Muslimiin nacayb ma jiraa?

M
In muslimiinta la necbaadaa waa khalad, waxaa se ka sii khaladnimo weyn in ay muslimiintu ku cawdaan in ay gaalo neceb tahay. Qofka muslimka ah oo caadiga ah oo aan xagjirka ahayni gaalada ma neceb yahay? Qofka muslimka ah ee caadiga ahi ma rumaysan yahay in qofkii isaga oo aan Maxamed rumayn geeriyoodaa uu cadaab ku waarayo? In ay dadka oo dhammi hal qof rumeeyaan suurtagal ma tahay? Haddii uu qofku rumaysan yahay in qofkii aan la fakar ahayn la cadaabayo macneheedu waa in uu isagu cadaabi lahaa dadka ka aragtida duwan oo dhan, waana nacayb meesha ugu danbaysa. Qofka rumaysan in hal qof la wada rumeeyaa in ay waajib tahay oo ciddii aan fakarkaas ku raacin ka aamminsan in ay ciqaab mudan doonaan waa qof cadow ku ah dadka oo dhan, isla markaas aan garaad iyo aqoon sare lahayn. Muslimiinta keli ah hadalkani ma khuseeyo ee qof kasta oo sidaas u fakaraya ayaa ku sifoobaya jaahil maangaab ah.

Muslimka caadiga ahi in aan Maxamed la rumayn waxa uu u arkaa denbiilenimo, dadka aan rumayn oo dhanna waxa uu ka aamminsan yahay aragti uusan qofka soomaaliga ahi u baahnayn in loo faalleeyo. “Gaal” oo af soomaaliga ah qof aan Maxamed raacin qofka ku sifoobaa muslimiinta agtooda waxa uu xun yahay xumaan oo dhan, waxaana loo arkaa in uusan nafsad ahaan iyo jismi ahaanba nadiif ahayn, isla markaas wanaag kasta oo uu sameeyaa uusan wanaag noqonayn ee uu hal bacaad lagu lisay yahay. Soomaalidu qofka aan Maxamed rumayni marka uu dhinto waxa ay yiraahdaan “Waa uu bakhtiyey”, bakhtina af soomaaliga waa xayawaan aan la birayn ee dadka geeri ama dhimasho ayaa loo adeegsadaa. Qofka muslimka ahi dadka aan Maxamed rumayn gebi ahaantood waxa uu u haystaa noole aan xushmad mudnayn oo ay xayawaanku dhaamaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Goorma ayay laab la qaawiyaa danbi noqotay?

Waxa aynu in badan maqalnaa in muslimiinta dhiiggooda iyo maalkoodu ay xaaraan yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in dadka kale dhiiggooda iyo maalkoodu ay xalaal yihiin. In qof Maxamed beeniyey la dilo muslimiintu xalaal keli ah u ma arkaan ee waxa ay u haystaan in janno lagu gelayo dilka gaalka, waxa uuna qof kasta oo muslim ahi jeclaan lahaa in uu helo fursad uu gaal ku dilo. Dadka ay laayaan kooxaha muslimiinta xagjirka ahi waxa ay muslimiinta kale sheegaan in aysan gaalo ahayn oo uusan dhiiggoodu bannaanayn ee haddii ay gaalo ahaan lahaayeen muslimiintu waa ay isku raaci lahaayeen in uu dilkoodu wanaag yahay.

Qofka muslimka ah agtiisa waxa ay dadku xuquuq iyo xushmad yeelan karaan markii ay Maxamed rumeeyaan, haddii kale adduun iyo aakhiroba waa ay khasaareen. Waxa aad halkaas ka garan kartaa qofka muslimka ah sida ay u la weyn yihiin waxyaalaha uu Maxamed sheegay, waayo insaaniyaddii iyo jiritaankii dadka oo dhan buu ku xirayaa, ismana fahmayaan qof aamminsan in uu Maxamed yahay qof dadka ka mid ah oo la xuquuq ah. In qofkii Maxamed dhalliila la dilo oo qof loo dilo in uu qof kale dhalliilay waa aragti uu muslimka caadiga ahi qabo. Gaalo badan baa isweydiiya in ay muslimiinta u qarsoon yihiin kitaabo aan ahayn kuwa la wada arkay oo uu Maxamed ka tegey, waayo kuwa la hayo ku ma qorna waxyaalo ay dadku sidaas u weyneyn karaan.

Aragtiyahaas iyo kuwo kale oo uu muslimka caadiga ahi dadka caalamka ka qabaa in kasta oo ay jiraan haddana in muslimiinta la necbaado ama la la ficiltamaa waa khalad, maxaa yeelay dulmiga ugu horreeya waxa ay diinta islaamku ku haysaa qofka aamminsan. Isaga ayey ummadaha caalamka ku dirtay, isaga ayey Eebbe iyo aakhiro aan daliil loo hayn ku mashquulisay, isaga ayey asaaggiis ka reebtay, isaga ayey maskaxdiisii dishey oo dad waayo hore dhintay hadalkood ku dabartay, isaga ayey in uu fakaro u diiddan tahay, isaga ayey dib u celisaa oo horusocod u diiddey, isaga ayaana nolol maalmeedkiisa ku dhibban oo fiigsan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Akhlaaqda halkee asal u ah?

Dadka muslimiinta necbaanaya ama u jawaabaa waxa ay muujiyeen in aysan laftoodu dhaamin oo ay carruur la ciyaaraan. Qofka muslimka ahi waxa uu u baahan yahay in sida carruurta loogu turo oo aan la la ficiltamin. Waxa uu u baahan yahay in dhibaatooyinka haysta sidii looga saari lahaa lagu mashquulo ee aan nacaybkiisa wakhti lagu lumin. Qofka muslimka ahi waa uu ilbixi karaa oo kuwa maanta joogaa haddii ay khuraafaad ku jiraan carruurtooda ayaa barri la yaabi doonta taariikhda madow ee la soo maray. Muslimiintu gargaar caalami ah bay uga baahan yihiin walaalohooda ilbaxay ee in lagu digto ma mudna, waxaana la wada og yahay dadka kaleba in ay khuraafaad iyo dhaqamo liita soo mareen.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us