Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto?

M
Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto? Dalka Sucuudi carabiya oo ahaan jirey waddan ku dadaala in ay wahaabiyadu caalamka ku faaftaa nimanka ka soo baxa jaamacadaha dadka lagu wahaabiyeeyo waxa uu u qori jirey lacag ay dalalkooda kaga hawlgalaan oo ay ku faafiyaan wahaabinimada, laakiin lacagtaasi ma ahayn hanti badan oo shirkado lagu samaysan karo ee waxa ay ahayd biil yar. Haddaba maxay ku dhacday in wahaabi kasta oo weyni uu yeesho hanti badan?

Sida la og yahay waxaa dhaqan ah in ay wadaaddadu ku noolaadaan hantida shacabka oo weligeed wadaaddadu ka ma tegin in ay ummadda ay la nool yihiin xoolo ka helaan. Waayadii hore wadaadku qofkii uu jus Qur’aan ah baro neef ari ah buu ka heli jirey, qofkii uu Qur’aanka oo dhan barana tulud geel ah buu ku lahaa. Dadka iyo xoolaha waxaa loo samayn jirey xirsiyo ama qardhaaso lagu daweeyo, waxaana lagu heli jirey hanti, isla markaas tahaliil ama cashar, kunmayr iyo akhris baa dad iyo duunyaba lagu samayn jirey, waxaana jirtey dun cad oo Yaasiin la yiraahdo oo dadka dhudhunka loogu xiro oo xoolo lagu helo. Dadka jirran waxaa la saari jirey Qur’aan iyo diin kale oo jinsaar iyo waxyaalo kale isugu jira oo wadaadkii Qur’aankiisa iyo ducadiisa lagu biskoodo waxaa loo yaqiin ”Tuf ku khayrre”. Xoolaha baxsada wadaaddadu waa ay u xirsixiri jireen si uusan dugaag u helin, waxaana badnaa in dad iyo duunyaba markii la rabo Qur’aan loo akhriyo xataa haddii aysan cidi jirranayn.

Meherinta dumarka wadaaddadu hanti bay ku heli jireen, isla markaas dhibbaannada ama qaamaha dadka loo ka la simo xoolo ayaa lagu siin jirey. Maddiiddada oo ah sixir ama fal naag lagu jeclaysiiyo nin aysan rabin iyo asmada oo ah habaar qorshaysan oo cadowga lagu aaddiyo labadaba wadaaddada wax baa lagu siin jirey. Wadaadkii af dheer oo cilmul’asraarka ama sixirka wax ka garanayaa qofkii uu muraadkiisa u fuliyo xoolo ayuu ku lahaa. Siyaarooyinka iyo allabariyada waaweyn xoolaha la isu keeno in badan baa wadaaddada la siin jirey, isla markaas waxaa jirey xoolo magacooda ”Siyaaro” la yiraahdo oo ciddii ay wadaaddo soo booqdaan lagu lahaa. Siyaaraysiga ama walanbaysigu waxa uu ahaa dhaqan wadaaddada lagu yaqaan oo ninka wadaadka ahi sida uu u joogo ayuu reerkiisa ka dhaqaaqi jirey oo ummadda dhex mari jirey si reerkii uu u yimaadaaba neef ugu qalo, neefna u siiyo. La ma soo koobi karo risaaqadaha ama hantida ay wadaaddadu bulshada ka heli jireen, laakiin intaaas ayeynu dhaqankii hore uga baxaynaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Doorashada nooca jinsiga ee ilmaha

Wahaabiyadu markii ay carriga soo galeen waxa ay dureen ama dhalliileen qaabkii ay waddaaddadii hore ummadda wax uga qaadan jireen maaddaama uu iyaga biil uga socdey Sucuudi Caraabiya oo ay u haysteen in aysan u baahnayn hanti soomaalida ka soo gasha, isla markaas ay wadaaddadii hore tartan ku la jireen oo ay rabeen in ay canbaareeyaan si ay bulshada uga kaxaystaan. Wahaabiyadu barakooyinkii iyo dhaqankii hore ka ma ay wada tegin oo waxa ay banneeyeen in qofkii jirran Qur’aan lagu akhriyo xoolo lagu heli karo, in dugsiyada ama malcamadaha nimanka dhigaa ay ardada xoolo weydiiyaan, in cadowga la habaari karo ama la asmayn karo, in dumarka lacag lagu nikaaxi karo, in wadaad qofkii uu u duceeyo uu afuro ka qaadi karo, in siyaaro magaceeda ”Tabliiq” la yiraahdo lagu walanbaysan karo iyo tahaliisha ama casharka oo ay markii hore diideen ay se dib ka oggolaadeen markii ay ogaadeen in wadaaddo Khaliijka jooga oo ay shifooyin u furan yihiin ay dadka biyahaas lacago qaali ah ka siiyaan.
Wahaabiyadu waxa ay meesha ka saareen cilmul’asraarkii ama sixirkii oo ay wadaaddadii hore isku khilaafsanaayeen maaddaama ay Sucuudigu ku liitaan aqoonta rooxaaniyadda iyo asraarta oo ay haystaan diin angagan oo ilxaadka shabbahda. Cilmul’asraarka ama sixirku haddii uu xaaraan yahay in Eebbe la rumeeyaa waa xaaraan, waayo xaqiiqo ahaan iimaanka diin la rumaysan yahay waa sixir oo weliba waa sixirka qaybtiisa la yiraahdo ”Sixrul iidhaar” oo ah in qofka isaga oo aan jismi ahaan loo qabsan maskax ahaan iyo dareen ahaan loo maamusho. Dadka aqoonta asraarta ku xeel dheeri waa ay isku khilaafsan yihiin in waxa iidhaarka lagu qabsanayaa uu yahay qofka laftiisa iyo in uu yahay ”Qariin” uu qof kastaa leeyahay oo ku lifaaqan. ”Iimaan” ama rumayn diimeed haddii aad maqashid wax kale ma aha ee waa in qofka ama qariinkiisa la qabsado, ka dibna sidii la doono laga yeelo markii uu iimaan yeesho, waana siddeedda qaybood ee sixirka ugu waaweyn mid ka mid ah oo ah kuwa ugu sii muhiimsan. Cidda uu qofka iidhaarka lagu haystaa u sixran khasab ma aha in ay yihiin dad la xilli ah oo qofku waxa uu u sixranaan karaa qof 20 qarni ama ka badan mootan oo looga sheegay in uu amray in uu galab kasta foorarsado toban jeer ama uu habeen kasta aqalka cad ee Maraykan u jeesto isaga oo af talyaanni ku hadlaya. ”Mu’min” iyo ”Masxuur” markaas isku macne ayey noqonayaan, laakiin ujeeddadeennu ma ahayn in aynu halkan sixir ku baranno.

Shirkad dhisme oo uu leeyahay wadaadka Umal oo magaalada Kismaayo ka hir-galinaysa mashruuc lagu dhisayo xaafad cusub oo hanti badani ku baxayso.

Wahaabiyada kuwooda waaweyni in ay xoolaystaan waxaa keenay dhowr arrimood. Midda kowaad soomaalidu waxa ay weligeedba dhaqan u leedahay in uu wadaad maskaxdooda sida turubkii u boolaysan karo oo ganacsato badan baa ku xirantay wahaabiyada, kuwaas oo markii maskaxda laga qabsaday ka dib wahaabiyada waaweyn maalgelin weyn ku sameeyey. Wadaaddada waxaa loo arki jirey dad hawlo gaar ah u xilsaaran oo talada ummadda wax laga ma weydiin jirin, laakiin wahaabiyadu waxa ay isu muujiyeen in ay yihiin niman wax kasta la weydiin karo oo siyaasad, dhaqaale, arrimo bulsho iwm in iayaga loogu soo hagaagaa ay xaq tahay. In badan waxa aad aragtay niman wahaabiyo ah oo isu muujinaya in aysan diin ku koobnayn ee ay aqoonta casriga ah wax ka garanayaan iyaga oo laga yaabo in ay aqoontoodu aad u liidato. Nin kuwa wahaabiyada ugu waaweyn ka mid ah baa waxa uu yiri ”Xubinta taranka dumarku 100 maalmood bay markii loo galmoodo biyaha kaydisaa oo haddii muddadaas ay niman badani ku galmoodaan waxa ay haweeneydu dhalaysaa ilmo ay raggaas badani wada dhaleen oo dhammaantood u wada eg, arrintaasna waxaa dadka la wadaaga eyda oo ay 100 ey wada dhali karaan hal ey, waxaana sidaas caddeeyey dhakhtar New York jooga”. Waxaasi in laga jawaabo ma mudna ee waxa aan uga jeedaa in waxa ninkaas dhibtaas baday ay tahay in uu isu muujiyo in uusan diinta keli ah aqoon ee uu ilbax yahay oo xoogaaga fiqiga ah ee uu garanayo uu New York ku faruur xiro. Falalka noocaas ahi aad bay wahaabiyada uga dhacaan oo waxa aad arkaysaa kuwo islaamo soo doontay in salaadda iyo soonka looga sheekeeyo saacado badan kaga lumiya istustus uu macnihiisu yahay in aysan wahaabiydu wadaaddo jaahiliin ah ahayn ee ay ka hadli karaan aqoon casri ah. Arrintaasi waxa ay keentay in dad badan oo ganacsato ah lagaga furto xoolo badan oo loo arko in wadaaddada carabaha ka yimid ay ka ilbaxsan yihiin kuwii dalkooda ku sugnaa. Wahaabiyadu dal iyo debedba waxa ay ka ururiyaan dhaqaale badan oo ay marmar ku magacaabaan in masaajid lagu dhisayo, marmarna in dacwada lagu kaalmaynayo, xoolahaasna waxaa farta laga saaraa kuwooda waaweyn oo laga yaabo in ay laftoodu meelaha aad la isugu yimaado qayb weyn ka qaataan ururinta hantidaas. Dadka xoolahaas laga qaadaa dib u ma sii raacaan meesha ay wax maraan ee waxa ay sii ururiyaan hantidii ay bixin lahaayeen muxaadarada ku xigta!

QORMO LA XIRIIRTA:  Diintu Horumar ma keento!

Ugu danbayntii waxa aan ganacsatada u sheegi lahaa in ay hantidooda ku bixiyaan wax dantooda iyo danta dalkooda ah oo aysan naaxin dhibaatada ummadda saboolka ah, dadweynaha dahabka iyo doollarka la yaacayana waxa aan oran lahaa masaajid iyo madarasooyin lacagtiinna lagu ma dhiso, waxaana la idin ku khatalay iimaanka iyo aamminaadda ee maskaxdiinnii dib u soo ceshada! Xoolaha maskaxda ayaa laga maammulaa oo maandooriye ayaa la idin liqsiiyey.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

2
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
1 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Mohamed amiin omar
Mohamed amiin omar

waxan la yaabanahay oo an kala garan la ahay qoraagu inu muslim yahay iyo inkale balse waxay ilatahay inaad tahay qolyaha cilmaaniyiinta ah ee caqligooda yar u aamin san inuu u iftiimin karo ujredada uu Allah binu aadamka u abuuray mida kale waxad u eegtahay qof ay gaaladu shaqaleysiiyeen wayo waxad ka argagax santey culimada salafka ee ad u nisbeynayso shiekh mohamed bin abdel wahaab ama Wahaabiyiin ad leedahay waxa cad inay dhaman inta muslimka aheyni kawada baqayaan wahabiyada ama salafka ee ay islamnimadu ka go antey oo ay saafi katahay dhaman shirkiga iyo bidcadaba waxan layabey marna xabibka SCW… Akhri faalladan »

Saed abdsalam
Saed abdsalam

Wlle ninkan aad baan ula yaabanahy waa mid fasahaad ummada ku wada
Ninkani in uusan islaam ahayn way caddahay waa nin lasoo dirsaday waana mulxid diin dhan aan oggolayn aakhirkana dadkan oo kale waxa ay noqdaan sheydaan caabud
Ma nin nabiga wax ka sheegaya ayaa islaam ah
Diintiisii iyo dadnimadiisi waxa uu siistay thaman qaliil ah

My Bookmarks

Follow Us

Send this to a friend