Maxey tahay aragtida Darwinism (Evolution)?

M

Waxaa loo yaqaanaa isbaddal ku yimaada astaamaha la iska dhaxlo ee noolaha, taasoo muddo gudaheed keenta iney samaysmaan noocyo cusub oo noole ah ama is beddel ku yimaaddo noole hore u jiray.

Charles Darwin

Caalim-ka English-ka ah ee Charles Robert Darwin ayaa daahfuray aragtidan isaga ayaa loogu magac daray, Darwin waxa uu dhashay 12-kii Febraayo 1809, waxa uuna ka dhashay qoys tanaad ah, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar caan ah xilligaas.

Sannadku markuu ahaa1839 ayuu bilaabay Darwin diraasaynta noolaha iyo isbedalka ku yimaada iyo isbedellada dhalan-geddis-ka (mutation), waxa uuna hormariyay aragtidiisii caanka ahayd ee Natural Selection (Xulashada-deegaameed).
Dabshidkii 1859 ayuu Darwin suuqa keenay kitaabkiisa caanka ahaa ee (On the origin species) kaas oo uu  ku caddeeyey  aragtida Evolution oo ku fadhida caddaymo.

Kadibna waxa uu bilaabay diraasaynta dadka, sannadii 1871 waxa uu soo saaray kitaab la yiraahdo (The descent of man, and selection in relation to sex).
Kitaabo badan ayuu qoray Darwin, wuxuuna ka qoray qaarkood dhirta iyo cayayaanka.
Darwin waxa uu dhintay 19-kii April 1882, waxaana lagu tiriyaa dadka ugu saamaynta badnaa ee adduunka ku dul socday.

Waa maxay aragtida Evolution?

Aragtida Evolution waxey dhigaysaa in noolaha oo dhan ka yimid hal unug oo si kadis ah u suurta gashay inuu samaysmo kadib markii uu helay(unugaasi) cimilo physics-eed ku habboon; sida: heer kul iyo hawo…. taaso keentay ama u fududaysay unugga inuu bato, badnaanshahaas ayaa keenay iney soo baxaan silsilad noole oo isugu jira dad, dhir iyo xayawaan.

Caddaymaha ay cuskanayso aragtida Evolution

Homo antecessor remains from Atapuerca (Credit: Javier Trueba/MSF/Science Photo Library)
(Credit: Javier Trueba/MSF/Science Photo Library)

Aragtida Evolution waxey ku dhisan tahay caddaymo xooggan oo lagu soo koobi karo karo sidan:

  • Noole kasta wuu ka duwan yahay noolaha kale, taasi waxey u laabanaysaa hiddo-sidaha(gene) la’iska dhaxlo.
  • Jiilka dhasha oo ka tira badan inta uu deegaanku hayn karo, taasoo keenaysa iney meesha ku soo haraan koox yar, inta deegaanka ka hiiliyo ama u kaalmayn waayaana ay dhintaan ama dabar go’aan.
  • Qolooyinka leh astaamaha adkaysiga waxey ka baadbaadi ogyihiin qolooyinka kale, tusaale ahaan balanbaalista marka ay dhalato noolaha kale ma arki karaan taasoo yaraynaysa qatarta in la cuno,  taa micnaheeduna wuxuu yahay iney balanbaalista sii jirayso.
  • Xubno aan noolaha hadda ku jurin: lafaha iyo qolfoofyada noolihii innaga horreeyey ee la soo qufay waxay tilmaamayaan in qaar kamida xubnaha ay la dheerayeen dadka, kuwaas oo waqti kadib markii ay shaqadoodu dhamaatay ka baxay meesha.
  • Xubno isku shaqo ah laakiin labo noole oo kala duwan ku jira: sida gacmahha nibiriga iyo insaanka gacmihiisa.
  • Cilmiga dhaxalka (genetics): laf dhabar leeyda waxey isaga mid yihiin ilmo-galeenka hooyada
    Caddaymaha la taaban karo ee aragtidan way badan yihiin.
QORMO LA XIRIIRTA:  Tadawurku waa xaqiiqo cilmiya

Waa maxay xulasho-deegaameed?

Image result for natural selectionSida muuqata noolaha badankoodu waxay ku jiraan hardan dhinaca cunnada, deegaanka  iyo jiritaanka.
Dagaalkaas ayuu Darwin ugu magac daray  Xulashada dabiiciga ah (Natural Selection), shaqadaasi oo ka dhigtay noolaha midka leh astaamaha ku habboon deegaanka, una suura galisay inuu ahaado mid sii jira.

Duruufta uu ku dhaco Natural Selection waa:

  • U dagaaltan si aad u sii jirtid; noolaha noolaan kara wuu noolaanaa, kan kale wuu dhimanaa.
  • Kala duwanaanshaha iyo la qabsiga; nooluhu way ku kala duwan yihiin la qabsiga,  noolaha sifooyinka la qabsiga leh waa kan sii jira.
  • Jiritaanka iyo noloshu waxay u sugnaatay kan ku habboon deegaanka.

Asalka dadka iyo aragtida Darwin.

Sawirka ama fahanka laga haysto aragtida Evolution ayaa ah inay dadku asalkoodii ka yimaadeen danyeer!
Laakin xaqiiqda qoran ayaa ah in innaga awoowgeen uusan daanyeer iyo insaan midna ahayn,  laakiin innaga iyo danyeerkuba ka soo wada jeedno hal awoowe!

Ahmiyadda ay u leedahay aragtidani nolosha.

Aragtidani waxey ka caawisay culumo fara badan qaab dhismeedka insaanka, dhanka dawooyinka waxey ka caawisey sida loo daaweyo xanuunada qaarkood iyada oo laga tagay ka dhalinta daawada dhirta loona gudbay ka dhalinta daawo noolayaal kale hormone-kooda, sidoo kale aragtida Evolution waxey sababtay inuu dilaaco cilmi cusub oo lagu magacaabo cilmiga dhaxalka (genetics).

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
4 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ahmed Yare
Ahmed Yare
2 Sano Kahor

Waan idikaga Mahadcelinayaa dadaalka aad ku jirtaan run ahaantii bulshooyinka calaamka nagula nool bulsho walibaa waxey leedahay dad yar oo waqti galiya si ay u baraarujiyaan dadkooda idinkana howsha aad inoo heysaan cid kale oo inoo qaban laheyd maleh hore u socda oo hadaalina guul baan idin rajeeyay

Kaasho Maanka
Admin
2 Sano Kahor
Reply to  Ahmed Yare

Waad ku mahadsan tahay sxb Ahmed dhiirri gelintaada <3

Haji
Haji
1 Sannad Kahor

Wll wad ku mahd san tihiin dadaalka aad ugu jirtan caqli maydhista horay usocda

Kaasho Maanka
Admin
1 Sannad Kahor
Reply to  Haji

Adaa mudan in badan Xaaji