Maxamed, Joosif Istaalin iyo Ilaahay

M

Maxamed (571-632) oo aan u baahnayn qeexitaan waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa magaalada Makka ee dhacda galbeedka boqortooyada maanta loo yaqaan Sucuudiga. Maxamed sida la soo wariyo waxa uu sheegtay in awood sare dooratay una xil saartay gaarsiinta dhambaal ay ugu talo gashay dadwaynaha adduunka ku dhaqan.  Dadkii deegaankiisa oo fikraddan Nabinimada ama wakiil Ilaaheedku ayna ku cusbayn ayaa waydiiyay caddaynta iyo mucjisooyinka nabinamadiisa sugaya balse Maxamed wuu ku guul darraystay inuu caddayn la taaban karo ku qanciyo carabtii reer Makka taas bedelkeedana wuxuu la yimid Quraanka oo ay u arkayeen jacbur, hadalo iyo khuraafaad dad hore laga soo minguuriyay waligoodna ay maqli jireen. Maxamed baryootan ayuu waday muddo 13 sano ahna dhagahooda ayuu ku akhrinayay Quraankiisan balse dad faro ku tirisa oo u badnaa saaxiibbadii iyo dadkii tabarta yaraa ee reer Makka marka laga yimaado dadka kale agtooda wuxuu ahaa nin maskaxda looga jiro oo aan fiyoobayn.

Maxamed markii uu taliskiisii u raray Madiina ee uu is biday cudud ciidan baryadii badnayd waa uu joojiyay, waxaana uu bilaabay jidgooyooyin iyo duullaamo joogto ah isaga oo magaca Ilaaha ku bannaysanaya daadinta dhiigga cid walba oo hor istaagta ama aan la dhicin farriintiisan, waxa uu faray asxaabtiisa in dadka aan ku qancin diintan cusub ay seefta la dhex qaadaan oo gumaadaan, hantidoodana bililiqaystaan (qaniimo), inayna u jixin-jixin maatada dagaalka lagu qabsado oo tusaale ahaan mid kamida duullaanadii Maxamed qaaday markii ay qayb kamida ciidankiisu ka caga-jiideen kufsiga dumarkii xaasaska ahaa ee lagu soo qafaashay dagaalka waxa uu Maxamed fasax buuxa u siiyay inay dumarkaas la qabo raggooda ku hor fuuli karaan, waxa uu sidoo kale sharciyeeyey addoonsiga caruurta iyo dumarka dadka lagu duulay kuwaas oo suuqyada lagu soo bandhigi jiray sida badeecaddana loo kala iibsan jiray.

Wuxuu jideeyey in dad nool la googooyo weliba qaab arxan daran, dad lagu tuhmey inay geel ka dheceen wuxuu amray in lugaha iyo gacmaha isdhaaf loo jaro indhahana laga soo tuuro kadibna kulaylka saxaaraha lagu dilo oo si silica naftu isaga gurto, wuxuu amray oo sharci ka dhigay in qof nool dhagax lagu dilo.

Wuxuu bannaystay dhaca iyo jidgooyada dadka iyo hantidooda, marka aad dhuuxdo taariikh nololeedkiisa waxaa kuu soo baxaysa inuu ahaa hogaamiye dagaaleed aad u arxan daran oo ku laayey qabwayni iyo macno darro kumanaan qof oo aan waxba galabsan, wuxuu adeegsan jirey ereyo ay ka mid yihiin “Cadawgii Illaahay iyo Gaalo”, Qabiilooyin iyo qawmiyado dhan ayuu sidaa ku dabar gooyey. Wuxuu dadka ku amray inay weyneeyaan, ammaanan, magaciisana aanay afka ka dhigin, wuxuu gaarsiiyay naftiisa heer Ilaahu isaga xuskiisa (salliga) afka ku hayo waqti walba.

QORMO LA XIRIIRTA:  Hooyadaa ayaa ka naxariis badan Ilaahaaga!

Maxamed waxaa la sheegaa inay sumeysey haweeney Yuhuudiyad ah muddo kadibna uu suntii u dhintay, dhigaalladii bahalnimadu ku dheehnayd iyo jidkii uu jeexay qarniyo badan kadib geeridiisii waxaa raacay kuwo kadaran isaga oo daadiyey dhiiga malaayiin qof. Weli dad badan ayaa aaminsan inuu tub saxan ku taagnaa kuna taamaya sidii ay u qaadi lahaayeen raadkiisa. Dadkaasi ma qirsana inuu denbiile ahaa oo falalka uu ku kacay haddii uu maanta joogi lahaa caddaaladda horteeda ku  mudan lahaa ciqaab daran.

Joosif Istaalin

Dhinaca kale Joosif Istaalin (1878-1953) isaguna wuxuu ahaa hogaamiyihii labaad ee midawgii Soofyeeti, wuxuu ahaa nin aad u arxan daran oo masuul ka ahaa dhimashada dad kor u dhaafaya 20 Malyan oo qof. Dadka wuxuu ku dili jirey arrimo siyaasadeed balse wuxuu ugu yeedhi jirey magacyo kala duwan ujeedkuna wuxuu ahaa inuu talada sii hayo dalkiisana uu ka dhaliyo kacaan wershedeed isagoo malaayiin qof ku shaqaystay hab addoonimo ah.

Wuxuu diley cid kasta oo isku dayday inay ka hortimaado ama uu uga shakiyey inay ka hor imaanayso fikirkiisa, qaybo dhan oo midawgii Soofyeeti ka mid ah dadkii ku noola wuxuu ku diley gaajo isagoo qaatay dalaggii/badarkii beeraha. Istaalin wuxuu ahaa macangeg dhiigyo cab ah oo arxan laawe ah. Wuxuu dhisay xabsiyo dadka loo musaafiryo si loogu dilo xabbad, gaajo ama qabaw kadib marka lagu shaqaysto, maxaabiis cusub marka la keenayo waxaa la layn jirey kuwii hore, Guulaag baa ugu sumcad xumaa xabsiyadiisa oo Seybeeriya ku yaalley.

Wuxuu adeegsan jirey ereyo badan oo ay ka mid tahay kelmedda “Cadawga shacabka” ereyadaas oo lagu bannaysan jirey dhiigga malaayin qof oo aan waxba galabsan. Istaaliin wuxuu diley, qixiyey oo addoonsaday dad gaadhaya konton ilaa lixdan malyuun oo qof, wuxuu dadka ku qasbay inay wayneeyaan, ammaanaan, taalooyinna u sameeyaan. Sida la sheego taariikhdu markay ahayd 1953 ayuu ka qayb galay casho sharaf habeenkaas afar beri kadib ayuu dhintay, waxaana loo badinayaa in la sumeeyey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaxalkii Baaderiyada

Kalafadhigii 20aad ee golaha dhexe ee xisbiga hantiwadaaga ee midawgii Soofyeeti oo dhacay 24 bishii Febraayo 1956 wuxuu jeediyey Nikiita Khurushoof (1894-1971) khudbaddii caanka ahayd ee loo yaqaaney (Dhanbaalkii sirta ahaa) dhanbaalkaas wuxuu ku nacladay oo ku caddeeyey denbiyadii uu Joosif Istaaliin ka galay dalka iyo dadka wuxuu kaloo sheegay inay ahayd marxalad madaw oo la soo maray ninkaasina ahaa denbiile aan mudnayn waynen balse in la maxkamdeeyo mudan, muddo yar kadib dhanbaalkii wuxuu gaadhey adduunka oo dhan.

Maxamed iyo Istaalin waxba isma dhaamaan waa laba denbiile oo galaaftay nolosha malaayiin dad ah. Maxamed wuxuu sheegtay in Illaahay soo diray Istaalinse diinlaawe ayuu ahaa. Istaaliin Dadkiisii waxay qireen inuu ahaa dhagar-qabe arxan daran, Maxamedse nasiib darro dadkiisii waxay u arkaan weli inuu yahay halyeey Illaahay soo diray oo aan wax denbi ah lahayn diyaarna waxay u yihiin inay qaadaan raadadkiisa wali dhiiggu ka qoyan yahay oo dhaqan galiyaan dhammaan falalkii foosha xumaa ee uu sameeyey.

Inaad qiri waydo oo iska fogeyn waydo malaayiinta qof ee Maxamed sababay diley, kufsaday, addoonsaday, hantidoodiina dhacay iyo danbiyada lamidka ah ee magiciisa lagu bannaystay waa kuu garaad xumo, falalkaa bahalnimada iyo xasuuqyada magaca Islaamka lagu gaystay waa inay Muslimiintu raalli gelin ka bixiyaan sida kaniisadaha Masiixiyiintu sameeyeen oo ay joojiyaan buunbuuninta magacyada hogaamiyo dagaaleedyo xasuuqyo ku kacay.

Bahalnimadaa Maxamed haddii Illaahay soo amray tii uu ku kacay Istaalinna uu waxba ka qaban waayey waxa muuqata in Illaahani isaguna uu faraha kula jiro danbiyadan foosha xun, masuuliyada danbiyadanna qayb wayn ku leeyahy, Illaahai haddii goojo naxariis ahi ku jirto ama aanu denbiile ahayn Maxamed iyo Istaalin kuma daawadeen xasuuqyada ay ku keceen.

Gabood-falladii iyo denbiyadii ka dhanka ahaa aadanaha ee ay ku kaceen Maxamed iyo ciidankiisi ilaa maanta waa socdaan oo laga joogo muddo ku siman 14 qarni halka dunuubtii Istaalin ku e’ekayd muddadii uu xilka hayey ama uu noolaa, saddex sano geeridii Istaalin kadib waxaa la nacladay oo la iska fogeeyey waxkasta oo Istaalin xidhiidh la lahaa, halka Maxamed hawshiisi weli socoto oo la buunbuuninayo falalkiisii argagaxa badnaa.

Denbi waa denbi ciddii doontaa haku kacdo, ujeedkuna wuxuu doono ha ahaad mana kala fiicna denbilayaashu magacyaday doonaan ha sheegteen.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments