Maxay tahay xikmadda ku jirta jaridda gacanta tuugga?

M

Ilaaha wayn ee ay diinta islaamku soo bandhigtay waa mid ogaalkiisu ka sarreeyo dhamaan noolaha kale ee uu abuuray, waana mid xog-ogaal u ah waxa jooga iyo waxa iman doonaba, waa mid ay jaan-goyntiisu tahay mid aan ku noqosho iyo dib u eegis u baahnayn, ilaahani waxa uu soo diray niman ergayo ka ah isaga oo dadka gaarsiinaya farriimihiisa, wuxuuna ku soo gunaanaday farriimahaas Quraanka oo ah hadalkiisa una suubada in la dhaqan galiyo xilli walba iyo goob walba ilaa laga gaarayo maalinta danbe, Hadaba Ilaahaas aynu ka soo sheekaynay isaga oo ilaalainaya xuquuqda addoomihiiisa kana hortagaya dhamaan noocyada xadgudubyada ayuu mamnuucay falalka qaarkood oo ciddii ka tallaabsatana jideeyey sharci la mariyo oo joojinaya xadgudubyada lamidka ah inay ka dhacaan bulshada dhexdeeda.

Falalka uu ilaaha wayni neceb yahay samayntooda ee uu jideeyey ganaax ka dhan ah cid walba oo ku kacda waxa kamid ah xatooyada ama qaadashada xoolaha dadka kale si qarsoodi ah intay doonto ha le’ekaado mugeeduye, Ilaahay waxa uu farayaa sida ku cad suuradda Maa’idah, aayadda 38aad;
“وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا جَزَاءً بِمَا كَسَبَا نَكَالًا مِّنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ”
“Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda abaalmarin waxay kasbadeen darteed waana xanuujin eebbe ilaahayna waa adkaade falsan”
Ilaahay sida uu ku caddeeyey aayaddan ciqaabta qofka xatooyo ku kacaa waa jarista gacamaha, aayaddani kama hadlin kobta laga jarayo gacanta iyo sidoo kale waxa lagu samaynaya qofka mar labaad iyo mar saddexaadba falkan ku kaca, laakiin sida culimada islaamka badankoodu isku raaceen iyaga oo tixraacaya axaadiitha laga soo wariyay Maxamed ayay hoosta ka xariiqeen in xatooyada koowaad qofka gacanta midig la jarayo, xatooyada labaadna lugta bidix, xatooyada sadexaadna gacanta bidix halka xatooyada afraad lugta midig kaf laga siinayo oo sidaa uu ku noqonayo qof aan dhaqaaqi karin oo ay adag tahay inuu falkaas ku laabto mar kale.
Image result for muslim cut hand
ISIS oo gacan jaraysa
waxaa is waydiin mudan ilaahay ma yahay mid xikmad badan sida uu ku xusay aayadda hore? ilaahay aragti fog ma leeyahay oo arrinta inta uuna jaan-goyn ma fiiriyaa cidhibteeda iyo raadka ay ku yeelanaysa qofka wax xaday qudhiisa, ubadkiisa ama dadka isaga hoos yimaada iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba mise deg-deg iyo ka fiirsasho la’aan ayaa qaada kadibna go’aanka ayuu ku fududaadaa oo ku baraarugaa xilli ay xeedho iyo fandhaali kala dheceen oo nabigiina dhintay?
Waydiintaa hore maskaxdaadu waxay soo tuuraysaa “Haa, ilaahay iyo addoomadiisa kob lama wada dhigi karo, ilaahayna wax walba wuu og yahay cidhibtooda iyo waxa ka dhalanayaba”, sidaa darteed waxaan jeclahay inaad dib ugu laabato maskaxdaada oo aad waydiiso “Maxay tahay xikmadda ku jirta goynta gacanta tuugga? Miyayna jirin qaabab kale oo ka qurux badan ujeedadana qabanaya? ilaahay markii uu is bar-bar dhigay dhamaan qaababka quruxda badan ee maskaxdiisa wayni sawiranayso in loo ganaaxo tuugga ma waxa la qumanaaday oo xikmadiisu noqotay jarista xubin muhiim u ah qofka noloshiisa? Ilaahay ma ka fekerayaa ubadka tuuggan baahidu ku khasabtay xatooyada? ilaahay isaga ayaa ku abuuray tuuggan rabitaanka inuu qaato xoolaha dadka kale leeyihiin, miyayna haboonayn inuu rabitaankaa xun ka masaxo oo ku bedelo nacayb intii uu naafayn lahaa oo nolosha ku adkayn lahaa? “.

QORMO LA XIRIIRTA:  Baratanka Alshabaab
Waxaa jira boqolaal qaab oo loo ganaaxi karo tuugga iyada oo laga fiirinayo xaglo badan iyo mid walba lurka ku lifaaqan ee ka dhalan kara baaxadiisu inta ay gaarsiisan tahay,
Qofka tuugga ah in la xiro muddo u dhiganta hantida uu xaday waa mid kamida ah qaabaka wax ku oolka ah ee xanuunkan lagu dawayn karo, tuugana isaga oo xubnihiisu bad qabaan hadana ka joojinaysa inuu mar labaad falkaas ku dhiirado, waxaa bulsho kale xal ula muuqan kara in tuugga la galiyo hawl qaran oo gacmihiisa si bilaasha looga faa’idaysto muddo kooban oo lagu dhiso cisbitaallo iyo goobo waxbarasho ama lagu qodo beero halkii la jari lahaa oo qashinka lagu dari lahaa, waxaa qof kale soo bandhigi karaa in iyada oo loo danaynayo tuugga iyo dadwaynahaba qofka falkan ku kacay lagu xareeyo goob waxbarasho oo la siiyo wacyigelin lana baro xirfado waxtar u leh mustaqbalkiisa oo uu kaga maarmayo xatooyada, waxay dawladi raadin kartaa sababaha keenaya xatooyada sida baagamuudada oo kadibna shaqo abuur u samayn kartaa dadkan si ayna mar danbe ugu laaban falkan, laakiin ilaaha wayn markii uu is bar-bar dhigay qaababkan loo xalin karo ee aan soo xusnay iyo balaayiin qaab kale oo maskaxdiisa ka guuxayay kana xikmad badnaa kuwa aan xusnay waxa u cuntamay oo xal u arkay kaliya curyaaminta qofkan duruufuhu tuugga ka dhigeen.

waxaan si kooban ugu hakanaynaa tilmaamista qaar kamida dhibaatooyinka ka dhalan kara jaridda gacanta ee ka hor imanaya ujeedadii loo jideeyey sidoo kalena laga yaabo inuuna ilaahay ku baraarugsanayn xilligii uu qaadanayay go’aankan ogaalkiisa iyo xikmadiisa buuxda duraya.

• Marka qofka gacantiisa middi la leefsiiyo (gacanta laga jaro) ma suurta galayso ka laabashada ganaaxan hadii qof kale danbigaas qirto oo la xaqiijiyo in qofka gacanta la gooyay uuna ku lug-lahayn falkan, halka hadii la xiri lahaa muddo oo khaladkani soo bixi lahaa ay suurtagal noqon lahayd in qofkan la raali galiyo oo khaladkaas dhacayna wax kale loogu bedelo.
Arrintani marar badan ayay dhacdaa adduunka in qof ciqaab lagu fuliyay sida dilka ay soo baxdo inuuna danbiile ahayn oo lagu khaldamay kadib marka danbiiliha dhabta ahaa qirto ama caddaymo kale la helo, sidaa darteed ayaa wadamada qaarkood joojiyeen gabi ahaanba ciqaabta dilka oo ka dhigeen ganaaxa ugu sarreeya xabsi madaxaa ha ku furto ah.

• Qofkan gacanta laga jaray waxa uu noqonayaa mid farta lagu fiiqo oo dadka ka dhex muuqda, cidina uma baahanayso inay akhrido siiradiisa shakhsiyeed si ay u ogaato sababta, sidaa darteed xitaa hadii uu ka soo laabto dhaqamadiisii hore oo qof wanaagsan noqdo kama harayso ceebtani inta uu nool yahay, isagana waxay u keenaysaa xanuuno badan oo nafsiya kuwaas oo ku khasbaya inuu ku kaco falal kale oo ka daran tuuganimada maaadaama ayna jirin cid il naxariisa ku eegaysa oo xushmad u haysa qof walibaana u arko inuu yahay tuugii 20 sano ka hor kabaha xaday.

• Qofkan tuugga ah waxa yaraanaysa fursadda helitaankiisa shaqo, maadaama cid waliba ujeedo inuu yahay tuug way adkaanaysaa in la helo qof aamina oo dukaan u dhiibanaya ama alaab agtiisa kaga tagaya, qofkii bas la raaca ama ay goob kale ku kulmaana jeebkiisa iyo boorsadisa ayuu ilaashanayaa xitaa hadii uu khamiis iyo gadh dheer yeesho oo wadaad isu bedelo maadaama uu wali muuqdo raadkii tuuganimadu.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xumaan iyo Samaan
• Arrintani waxay Kordhinaysaa tirada daka naafada ah ee bulshadaas, marka ganaaxan la fuliyo iyada oo la raacayo amarka ilaahay ee aan ogolayn gor-gortanka waxa badanaysa dadka naafada ah ee aan awoodin inay shaqaystaan, taasi waxay kor u qaadaysaa danbiyada kale ee ka dhasha shaqo la’aanta waxayna ka qayb qaadanaysaa korodhka darbi jiifka sidoo kalana waxaa ku caano waayaya caruur badan oo gacantaas la jaray quudanayay.

• Ma jiro wax farqiya oo u dhexeeya diinta Islaamka ninka kabo dacasa masaajidka ka xada iyo tuugga 1kg oo dahaba xada, sida rasuulku xusay tuugga waxa gacanta lagu jarayaa waxyaabo yar-yar oo laga yaabo inaadan hore u maqlin…
قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: ” لعن الله السارق، يسرق البيضة فتقطع يده، ويسرق الحبل فتقطع يده” رواه البخاري
“Rasuulku SCW waxa uu yiri: naxariista ilaahay waxa laga dheereeyey tuugga, waxa uu xadayaa ukun kadibna gacanta ayaa la jarayaa, waxa uu xadayaa xadhig kadibna gacanta ayaa la jarayaa”
Sida ku cad xadiithkan waxyaabaha qiimaha yar sida xadhiga iyo ukunta ayaa keeni kara in qofku waayo xubin muhiim u ah noloshiisa oo aan la soo celin karin.

Qofkan baahidu ama shaqo la’aantu iyo duruufaha kale ku khasbeen inuu alaab yar xado ayaa ilaaha wayni faray in gacantaas uu danbiga ku galay la jaro halka qofka kuu yimaada ee xoog kaaga qaata ama booba hantidaada uu ilaaha xikmadda badani ka gaabsaday oo wax ganaaxa u jidayn.
Qof walba oo diinta islaamka ku dhashay waxa ka reeban su’aasha iyo dib u eegista hadalada lagu shubayay maskaxdiisa ilaa yaraantiisii, sidaa darteed waxa u fudud inuu weeraro oo caayo qofkan ka codsanayo inuu maskaxdiisa fursad ugu deeqo ay wax isku waydiiso oo shaandhayso hadalada mudada dheer lagu cel-celinayay halkii ay noqon lahayd foostada qashinka ee wixii la rabo lagu rido ama laxda idaha kolba dhinac u raacda ee iyadu aanan kaligeed wado qaadi karin.

Qof yahaw muslimka ah adiga oo maanka ku haya dhibaatooyinka aan soo xusnay ee ka dhalan kara fulinta xadkan waxaad si dhab ah naftaada u waydiisaa adiga oo kaashanaya maskaxdaada “arrintani miyay noqon kortaa xalka kaliya ee eebaha naxariista badan, ogaalkiisu ballaaran yahay, xikmadda badani ku qancay oo u jideeyey dadka iman doona kumanaan sano kadib xilli laga yaabo in adduunkan aynu naqaano maanta uuna jiri doonin oo wax badani is bedeli doonaan mise waa xalka u muuqday nin noolaa qarnigii 7aad oo jidh-dilka iyo aasidda dadka nooli agtiisa caaado iyo dhaqamo ka ahayd oo isaguna gacan goynta aanan u arkayn dhib wayn maadaama bulshada ku hareeraysan waagaas ay samaynayeen waxyaabo ka daran, sidaa darteedna jideeyey arrintan si uu xakameeyo xatooyada laakiin halkii uu buugga jaldigiisa ku qori lahaa magiciisa ku qoray magaca qoraa wayn oo samada jooga.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Araweelo
Araweelo
6 Bilood Kahor

Iminka ma waxaad lee dahay gacan gooyntu waa khalad?

W/Q: Maigag Guled