Mucjisooyinka iyo Karaamada

M
Waxyaalaha karaamaadka iyo mucjisooyinka ahi dhammaantood wax la sameeyey bay u badan yihiin oo haddii uu jiro qof leh awood dheeraad ah oo ka baxsan midda dadka caadiga ahi waxa uu samayn lahaa wax weyn oo marag laga wada yahay. Tusaale ahaan haddii qof soomaali ahi karaamo ama mucjiso la taaban karo uu leeyahay waxa uu xallin lahaa dowlad la’aanta dalka muddada dheer ka jirtey. Dadka karaamooyinka ama mucjisooyinka laga sheego ku ma uu jirin mid muujiyey wax la taaban karo sida in uu cadowgiisa oo dhan isku mar wadnuhu istaago meel kasta oo ay joogaan. Dadka karaamooyinka lagu sheego qaar buu quutul yownkoodu ciriiri galaa oo dadka barya, haddii ay awood dheeraad ah haysan lahaayeenna bal horta naftooda ayey si qumman u debbiri lahaayeen.

Waxaa laga yaabaa in dooddaas lagaga jawaabo in aysan adduunyadu macne lahayn oo dadka karaamaadka iyo mucjisooyinka leh in ay adduunyo helaan aan laga eegi karin, markaasna waxa ay noqonaysaa innagu in aynu adduunka joogno oo wixii ka dhacaya aynu la socon karno ee aynaan aakhiro joogin oo aynu adduunka u baahan nahay in wax weyn la ina tuso, haddii kale ay been yihiin waxa la sheeganayaa.

Waxa aan waddamada carabta ku arkay rag in ay dadka diin ku daweeyaan loo haysto oo aad u badan. Xaafad kasta waxaa ka furan meelo badan oo ay raggaasi dadka ku dullaystaan oo ay biyo iyo alaabo kale oo magaalada riqiis ka ah lacag badan kaga iibiyaan karaamadooda darteed. Raggaasi qofkii xaruntooda gala si fudud bay waxa ay ugu sheegaan in la ileeyey, in la sixray iyo in ay jinniyo ku jiraan, waxaana la hayaa dad aan waxba qabin oo ugu tegey in ay beentooda eegaan oo ay ku sheegeen in la sixray. Dabcan marka ay qofka cudurkiisa u sheegayaan waxaa meesha ku jirta in ay iyagu garanayaan dawadiisa oo uu dhiibo lacago badan si loo dabiibo. Qof iridda kaaga soo galay oo aadan garanayn in aad sheegi kartid in la sixray ama la ileeyey waa karaamo weyn oo yaab leh, waa se karaamo been u badan.

Intii ay dagaalladu Soomaaliya ka jireen baa meel ay wadaaddo ka dagaallameen waxaa la aasayey niman dhinacooda ka dhintay, ka dibna nin ka mid ahaa bay la yaabeen in uu u dhintay hal xabbad oo meel fudud kaga dhacday, waxa ayna ku murmeen in uu xabbadaas u dhintay iyo in kale, waxa uuna inta madaxa la soo kacay u sheegay in uu xabbadaas keli ah u dhintay oo muranka la joojiyo, ka dibna dhimashadii buu ku laabtay. Ninkaas anigu waan garanayey, xigto dhowna waa aannu ahayn. Waxa uu ahaa nin aad isu la weyn oo sida uu isu arko iyo sida uu yahay ay aad u ka la fogaayeen, isla markaas haddii labo qof madax looga dhigo ka fakara sidii uu labadaas qof u silcin lahaa. Intaas ka badan ka ma sheegayo maaddaama uu dhintay, laakiin waxa aan hubaa ninkaasi in uusan mudnayn in uu Ilaahay karaameeyo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaqanka carabta iyo dumarka

Horta barakaysiga iyo karaamooyinku waa arrimo iimaani ama rumayn ah, markii ay hawshu meelahaas gashana xalkeedu aad buu u adag yahay. Wadaad weyn oo wahaabi ahaa baa beri hore waxa uu sheegay qofkii lug ka jaba in quraan lagu daweeyaa ay khalad tahay oo loo baahan yahay in la kabo, ee quraanka la saaro dadka ay maskaxda wax uga dhimman yihiin, ka dib wadaaddo kale ayaa iftooday in uu wadaadkaasi gaal yahay oo uu diinta qaar ka mid ah beeniyey. Anigu waxa aan u arkaa qofka ay maskaxda wax uga dhinmaan laftiisa in loo geeyo dhakhtar maskaxda ah oo maaddi ahaan u daweeya xididdada maskaxda oo uu khaladku galay, waxaa se jira dhakhaatiir qaba in dawooyinka dhaqamada iyo diimaha ku saabsani ay dadka wax taraan sida mingiska iyo quraanka.

In ay arrintaas wax ka jiraan waxaa muujin kara in waa sii horraysey uu nin dhallinyaro ahi loox qaatay si uu wadaad quraan ugu dhiga ugu tago, waxa uuna soo maray habar ari haysata. Habartu maaddaama uu loox sitey wadaad bay u malaysay, waxa ayna ka codsatay in uu ariga xirsi/qardhaas ugu qoro, quraanna hal xaraf ka ma uu garaneyn. Ka ma uu diidin ee waraaq buu inta khad marmariyey oo laalaabay arigii neef ka mid ahaa luqunta ugu xiray. Sanaddo ka dib buu habartii soo maray, waxa ayna u sheegtay in qardhaastii uu arigii ku caafimaaday, isla markaas uu arigii barakoobey oo batay. Sidaas darteed la ma inkiri karo dawada dhaqanka iyo diinta ah oo habartaasi iimaankii ay qabtey buu arigu ugu dawoobey, uguna batay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Did u habaynta diinta Islaamka

Rumaynta iyo rooxaaniyaddu waa wax jira oo saamayn leh, laakiin dadka maaddiyiinta ahi waxa ay jecel yihiin dhib kasta in si maaddii ah loo xalliyo. Habartaas in uu arigu waraaqdaas iyo khaddaas ugu caafimaaday oo ugu batay wax lagu beeniyo la ma hayo, arrintuna marka ay iimaan la xiriirto qofkii aan iimaan lahayn uun baa beeniya. Karaamada iyo barakadu haddii ay dhab ahaan been u yihiin oo aysan saamayn run ah lahayn waxa ay run u yihiin iimaan ahaan, la mana hardansiin karo dadka iimaanka leh iyo kuwa aan lahayn. Midda kale iimaanka noocyadiisa oo dhammi waa isku mid oo qofka beeniya in uu shiikh Cabduqaaddir duuli jirey oo rumeeya in nebigii la dheelmay iimaankiisa ayaan ahayn in uu duulitaanka shiikha rumeeyo, ma na aha in uu la yaabo qofkii uu iimaankiisu tusayo in uu Cabdulqaaddir duuli jirey. Sidaas oo kale qofkii beeniya in aan mingiska lagu caafimaadin ee ducada lagu caafimaadaa waxa uu ka hadlay iimaankiisu nooca uu yahay, ee waxba ka uu beddeli mayo dawada ay mingiska ka helaan kuwa rumaysani, mana uu suuraysan karo wax aan iimaankiisa ahayn.

Dadka iimaanka leh mid kasta iimaankiisa ayaa muhiim la ah oo kuwa kale qiimayn iyo qaddarin u ma uu hayo, laakiin waxaa cad in uu iimaanka dadku aad u ka la duwan yahay oo uu qof kastaa iimaankiisa ku gaarayo liibaan aan maaddi ahayn oo muuqan. Daddka qaar bay iimaankooda ka mid tahay in uu iimaannada kale oo dhan beeniyo oo colaadiyo, kuwaas ayaana xagga nabadgelyada ugu daran, waayo waa weerar. Wadaadka buuddiistaha hoggaamiyaa waxa uu dhawaan sheegay in qof kastaa sida uu dareemayo ama iimaankiisa uu ku liibaanayo, ma na garanayo in ay tahay aragti ay hore diintiisu u sheegtay iyo in uu isagu xal sidaas u arkay, laakiin kolley waa aragti dhaanta in rooxaaniyad qur ah ama iimaan keli ah ay sax yihiin inta kalena ay cadow yihiin oo lagu duulo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments