Mindida waqtigaa af-tira (1/2)

M

Haweenka sida loo arkayey guud ahaan caalamka iyo darajada ay ku lahaayeen bulshooyinka iyo xuquuqda loo ogolaa waxay soo martey maraaxil badan oo kala duwan.
Ummaduhu waxay abuuraan khuraafaddo fara-badan oo qaarna la diimeeyo marka danbe kuna haraan qalbiga dadka, kuwana uu socodka waqtiga tirtiro raadkooda.

Dadku markay arkeen in hooyadu wax dhasho kaligeedna wax dhasho waxay u qaateen in iyada uuni ay dhashay nolosha oo dhan koonka oo idil!!

Insaanka waxaa uun wax dhala nooca dhaddig, xayawaannada iyo xataa geeduhuna waa lamid. Waxaa markaa jira (ayey u maleeyeen dadkii hore) hooyo guud oo dhashey caalamka oo dhan, dhulka iyo cirka, badaha iyo barriga, dabeylaha iyo roobka.
Haddii masiibooyinka dabiiciga ah wax dhacaan (duufaannada, daberlaha, abaarta… iwm) macneheedu waxa weeye hooyada ayaa meel dunida ka mida lagaga cadheysiiyey oo aar goosaneysa dabeetana amar siisa ilaaha dabeysha, kan roobka iwm.
Meelaha qaarkood, sida ASIRIYIINTII hore (dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq) waxay aaminsanaayeenin hooyadii weyneyd ee adduunka hal mar dhashay sida ukunta oo kale dabadeetana ay jabtay oo ay ka soo baxeen noocyada kala duwan ee nooluhu.

Baabilooniya

Baabilooniya oo ahayd dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq ayay xadaaraddii ugu horreysey xadaaradaha insaanka oo dhan ka bilaabatay. Ummadda reer Baabiloon waxay la qaybsadeen ummadaha kale ee jiray waagaas aaminaadda loo qabey hooyada weyn ee bixisa ama hibeysa nolosha oo Baabilooniyiintu u yiqiinneen Ti’amaat (Ticamaat).
Waxayna aaminsanaayeen in hooyada weyni ay iyadu dhashey ilaahyada oo dhan-kan roobka,dhalmada, kan cabsida, kan badda iwm. Sidaas darteed boqoraddii ugu horayey Baabilooyintu waxay ahaayeen Haween. Waqtigaa Baabilooyiinta nin ayaa loo xuli jiray dhallin yara ah boqoradda oo aad u qurux badan kolka uu boqoradda muddo la galmoodo oo ay ka dharagto ayaa meel fagaaro ah lagu qawrici jiray si qurbaan ama sadaqo ahaan Hooyada wayn lagu maamuuso.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diimaha miyaynu u baahannahay maanta?

Arrintan sadaqeynta nooca lab si loo raalli galiyo nooca dheddig ama boqoradda wali ummadaa ku dhaqma.
Tusaale ahaan boqortooyada shinnida iyo cayayaanno kale oo badan sida midka loo yaqaan faruurow geeda laac, kolka shinnida Labku shinnidu rimiyo boqoradda ayaa shaqaalaha boqortooyada oo dhammaantoodba dhaddiga waxay hareereeyaan waxa Lab ee ku dhex nool boqortooyada sida ay u dhan yihiiinna waa la gawracaa!
Hab dhaqanka reer Baabiloon iyo kuwo kale waxay ku beertay nooca labka cabsi iyo waliba xiqdi gu’ weyn, wuxuuna waligii raadin jiray nooca lab inuu sun u qoosho hooyadan baas.

Wax yaabaha ay aaminsanaayeen reer Baabiloon, bal u fiirso hooyada weyn Ticamat waa asalka nolosha oo iyadaa dhashey wax walba xataa ilaahyada kale oo dhan kuwa dhaddig iyo kuwa labba sida kan roobka, kan jaceylka, kan carruurta iqk. Mid ka mida ilaahyada dhaddig oo shaqa ku leh badda iyo jahawareerka ayaa waxay dunida ka bilowday ficiladda gaarka u ah nooca lab, ficillada oo ah xaraka joogta ah iyo fir-fircoonida ee gaarka u ah nooca lab. Kolkii hore dunidu wey iska dagganeyd oo waxay gaar u aheyd ficillada nooca dhaddig. Ilaahyadii nooca lab oo dhan ayaa markaa isu habar wacdey si ay u bilaabaan dhaanto iyo ciyaar kale oo ay ku qabtaan caloosha hooyada weyn eeTicamaat.
Ticamaat kolka arrintani wareer iyo madax xanuun bay ku billowdey wayna cadha galisey, waxayna Ticamaat soo dirtey ilaahyada jahawareerka, badda, dabeysha iyo wixii ay junuud laheyd oo dhan.

Mid ka mid ahaa ilaahaydii lab oo aad u caqli badnaa magaciisana la oran jiray “Ea-Enkhi” wiilkiisa oo la odhan jiray jiray “Marduuk” ayaa u soo ban-baxay Ticamaat. Wuxuuna u dhigey askartii Ticamaat dhammaantood shabag uu ku dabay oo ay ku dhaceen xataa Ticamaat nafteedu. Ticamaat markii ay aragtey in askarteedii la jabiyey bey afka kala qaadey bal in ay liqi karto wiilkaan baas ee caasiga ah. Hase ahaatee “Marduuk “ ayaa dabeysha amray in ay afka isugu qaban oo ayna liqin wax walba. Dabeyshii amarkiibey qaadatey dabeetana Marduuk ayaa waran soo qaatey oo caloosha ka galiyey Ticamaat labana ugu kala jarey.
Jidhkeedu intii kore wuxuu noqday samada intii hoosana dhulka.
Halkaasna waxay ugu dhamaatay hooyadii weyneyd waxaana guusha la soo laabtay nooca lab, laga soo billabo maalintaas reer Baabiloon waxay u dabbaal-dagi jireen sanadka cusub guushii laga guuleystey hooyadii weyneyd Ticamaat iyo guushii so raacdey nooca lab.

QORMO LA XIRIIRTA:  Kacbada haddii la dumiyo maxaa dhacaya?

Akhri qaybta labaad ee maqaalka.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments