Maxaan u rumaynay “ILAAH”?

M

Kumannaan ilaah ayaa lagu soo caabuday adduunka. Wotan (ama Odin) wuxuu ahaa ilaaha weyn ee Vikings-ka. Ilaahyada kale ee Viking-ka waxay ahaayeen Baldr (Ilaaha quruxda), Thor (Ilaaha onkodka) iyo gabadhiisa Throd. Snotra (Ilaahadda xigmadda), Frigg (Ilaahadda hooyanimada) iyo Ran (Ilaahadda badaha). Greeks-ku sidoo kale waxay ahaayeen polytheistic (Mushrikiin), ilaahyadoodi waxa kamid ahaa, Zeus (Boqorka Ilaahyada), Hera (Xaaskiisii), Poseidon (Ilaaha badaha), Aphrodite (Ilaahadda Jacaylka), Hermes (Rasuulka Ilaahyada), Dionysos (Ilaaha khamriga).  Romans-ku iyaguna Ilaahyo kuwa Greek u dhigma oo shaqooyinkoda oo kale qabta ayay lahaayeen sida, Jupitor (Boqorka Ilaahyada), xaaskiisa (Juno), Neptune (Ilaaha badda), Venus (Ilaahadda jacaylka), Mercury (Fariin wadaha Ilaahyada), Bacchus (Ilaaha khamriga).

Zeus - The Powerful Greek God Who Needs No Introduction - Spiritual Ray

Muslimiinta, Yuhuudda iyo Kiristaanku waxay wadaagaan hal Ilaah oo koox walba magac u taqaan iyaga u gooniya. Sidoo kale Qaaradda Aasiya kumanaan Ilaah ayaa lagu caabudaa. 93% oo u dhiganta 6.5 billion oo qof ayaa rumaysan ilaahyo kala gadisan oo nolosha sahlaya.

Hadaba, waa maxay sababta waxaaso dad ahi ay u aamineen Ilaah ?

Markaynu taariikhda noolaha ee ku cad qaybaha cilmiga biology dib u daalacanno waxaa inoo muuqanaysa in bina-adamku halgan dheer u soo maray badbaadadiisa. Awoowayaasheen waxay aasaaseen xeelado cusub oo fududeeyey inay ka soo gudbaan caqabadihii badnaa ee dabar gooyay noolayashii la midka ahaa ee wakhtigaa dunida ku noolaa.

Xeeladaha lafdhabarta u ahaa badbaadada waxa ka mid ahaa wada shaqaynta iyo wada xidhiidhka noocaaga (Social adaptation). Isku duubnaantaasi waxay keentay inaan xidhiidh la samayn karno kuwa inala midka ah, aan ka fakiri karno badbaadadooda. Sidoo kalena kuwa cadawgana aan kaga feejignaan karno. Waxay nagu dhalisay inaan ka fakirno waxyaabaha inagu xeeran oo aan raadino sababta ka dambaysa hannaanka dabiicadu wax u wado. Qaab nololeedkaasi waa ka u sahlay inay awoowayaasheen isla badali karaan hadba deegaanka ay u hayaamaan.

Hilawga daryeel (The attachment system)

Natiijooyinka ka dhashay la qabsiyadaa bulsheed (Social adaptations) wax ka mid ah lifaaqa iyo daryeel jacaylka. U fiirso, marka ay dhibaato ku soo gaadho waxa aad raadsataa qof ku caawiya, haddii aanu si kale kuu caawin Karin, qof ku dhagaysta oo kula wadaaga dhibta ayaad jeclaan lahayd. Ilmuhu marka uu caloosha hooyadii ka soo baxo ayuu dareenkani ku bilaabma, inkastoo culimada cilmi-nafsigu ay leeyihiin isagoo caloosha ku jira ayuu bilaabaa. Daryeel-jacaylku wuxuu xalliyaa baahidii iyo ololkii ilaalada iyo ammaanka aan u qabnay sida wadnuhu u xalliyo mushkiladda dhiig-tuurista iyo gaadhsiinta xubnaha jidhka. Daryeele-jacaylku waa ta keentay inaad saaxiibadaa qaarkood aad u tagto xilliyada noloshu kugu adagtahay.

Alan Walker iyo Pat Shipman oo ah saynisyahano ku takhasusay cilmiga asalka samaysanka bina-adamka (paleoanthropology) warbixin ay ka soo saareen gabar Homo-erectus ahayd oo hadhaadiga lafaheeda laga helay Afrika ayay ku fasireen inay u dhimatay sumowga Vitamin A  – beer xayawaan ay cuntay dartii – waxay ogaadeen gabartaasi inay sii noolayd bilo sumowga ka dib. Gabartaasi ma aysan sii noolaateen mudadaa daryeele la’aan. Waxa jiray daryeele baahiyeheeda ka haqabtirayay sidoo kale dugaagga ka celinayay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Isla-egta Jiritaanka!

Bina-aadamku waxay baahi u qabaan cid daryeesha oo gacan qabata markay jilicsan yihiin. Waa tiir muhiim ah oo awoowayaasheen ka caawiyay inay ka soo badbaadaan marxaladihii adkaa. Arintani waxay inoo layliday oo ay garaadkeena u diyaarisay inaan si fudud u aqbali karno jiritaanka awood sare oo ina daryeelaysa, gaajada iyo balaayada inaga xijaabaysa. Ilmuhu marka uu yaryahay waxa u ilaaha waalidkiis, wuxuu aaminsan yahay inay wax walba ka celin karaan, agtoodu ammaan ku dareemaa. Laakiin markuu waynaado wuu ogyahay waalidkii inay dad isaga la mid ah yihiin oo aanay balaaya walba ka xijaabi karin. Waxa ka bannaan boos waalidkii ay buuxiyeen xiliguu yaraa. Waxa si fudud booska ugu buuxin kara Humaag awood sare ku suntan oo ilaalinaya, cabsida geeridana ka masaxaya isagoo u ballan qaadaya nolol dambeeto. xittaa hadaanu waxba u qaban, aaminaadda oo kaliya ayuu ku qancayaa.

La sheekaysiga maanka dadka kale (Decoupled cognition)

Maskaxdeenu waxay u tababaran tahay inay sawiran karto waxa dadka kale ka fakarayaan, badbaadadeenna ayaa ku xidhan inaan bulshada dhex galno qaabka ay u fakirayaan u fakirno. Waxaan u dhalanay inaan aqbalno dadka inala midka ah, dadka isku si aan u fakirno. Waxan awood u leenahay inaan xidhiidh maskaxeed la samayno dad inaga maqan wakhti walba iyo goor walba.

Tusaale, Aabahaa ayaad is maan-dhaafteen, waxaad ogaatay inaad ka khaldanayd, waxaad damacday inaad raalli galiso, laakiin waxaad u baahan tahay inaad qorsheyso. Hadaladii aad ku dhihi lahayd ayaad isku sii habaysan, dabcan waa taqaana aabahaa, waxaad garanaysaa jawaabtiisa. Adigoo jawabtiisa u eegaya ayaad sii qorshaysan hadal aan ka cadhaysiinayn oo uu raalli ku noqdo.

Ilmo yar oo waxad arkaysaa dabool wareegsan sita oo matalaya inuu gaadhi wado isagoo codkii gaadhiga samaynaya. Wuxuu sawiranayaa wax aanu haysan. Immisaad sawiratay adigoo salaad ku jira, wax wayn oo kursi dheer ku fadhiya oo aad adna ku hoos sujuudayso. Immisaad sawiratay malaa’ig iyagoo duulaya oo iftiiin ka baxayo. Immisaad sawiratay shaydaanka isagoo geeso leh. Immisaad sawiratay jannada iyo naarta. Markaad filim daawanayso adigoo og inay tahay been la sameeyey ayaad hadana sawirataa sidii ay run tahay oo kale. Waxaan sii qorshaynaa mustaqbalka qaabka aan u wajihi lahayn.

Waad ila dareemi kartaa ujeedada aan uga socdo, Maskaxdeennu waxay u tababaran tahay inay xidhiidh humaageed la samayso maqane aan jirin iyadoo raacaysa macluumaad uu soo gudbiyay qof sheeganaya inuu xidhiidh toos ah la sameeyey maqanaha.

Cabsi (Agent detection)

Waa maxay sababta sanqadha albaabka gurigaada ka baxda aad u mooda tuug kuu soo dhacay iyadoo dabayl ay dhaqaajisay?

Cabsida iyo shakigu waxay tiir adag u yihiin jiritaanka noolaha, waxay ku siiyaan taxadar dheeraad ah ood u yeelato waxyaabaha kugu hareerysan. Sanqadha albaakaagu waxa laga yaaba inuu yahay tuug kuu soo dhacay oo dhibaato ku gaadhsiin lahaa, Mushkiladdaa waxa xalliyay shakiga aan ka qabno waxyaabaha aynaan hubin. Waxaan isku daynaa inaan wax walba sabab ka raadinno, albaabka maxaa soo furay oo kale.

QORMO LA XIRIIRTA:  Runtu meel walba waa ku run!

Feejignaanta iyo Shakiga badani wuxuu kuu sawirayaa waxyaabo aanad arag ama aan jirinba, geed meel ka taagan baa laga yaaba inaad qof moodo oo aad ka cabsato. Xidigo samada ku yaal baa laga yaab inay awr iyo adhi kuula ekaadaan. Bac dhaqaaday baad jin moodaysaa…

Ujeedada aan uga socdaa waxay tahay, xaalkeenu markuu sidaa yahay aadbay u sahlan tahay inaad rumaysato Humaagyo awood badan oo amuuraha hagaya. Sidoo kale waxa dabiiciya inuu qofku iska sawirto inuu la hadli karo, hadalkaasi markuu quruumo jiro salaad iyo cibaado ayuu noqdaa. Duufaano ayaa dhacaya waxa la odhanayaa maanta baddu way xanaaqsan tahay iyo wax la mida. Humaag dabaraya amuuraha dabiiciga ayaa halkaa ka dhalanaya sida THOR ilaahii onkodka ee Greek-ga.

Waxan buuxinaa meelaha banaan!

Waxan buuxinaa meelaha banaan inagoo xittaa ka fakirayn. U fiirso sawirka hoose.

Xariijimo malahan, laakin waxad aragtaa Laba jibbaar (Square). Cadaymo yar oo meesha ku suntan ayaad kala soo baxday humaag aanan jirin oo laba jibaar la yidhaa. Cadaymuhu waa 4 ta goobo ee dhinacyadu maqan yihiin.

Square = Allah

Haddii lagu dhaho, Ilaahay ayaa dharka kuu dhaqaya, lacag ku siinaya, gaarigaaga kuu hagaajinaya, cashuurta kaa bixinaya. Waa mustaxiil inaad rumaysato xittaa isku dayi maysid inaad tijaabiso. Laakiin hadii lagu dhaho, bisha sagaalaad habeenka 27aad ducadaada Ilaahay wuu aqbalayaa, waad rumaysanaysaa.

Waa maxay sababtu? Akhriste ka jawaab !

Ilaaha aan caabudayno waxaan ku miisaana dabeecadeheenna, Waxa laga yaabaa in woxoogaa awoodeheenna dhaafsan lagu kabo si aan u rumaysanno, sida; Wax walba wuu maqlaa, wax walba wuu awoodaa, laakiin intaa wixii ka soo hadhaa waa dhaqamadeenna sida, wuu farxaa, wuu xanaaqaa, wuu aar-goostaa…. Waxaynu buuxinaynaa meelaha bannaan.

Nafteena Ayaan khiyaannaa

Waa maxay sababta dadka aaminsan awood sare oo ilaalinaysa ay dhakhtarada u tagaan ama caymis caafimaad u samaystaan?

Waa maxay sababta kuwa awood sare awgeed u dagaalamaya xabadda uga gabadaan?

Waa maxay sababta ilamahaaga aad wadada uga tallaabisaa?

Hadaad garaadkaaga u fiirsato waxad ogaanaysaa inaad naftaada khiyaamayso. Waad ogtahay hadaad xabadda iska ilaalin waydo inaad dhimanayso waayo ma kala taqaan midka iimaan leh iyo ka aan lahayn. Markaad u fiirsato dhaqanka dadka waxaad ogaanaysaa inay ku noolyihiin nolol bilaa ilaaha. dadka ay jecel yihiin waxay la rabaan noloshooda oo kale. Uma ogola inay wadada dhex seexdaan si uu Allaah u badbaadiyo oo awoodiisa u tusiyo.

Guntii iyo gunaanadkii Allaah, Krishna, Ciise Masiix, Zeus, Thor, magacay doonaan ha lahaadaane waa humaagyo ka dhashay hayaankii dheeraa ee bashariyaddu soo martay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments