid.
Dadka diintan aaminsan waqtigan aynu joogno waxaa lagu qiyaasaa tiradooda 250 Kun ilaa 2 Milyan oo qof, waxayna badankoodu ku nool yihiin Hindiya, Iiraan iyo Afqaanistaan.

Zoroaster/Zarathustra wuxuu ahaa nin faylasuufa oo ku dhashay dhulka immika loo yaqaan Iran ku dhawaad 650-1500 sano ka hor dhalashada ciise, waxa uu bartay cilmiyo badan sida dawaynta bukaanka iyo falista beeraha, wuxuuna ka qayb galay dagaalo qabiilkiisu isaga caabinayeen qabiilada dariska ah ee ku soo duulay isaga oo si sama-fal ah u dhayi jiray dhaawaca.

Zoroaster waxa uu jeclaa inuu cidhib tiro awoodda sharka adduunka oo dadka ka dhigo kuwa is jecel oo walaalo ah, sidaa darteed ayuu dadka ka dhex baxay oo badanaa waqtigiisa ku qaadan jiray godadka ku yaala buuraha Sabalan ee Iran ilaa uu u yimid Vohu Man oo u sheegay inuu yahay malaga ugu wayn malaa’igta kana codsaday inuu u raaco samada sare si uu ula kulmo ilaaha wayn ee Ahura Mazda/Ohrmazd.

Zoroaster waxa uu bilaabay inuu dadka ugu yeero diintiisan cusub laakiin kuma guulaysan oo cidi ma raacin, xigtadiisiina way fogeeyeen oo magaalada ayay ka saareen sidaa darteed ayuu wareegi jiray gobolada iyo magaalooyinka kale isaga oo dadka ugu yeeraya diintan laakiin cidina dhag jalaq uma siin oo warkiisa ma dhagaysan maadaama uu ka soo horjeeday cibaadada sanamyada, Muddo toban sano ah ayuu xaaladdaa ku jiray ilaa ugu danbayntii uu rumeeyey nabinimadiisa iyo farriintiisaba inaadeerkii oo sheegay in diintan ayna fahmi karin dadka aqoonta yari sidaa darteed ayaa boqorkii ka talinay dhulkaas oo lagu magacaabo Vištāspa bilaabay inuu ku taxnaado oo dhagaysto hadaladan xikmadaysan ee ka burqanaya afka Zoroaster, ugu danbayntiina wuu ku qancay diintiisa, dadkana wuxuu ugu yeeray inay raacaan.

Avesta waa buugga ay ku qoran yihiin dhigaaladii nabigan Zoroaster, waana kitaabka muqaddaska ah ee diintan, waxaana la yaab ah in uu jiro isu ekaansho ka baxsan caqliga oo ka dhexeeya diintan hore iyo diinta Islaamka marka la eego cibaadooyinka iyo falalka ay mid walibaaba dadka raacay farayso.
Waxaan eegaynaa qaar kamida waxyaabaha uu Islaamku la wadaago diintan hore ee Zoroastrianism-ka.
Salaadda Zaraadishtiyada

Salaadda Zoarastrianism

1- Qofka diintan galayaa waxa uu qirayaa jiritaanka Ilaahay Ahura Mazda iyo in Zoroaster rasuulkiisa yahay, shahaadada diintani waxay aad ugu eg tahay ta Islaamka, waxayna u dhigan tahay qaabkan (waxaan qirayaa inaan rumaysnahay ilaaha khayrka badan ee hodanka ah waana caabudayaa, waxaana raacayaa ergaygiisa Zoroaster…).
2- Diintani waxay aaminsan tahay shan salaadood oo maalintii iyo habeenkii ah, Saladahan ayaa kala ah; Havan gah (Waabariga ilaa barqada dhexe), Rapithwan gah (Barqada dhexe ilaa badhtamaha maalintii), Uziran gah (Casarka), Aiwisruthram gah (Qorrax dhaca ilaa habeen badhka) iyo Ushahin gah (Habeen badhka ilaa waaberiga).
-Waxaa la garaacaa gambaleel ka hor inta aana la galin salaadahan.
– Salaadahan waxaa ka horreeya waysa qaadasho (pādyāb) iyada oo la dhaqayo wajiga, gacmaha iyo lugahaba.
– Bilowga salaadahan waa la istaagayaa, gacmahana waxa la saarayaa laabta, dhamaadka saladana waa la fadhiisanayaa, farta ayaana la dhaq-dhaqaajinayaa iyadoo la qirayo in Ahura Mazda yahay ilaaha kaliya ee mutaysta cibaadada.
– Salaadahan waxa loo jeedsadaa dhinaca dabka oo calaamad u ah ilaahooda.
– Salaadahani waxa lagu xusaa ilaahooda, waxayna waydiistaan danbi dhaaf.
– Salaadda Ushahin gan ee waabariga ayaa ugu fadli badan salaadahooda, waxayna aaminsan yihiin in Ahriman (Shaydaan) uu qofka hurdada ku nabo sidaa darteed ay mudan tahay in laga kaco oo la tukado.
– Salaadaha gadaashooda waxa jira khudbooyin iyo wacdi ay wadaadadu jeediyaan.
– Waxay leeyihiin salaado la tukado maalinta ciidda oo u gaar ah sida maalinta ciidda Nayruuzka (Bilowga sannadka faarisiyiinta).
3- Waxay aaminsan yihiin Ilaah loo yaqaan Ahura Mazda, Malaaig iyo sidoo kale shaydaan/ibliis (Ahriman).
4- Waxay aaminsan yihiin in nabigooda la dheelmiyay oo lagu qaaday faras kulana kulmay samooyinka dushooda Ahura Mazda oo u doortay inuu noqdo nabi farriintiisa gaarsiiya dadka, sidoo kale safarkiisaas wuxuu soo arkay naarta.
5- Waxay aaminsan yihiin Jannada iyo naarta, sidoo kale waxay aaminsan yihiin inuu jiro Miisaan la saarayo falalka qofku adduunka ku sameeyey.
6- Waxay aaminsan yihiin jiritaanka ruuxda iyo in qofka dhinta jidhkiisu dhamaanayo laakiin ruuxdiisa joogayso oo ay ku jirayso nolol u dhaxaysa dhimashada iyo geerida.
7- Waxay aaminsan yihiin cadaabka qabriga, qofka wanaagsan marka la aaso waxa u imanaysa gabadh qurux badan oo u sheegaysa inay tahay camalkiisii wanaagsanaa, halka qofka danbiyada badan samayn jirayna ay u imanayso cajuusad wayn oo fool xun una sheegayso inay tahay camalkiisa xumaa.
8- Waxay aaminsan yihiin in qofka ku dhinta dagaalka uu ilaaha Ahura Mazda ku abaal marinayo gabdho cad-cad oo qurux badan kuwaas oo loo diyaariyay si ay u gufeeyaan baahiyihiisa galmo.
9- Waxay aaminsan yihiin in qofka tuugga ah gacanta la jarayo.
10- Waxay aaminsan yihiin in qofka diinta ka baxa la dilo.
11- Waxa aaminsan yihiin in ilaahay dadka qaabkiisa oo kale u abuuray.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diintu Horumar ma keento!
Diinta Islaamku uma aqoonsana Zoroastriansm inay tahay diin samada ka timid hadana miyayna wax la yaab leh ahayn inuu jiro isu ekaansho heerkan gaadhsiisan oo ka dhexeeya labada diimood ee kala fogaa dhinaca waqtiga.
Qaar kamida muslimiinta ayaa badanaa ku dooda in diintan la bedelay markii islaamku soo baxay laakiin su’aasha qof walba oo caqli leh is waydiinayo ayaa ah “Maxaa keenay inay sugaan 1000 sanadood si ay u bedelaan diintooda, hadii ay dhacday oo ay bedeleenna maxay ilaa immika u bedelmi waday mar kale maadaama islaamka jiritaankiisii ay ka soo wareegtay in ka badan 1000 sanadood?”.

Sida aynu ognahay diinta Islaamka kala badh dhigaaladeeda waxa ay si toosa uga soo qaadatay ama wax yar kaga duwan tahay diimaha Yuhuudda iyo Kiristanka oo ay u aqoonsan tahay inay ahaayeen shareecooyinkii iyo diimihii nabiyadii hore, laakiin diin sida Zoroastrianism inay wadaagaan caqiidada iyo dhigaalo kaleba waa mid shaki wayn abuuraysa.

Hadii aynu dib ugu laabano taariikhda Islaamka waxaa jiray saxaabi wayn oo asalkiisu faarisi ahaa oo diintan majuusiyadda aqoonteeda ku xeel dheeraa gaarayna heer uu noqda ninka dabka macbadka shida, saxaabigan Maxamed aad ayuu u jeclaa, wuuna soo dhawayan jiray ilaa uu ku daray ahlu baytkiisa, sidoo kalena waxa uu sheegay hadii ay cidi aqoon diimeed (Majuusiyadda iyo Kiristanka) meel sare ka gaarayso in saxaabigani ka gaaray…
Tolow muxuu Maxamed ku jeclaaday oo ugu daray ahlu-baytkiisa ninkan addoonka ahaa (islaamka kahor) halka raggii waawaynaa ee Islaamka magaca ku lahaa ayna gaarin heer ay xubin ka noqdaan qoyska iyo qaraabada dhaw ee Maxamed?
Saxaabigani waxa uu ahaa macalin-guriga habeenkii Maxamed uga sheekeeya dhigaalada diimihii hore sida Majuusiyadda iyo kiristanka, xaaska Maxamed ee Caa’isha ayaa ka masayri jirtay waqtiga dheer ee Maxamed iyo saxaabigani wada qaadanayaan habeenkii, waxaana laga soo wariyay hadalkan: “Salmaan waxa uu la fadhiisan jiray oo la kaliyoobi jiray habeenkii rasuulka ilaahay, ilaa habeenada qaarkood rasuulku waqtiga badankiisa la qaato Salmaan”.

QORMO LA XIRIIRTA:  Alle-diidka Soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah

Tolow maxay ka wada sheekaysanayeen oo la kaliyoobayeen habeenadaas badan?

Saxaabiga kale ee Cali bin abi Dalib mar la waydiiyay Salmaan waxa uu yidhi: “Aqoontii hore iyo tii danbe ayaa ku dhan, waana bad aan joogsanayn(aqoon diimeed), annaga ahlu baytka ayuuna naga mid yahay”.
Saxaabigan Magaciisu waxa uu ahaa Salmaan Al Faarisi, isaga iyo qaar kale oo kamida barayaashii soo gacan qabtay Maxamed ee indhaha u faray qaarna talaabada bareen ee ka dhisay dhinaca walba waxa aan si faah-faahsan ugaga hadli doonaa qormooyinkayga soo socda mustaqbalka.

Tixraacyo:

– The book of Daniel by John M Fuller –
https://archive.org/stream/essayonauthentic00full…
– الملل والنحل للشهرستاني – http://shamela.ws/index.php/book/11812
– Avesta – Zoroastrian Archives – http://www.avesta.org
– الإستيعاب في معرفة الأصحاب لابن عبد البر – http://shamela.ws/index.php/book/12288
– المجلة العربي (العدد 563- سنة 2005) شعيرة الصيام عبر التاريخ
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments