Miraha cayda

M

Aadamuhu heerkaan uu maanta taaganyahay kuma uusan dhalan ee safar iyo socdaal kacaan-kuf miidhan ah buu u soo maray. Gaadiidka uu ugaga soo baxay godadkii uu ku noolaa oo uu ku soo gaadhay dabaqyadaan dushoodana waa mid leh dhowr taayar oo la’aantood horay-u-socosho aysan jirin.

Taayaradaas badankoodu dadku way wada yaqaanaan lkn waxaa jira taayar aysan dadka badankoodu fahansanayn muhiimadiisa, qaar badan oo iyaka kamid ahna ayba u bannaanbaxayaan sidii ay u banjarin lahaayeen. Taayarkaasi waa ‘cayda!’ Waa ‘iin-u-yeelida!’ Waa ‘durida!’

Cay iyo durid la’aantood horumar wax la yidhaahdo maba jiri lahayn waayo hormarku waa is-badal iyo in meeshii shalay la joogay talaabo horay loogaga qaado. Lkn bulsho talaabo horay uma qaadi karto ilaa la duro meesha ay maanta taagantahay oo la tuso in ay tahay meel liidata oo ka guuris u baahan.

Cay la’aanteed cilmiga casriga ahi badankiisu ma jiri lahayn waayo aragtiyada uu ku taaganyahay badankooda, cay iyo meel-kaga dhac baa loo soo arkay oo dad bay ka cadhaysiiyeen rag baana tiirka lagu gubay oo u soo naf waayay. Dareenka dadka haddii loo joojin lahaa qormadaan maad arakteen

Cay la’aanteed diinta islaamka ma jirteen iska daay in ay ku soo gaadhee! Wuxay kugu soo gaadhay muxamad oo ilaahyada qureysh caayay oo dhagaxaan iyo alwaaxyo ku sheegay. Cadhadooda haddii uu u joojin lahaa oo uusan muqadasaadkooda duri lahayn wax islaam la yidhaahdo maad maqasheen.

Cay la’aanteed adoonsi lagama baxeen cunsuriyaduna ma yaraateen waayo rag baa u arkayay cay iyo nus in la yidhaahdo madowgaad la simantahay laakiin dareenkooda iyo “waxaa way naga xanaajinayaan”-tooda looma joojin ee dad baa duray isla-waynidaa ilaa laga baxay!

QORMO LA XIRIIRTA:  GAWRICII KIISHA | Bal ila sawiro akhriste !

Waxaa laga yaabaa in aad tidhaahdo, “oo caay la’aanteed maana la is naqdin karin oo wax la isku sheegi karin?” Waana run oo waa la isku dayi karaa lkn ma’ahan mid lagu guulaysan karo abid waayo erayga adiga cayda kuu ah mid buu u yahay run biya kama dhib caan ah oo in la sheego u baahan!

Tusaale, gaalada muxamad nin been sheegay bay u aaminsanyihiin lkn muslimiinta waa u caay in la dhaho muxamad waa beenaale! Ama 9 jir buu hebel aroosay muslimka waa u diin gaalkana waa u caay! Marka ama waa in durid dhan la diidaa ama waa in cayda ooda laga rogaa wixii cadhoonaya ha cadhoodeene!

Haa waan kuu ogalahay in cay kastaa aysan hormar keenin. Haa waan kuu ogalahay in marmarka qaar cayda laga wacan yahay. Lkn maya duritaanada adiga iyo aniga ma kala xulxulan karno, waayo mida mira dhalka leh iyo ta kale ma garan karno. Jiilalka mistaqbalka umbaa kala sheegi kara.

Jidka kaliya ee inoo furan waa in aan dadka dhawaqa iyo dhuusada midna lagu celin oo loo ogalaado inuu qof kaste iska daacdaacsado, madaxbannaanida hadalkana si buuxda loo tix galiyo, qof kastana uu wuxuu rabo, cay iyo faan, sheego maadama aysan caydu qofna meel daloosha ka galayn.

Bulshadu hadday hal si wax u wada aragto is-badal iyo horumar ma jiro. Horumarku wuxuu u baahanyahay ashkhaas arki kara waxa ay bulshadu ka ilduufto oo dhaliili kara ceebeheeda. Haa ceebtaada oo la faagfaago waa xanuun lkn xanuun la’aantiis meesha bugta lama ogaan karo lamana dawayn karo!

Taas waayena sababta bulshooyinka cayda iyo madaxbannaanida hadalka ogal ay ugaga hormarsanyihiin kuwo dareemahooga uun ilaashada oo yaana nala damqin yidhaahda. Nin ogal daldalooladiisa iyo wuxuu ka ilduufo in la tuso iyo mid kii baraarujiyaba laba u kala goynaya marnaba ma tartami karaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  GAWRICII KIISHA | Bal ila sawiro akhriste !

Ugu dambayn, waxaan idinkaga tagayaa odhaahdii cajiibka ahayd ee ay tidhi Evelyn Beatrice Hall markii ay wax ka qoraysay sooyaalkii Voltaire: “waan kugu diidanahay waxan aad sheegtay, laakiin, haddii aan rabo haan u dhintee, waan difaaci doonaa xaqqa aad u leedahay sheegideeda!”

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Gaashaan gurey
Gaashaan gurey
7 Maalmood Kahor

Mahad aanid

W/Q: Saacid Kaahiye