Maxay Soomaalidu Diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

M
Midda kowaad waxaa isu dhaqan eg carabtii diinta islaamka ka hor iyo ka dib ku noolayd dhulkii ay diintu ka soo baxday iyo soomaalida. Carabtaasi waxa ay ahaayeen dad geela aad u jecel, maansooyin ka la aarsi iyo qabyaalad isugu tiriya, uusan ninka ka mid ahi dan u dhiman ee uu sharafta reerkiisa u dhinto, waxa koox mideeyaa ay ahaayeen wada dhalasho keli ah, ragannimadu ay wax sare ahayd oo dumarnimadu ay hoosayn ahayd, aftahmada iyo geesinnimadu ay ninka qiimihiisa oo dhan ahaayeen oo hanti kasta oo uu ninku haysto oo uusan geel ku jirini aysan xoolo ahayn. Sababta ay diinta islaamku magta dadka geel uga dhigtay waa in ay dhaqankaas ka soo jeeddo, waayo geelu waa xoolaha ugu yar oo la dhaqdo adduunka oo muslimiinta maanta joogaa waxa ay magta weyaan meelo yar oo uu geel joogo inta ay hashu doollar ahaan ka marayso.

Midda labaad diintu xilli hore oo uu fakarka dadku aad u hooseeyey bay timid, sidaas darteedna caqli ahaan aad bay khafiif u tahay oo wax maskaxda daaliyaa ku ma ay jiraan. Diinta asalkeedu waa nusuus la xafido iyada oo aan la fakarayn, nusuustaasina waa waxyaalo ay la qabsan karaan qofka maangaabka ah iyo qof kastaa oo aan lahayn heerar fakar iyo heerar aqooneed oo dadaal u baahan. Meesha diinta ugu adag haddii loo fasiro qof ay maskaxda wax uga dhimman yihiin oo aan weligiis wax baran waa uu fahmayaa, sidaas darteedna muxaadarooyinka diinta loo ma eego kooxo ka la heer ah ee dadka oo dhan baa loo jeediyaa mar haddii ay isku si u fahmayaan. Qofka u baahan wax fakarkiisa kobciya oo xilligan nool waa ay ku adag tahay in uu diinta dhegaysto, haddii uu akhris ahaan u samaynayana waxa uu uga jeedaa in uu dadkii hore ee aragtida gaabnaa daraaseeyo ee in uu wax maskaxdiisa dhaqaajiya ka helo akhriskiisu noqon mayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nebinimada Yuhuudda

Midda saddexaad abuur ahaan dadka badankoodu waxa ay u hiloobaan waxyaalihii ay yaraantoodii ku soo koreen oo qofku meesha uu labaatan ku gaarey wax kasta oo laga haystey waa uu ku dhegganaadaa haddii aysan meeshaasi ahayn meel dadka jooga loo diyaariyey in ay fakaraan oo ay xataa dhexdooda aragtiyo ka la duwan qaadan karaan. Meel haddii ay waxbarashada iyo fakarku ku yar yihiin oo carruurta ku korta waxyaalo kale lagu koriyo waxaa hanaqaada qof aan wixii meeshaas ka jirey wax aan ahayn weligiis oggolaan karin oo aan fahmi karin dad aan ahayn kuwa ay isku meesha ka yimaadeen. Qofka soomaaliga ahi isaga oo ilbaxnimo iyo aqoon ka maran buu ku koray dhaqan ah in uu Eebbe wax kasta abuurtay, in nebigii oo carab ahaa uu dadka ugu fiican yahay iyo waxyaalo kale, mana uu helin wax kale oo maskaxda kobciya ama dadnimadiisa kor u qaada, sidaas darteedna isaga oo faaruq ah buu u hiloobayaa wixii uu ku soo bartaaray, wax kasta oo kalena waxa uu u haystaa cadow aan khusayn. Iyada oo uu soomaaligu sidaas yahay baa waxaa meel kasta u taagan wadaaddo soomaaliyeed oo dano dhaqaale wata oo qofka ku sii dabra in uu xaaladdaas ku jiro oo aan qofna fakar iyo aqoon kale u oggolayn, waxa ayna soomaalidu gubo iyo debedba noqdeen dad dunida ka soocan oo aad u hooseeya.

Midda afraad soomaalidu waa dad dhul fiican dega, laakiin taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan aan jirin. Xagga taariikhda soomaalida waxa keli ah oo la hubaa waa in ay isku af iyo isku muuqaal yihiin oromada, canfarta iyo dadyow kale, xagga dhaqankana waa dad aan waxba diiwaan gelin oo afka ka qaada maansooyin iyo heeso. Mar haddii aysan taariikh fadhida lahayn oo ay nebiga jecel yihiin waxa ay bilaabeen in uu qabiil kastaa sheegto jafidii nebiga ee Quraysh iyada oo aan wax kale la baarin. Dadka dhulka sidaas u weyn dega oo afkooda iyo midabkooduba ay deriskooda u eg yihiin in ay carabta dhowaan ka yimaadeen cilmi iyo caqli midna ma aha ee waa aqoon darrida, hoosaynta, fakar la’aanta, diin jacaylka iyo marnaanta soomaalida.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xeerka kufsiga ee Somaliland waa xeer noocee ah?

Soomaalidu haddii ay wax hal’abuuraan waa wax heehaabaya oo maalinle ah oo afka laga sheegsheego oo aysan cid kale danayn karin, haddii ay wax qoraanna waa wax ay ka muuqato in uu yahay falaad lagu farbartay oo xataa falaadku uusan akhristeyaal lahayn. Ma aha dad fadhiya oo waxa ay haystaan uu u muuqdo, isla markaas waa dad fudud oo dhaqankooda maalin laga beddeli karo, waayo dumarka soomaalidu boqolkii sano ee u danbeeyey waxa ay soo mareen dhowr siyaalood oo ay u lebbistaan oo aan fakar ku salaysnayn ee laablakac ah. Maanta si ay koox wadaaddo ahi fareen bay u wada lebbisan yihiin.

Ugu danbayn soomaalidu sidan ku ma ay sii jiri karto oo waxa ay af ahaan iyo dhaqan ahaan u dabargo’ayaan iyaga oo nool, waayo wax fadhiya ma leh. Afrika waa ay yar yihiin ama maba jiraan dad isku af ah oo af afrikaan ku hadla oo dega dhul la eg geyiga soomaalida, sidaas oo ay tahayna waxaa la qiyaasi karaa in ay soomaalidu khadka ka baxayaan. Wadaaddada wahaabiyadu qaybta ugu weyn bay ka qaataan dabargo’a soomaalida, waxa ayna raadinayaan in ay soomaalida carabeeyaan iyo in ay u celiyaan xilligii carabtii hore, adduunkana xilligan ka ma soconayso in qowmiyad afkeeda la tirtiro oo xilliyo hore ayey taasi dhici jirtey, isla markaas dadka afka carabiga ku hadlaa maanta laftooda ayaan hayn dhaqan iyo fakar ay dad kale ku soo biiri karaan. Hadalku yuu i la dheeraan ee qofka soomaaliga ahi ha ku dadaalo waxbarasho xididdo leh oo ka fakarsiisa iyo degganaan!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments