Mindida waqtigaa af-tira (2/2)

M
Qoraalkan kii ka horreeyay (halkan ka akhri) waxaan kusoo sheegnay habkii nooca dhaddig lagu jabiyay oo uu nooca lab hogaanka nolosha ku hantiyay ama dib ugula soo noqday.
Halkaana aan kasii anba-qaadno oo aan kasii wadno sida hadba ay isu bed-bedalaysay taariikhdu.

Faarisiyiin

Faarisiyiintii hore ama Iiraaniyiintii hore waxay aaminsanaayeen in dunida uu iska leeyahay boqor awood badan oo loo yaqaan “Ahura Mazda” ama (Ahura Mazda ama Ilaah), hase ahaatee uu jiro mid inkaar qaba oo nuxsi ah oo la yiraahdo “Ahriman” (shaydaan).

Ahura Mazda – Ilaaha diinta Zoroastrianism

Boqortooyadii Ticamaat markii ay dhacdey (sida Iraaniyiintii aaminsanaayeen) waxay Ticimaat la sameystay “Ahrimman (sheydaan)” gaashaabuur. Haweenka waxa abuuray “Ahura Mazda” waxayse gaashaanbuur la samaysteen Ahrimaan/sheydaanka, iyada oo isku dayaysa in ay soo ceshato boqortooyadii ay maalin laheyd. Ahra Mazda ayaa haddana waran la helay, Ticamaat waxay markiiba darartay dhiigga caadada oo laga bilaabo maalintaas naag walba oo adduunka ku nool ku dhaca hal mar bishii (Macnaha halkaas buu ka soo bilawday dhiiga caadadu).
Iraaniyiintu markaa waxa ay aaminsanaayeen in Ticamaat iyada la abuuray oo uu abuuray Ohrmasda, tan waxay kaga duwanaayeenBaanulooyintii oo ay ku beertay inta dhaddig ee ay dhashay.

Waxay kolka Iraaniyiinti hore u arkeeyeen haweenka in ay saaxiib la yihiin sheydaanka oo aan loo galeyn wax naxariisa. Boqorradoodii mid ka mid ahaa (Mazdak) ayaa fikiray oo yidhi waxaan arkayaa raggu wuxuu isugu lumey ee dunida sharka ka aloogay waa naagaha dartood, kolkaa maanta laga bilaabo nin naag gaar u leh ma jiro, naag walba ninka soo gaara ayaa leh oo milkiyaya oo wuxuu jecel yahay ku samaynaya sida maradiisa uu qabo oo kale, hase ahaate haddii nin kale sheegto ama doono in uu shaqo ku qabsado uma diidi karo, waxaa kolkaa u bannaanaa ninka inuu guursado hooyadii, walaashii, gabadhiisa…iwm.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma maqashay nabi Maani?

Yanomami

Waa qabiil daggan laatiin Ameerika dhulka xuduudaha ee u dhaxeysa Brazil iyo Venezuela. Waxa loo haystaa in ay yihiin dad aad u shar badan aadna u fadqalaleyn badan. Boqolkii todoba haweenka (7%) iyo boqolkii saddex iyo soddon (33%) raggu waxay u dhintaan arrimo la xiriira dagaal iyo falal dad-qalanima ah. Ragga baddidoodu waxay qabaan naago badan, gabdhaha qaarkoodna kolka ay dhashaan ayaa la dilaa.

Gabadh ka tirsan qabiilka Yanomami

Haweenka waxa laga sugayaa in ay dhalaan tira badan oo wiilal dagaalyahanna ah oo haweenka leyliya, dagaallada raggana dagaal ramata ah oo geesiyaala si ragga dagaalka ku dhinta ay u baddalaan. Waxa lagu tilmaamay qabiilkaan in naaguhu carruurta dhalidooda iyo dabcan in loo tago oo carruurta uureystaan maahee wax gaar u ah oo kale ayna jirin kolka laga hadlayo doorka ruux walba ku hagaaga bulshada.

Haweenka haddii raggoodu ku tuhmaan gogol-dhaaf in yarna ha noqotee kaw baa la kaga siiyaa oo cidna isma waydiiso. Barofeasar Marvin Harris (Jaamacadda Columbia) wuxuu leeyahay;

Ragga naxariista badan ee Yonomomo haweenkooda meela jidhkooda ah bey gooyaan sida dhagaha, gacanta iwm kolka ay u cadhoodaan ama si kaley u dhaawacaan. Kuwa naxariista yarina waran bey ku dhuftaan oo kaw bey kaga siiyaan.

Haweenka Yanomomo dhagahey dilaaciyaan (duleel weyn ahaan) waxayna galiyaan ulo buuran. Ninka markii uu u cadhoodo naagta ushuu ku dhuftaa, haddii ninku aad u caraysan yahay dhagta duleelkeeduu gooyaa weyna furantaa dhagtu. Waxay uun la mid tahay dibiga la sanduleeliyo.

Inkastoo taasina jirto haddana haweenka Yanomomo qaar baa dacwooda in aan la garaacin oo ay u fahmayaan in taas macneheedu tahay in aan la jeclayn ama dan laga laheyn.
Profesar Marvin wuxuu warinayaa in nin maalinuu ku tuhmey naagtiisa gogol-dhaaf dabeetana meel jidhkeeda ka mida uu ka gooyey cad hiliba iyada oo soo taagan oo nool isaga oo isticmaalaya faas.

QORMO LA XIRIIRTA:  Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

Waxay ragga Yanomomo aaminsan yihiin in dhiiga caadadu yahay wax naxsi iyo shar ah. Gabadhu goorta ay hesho caadada ugu horreysa waxa lagu qufulaa qabka waxaraha lagu xereeyo oo kale waxaana la yiraahdaa “kuududso”.
Haddii wiil uu wax ku dhufto gabadh, gabadhu ma aargoosan karto oo looma ogola, Haddiise ay gabadhu ku dhufato wiilka, gabadha waa la ciqaabi wiilkase waligii lama ciqaabo.

Profesar Judith sharpiro (jaamacadda Chicago) waxay leedahay ereyga guur macnihiisa (afka Yanomomo) waxa weeye: jiido oo la tag. Furiduna: iska xoor.
Inakstoo oo sidaan soo sheegnay ninka Yanomomo laga yaabo inuu naagtiisa ku tuhmo dhilanimo uu dilo ama dhaawoco haddana waxa caadiya in uu ninku ugu yeedho walaalihiisa ka yar in ay la qaybsadaan naagtiisa, runtiina tani waa uun ammaah uu bixinayo oo walaalihii kolka ay naaga guursadaan wuxuu ka filayaa inuu isna la qaybsado oo kula shurakoobo mar-mar intii uu bixiyay in u dhiganta.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments