Muslimiinta iyo Mulxidiinta

M
Waxa aan u oran waayey ”Dadka wax rumaysan iyo kuwa aan wax rumaysnayn” waa in dadka wax rumaysani ay aad u noocyo badan yihiin oo aan la soo koobi karin siyaalaha ay u ka la fakaraan iyo in aynaan u baahnayn in aynu ogaanno dhammaantood sida ay ka la yihiin. Sidaas awgeed waxa aan isku koobayaa innaga muslimiinta ah iyo dadka aan Eebbe rumaysnayn oo maanta dunida ku soo badanayaa aragtiyaha aynu ka la qabno iyo qolo walbaa midda kale sida ay u aragto. Islaamku waa diinta keli ah oo maanta ay dad badani xoog u haystaan oo diimaha kale dadkii haystey waa wax beeniyey iyo wax aan aad ugu dhegganayn oo wax yar ka haysta.

Qofka muslimka ah oo ka soo jeeda dal ay dadka oo dhammi muslimiin yihiin sida Soomaaliya caqligiisu ma uu suuraysan karo in uu jiro qof nool oo Eebbe aan rumaysnayn, isla markaas aysan jirin wax diin ah oo fakarkiisa iyo dhaqankiisa xadaynaya. Waxa uu u arkaa in rumaynta Eebbe ay wax weyn oo aan laga bixi karin tahay, diintuna ay tahay waxa keli ah oo uu qofku gob ku yahay oo u samaysa anshaxa, akhlaaqda iyo dhaqanka oo la’aanteed uu qofku xayawaanka ka liito. Waxa uu u arkaa qofkii aan diin haysan oo siiba aan muslim ahayni in uu adduun iyo aakhiraba guuldarraystay, isla markaas ay wax kastaa ka suurtoobaan maaddaama uusan haysan diin uu ka tixraaco fakarkiisa iyo dhaqankiisa. Waxa uu u arkaa qofka mulxidka ahi in uu yahay noole halis ku ah nolosha iyo dadnimada oo aysan jirin wax celiya oo xumaanta ka joojiya, diintana waxa uu u arkaa waxa keli ah oo hagaajiya sida ay dadku wax u qiimeeyaan iyo sida ay u dhaqmaan. Waxa uu u haystaa mulxidku in uusan lahayn nuxur dadnimo maaddaama uu jiritaanka Eebbe iyo qawaaniinta shareecada debedda ka joogo, waxa uuna u arkaa in Eebbe iyo shareecadu ay leeyihiin macne weyn oo in aan la hoos joogini ay tahay wax caqliga ka fog. Waxa uu u haystaa in qof aan Eebbe iyo rasuulkiisa rumaysnayni uusan wax wanaag ah lahayn, oo xataa haddii ay dad mulxiddiin ahi isaga axsaan u sameeyaan waxa uu u arkaa in ay kolleyba xun yihiin.

Qof wanaagsan oo mulxid ah haddii uu arko ma uu rumaynayo in uu fiican yahay ee waxa uu u arkaa in kufriga maskaxdiisa ka buuxa iyo in uusan ilaah iyo diin lahayni in ay yihiin astaamo ugu filan in uusan qiimo lahayn. Siyaalahaas iyo siyaalo kale sababta uu qofka muslimka ahi ugu fakarayaa waa in ay Eebbe iyo diintu u la muuqdaan waxyaalo gudo weyn oo muhiim ah, ku jiritaanka diintuna uu la yahay in lagu jiro wixii ugu muhiimsanaa oo la’aantood ay dadku ka maran yihiin wax kasta oo wanaag ah. Muslimiinta waxaa ka dhex jirta aragti aad carrabka loogu celceliyo oo ah in qofka muslimka ah dhiiggiisu uusan bannaanayn, taas oo caddayn u ah in qofka aan muslimka ahayn la dili karo markii la rabo oo uu dhiiggiisu bannaan yahay sida xayawaanka oo kale.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaqan Doorin

Soomaalida dhexdooda macnaha ”Gaal” aad u ma ka la saarna oo gaalka wax rumaysan iyo midka aan wax rumaysnayn aad loo ka la garan maayo, waxaana jira soomaali gaalada oo dhan kiristan u haysta kooda mulxidka ah, kooda masiixiga ah, kooda hinduuga ah, kooda buudistaha ah iyo kooda bilaa diinta ah. Dadyowga muslimiinta ah qaarkood waa ay u ka la duwan yihiin dadka aan muslimiinta ahayni, laakiin soomaalidu waa dad aan cid ka duwan arag oo aragti yar ka haysta aadamiga. Waxa ay muslimiin badan oo ay soomaalidu kow ka tahay u haystaan in qofkii aan diin haysan ay ka suurtowdo in hooyadi iyo inantiisa uu u galmoodo ama uu noqdo kuwa ay dadka isku jinsiga ahi isu galmoodaan maaddaama uusan aamminsanayn shareeco u diidaysa. Waxaa la isweydiin karaa aakhiro shareeco ma jirto ee waxyaalahaas miyaa la sameeyaa? Haddii la soo koobo qofka muslimka ah waxaa ka buuxa nacayb uu u qabo gaalada oo dhan oo haddii uu awoodi lahaa dhammaantood waa uu layn lahaa.

Qofka mulxidka ahi waxa uu dadka diimaha rumaysan oo dhan u arkaa dad ay dad kale maskaxdooda ku ciyaareen, oo maskaxdooda lagu dhaqay aragti ay dad khaa’imiin ahi waayo hore dadka ku sireen. Waxa uu u arkaa qofka wax rumaysani in uu yahay maangaab aan dunida ku lahayn wax aragti ah oo maskaxdiisu ay u xiran tahay dad dhintayi khiyaali ay waayo hore dad ku maaweeliyeen oo aan caqliga suubban iyo fakarka dadka shaqo ku lahayn. Waxa uu u arkaa gebi ahaanba diin macneheedu in uu yahay in dadka maangaab laga dhigo oo maandooriye yar oo liita qofka jiritaankiisa oo dhan lagu xiro, isla markaas qofba midka uu diinta ka badsado oo dhaqankeeda iyo rumaynteeda uga dhow yahay in uu ka maangaabsan yahay, oo midka aan aad diinta ugu dhegganayn laga yaabo in uu xoogaa fakari karo. Waxa uu u haystaa qofka muslimka ahi in uu yahay noole halis ah oo inta maskaxda laga xaday lagu shubay khuraafaad uu qofkii uu rabo dili karo, midkii uu doonana dhaawici karo. Waxa uu u arkaa in uusan qof diinta islaamka rumaysani anshax iyo akhlaaq yeelan karin maaddaama uusan dareenkiisa, maskaxdiisa iyo aqoontiisa aadami adeegsanayn ee ku raran yahay fagrado gaboobey oo ay cadownimo iyo cawaannimo ka buuxaan.

Waxa uu u arkaa in anshaxa iyo akhlaaqda dadku ay ka soo maaxdaan dareenka iyo maskaxda dadka xorta ah oo qofkii aan maskaxdiisa adeegsani uu xayawaanka la mid yahay. Waxa aynu soo aragnay in qofka muslimka ahi uu mulxidiinta ka aamminsan yahay in ay xayawaanka ka liitaan maaddaama aysan lahayn shareeco xadaysa. Taas lidkeeda qofka mulxidka ahi waxa uu muslimiinta u arkaa in ay xayawaanka ka liitaan mar haddii ay maskaxdooda ka tageen oo ay ka shidaalqaataan khuraafaad waayo hore la allifey oo aad uga fog caqliga, anshaxa, ilbaxnimada iyo maskaxda suubban. Waxa uu mulxidku muslimiinta u arkaa dad haddii waxa gaboobey oo ay rumaysan yihiin ay amraan in uu isdilo ama uu dad kale iska laayo yeelaya isaga oo aan ka fakari karin in ay khalad tahay ee u hoggaansan wax ay dad hore sheegeen. Waxa uu u arkaa masuuliyadda iyo anshaxu in ay ka yimaadaan maskaxda dadka oo dad maskaxdooda meel ku qufuley aysan wax wanaag ah samayn karin. Halka ay muslimiintu u arkaan in ay shareecadu tahay isha laga qaato wanaagga, xumaantana reebta waxa ay mulxiddiintu u haystaan in ay shareecada ka buuxaan waxyaalo xunxun oo aan aadamiga casriga ah u cuntamin, caqligana ka soo hor jeeda sida in qof dhagax nafta lagaga gooyo, in qof nool addimada laga jaro iyo in la necbaado dadka aan ku la diinta ahayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waannu diidnay in nala carabeeyo soomaali baanu nahay

Mulxiddiintu waxa ay u haystaan in ay diintu ka kooban tahay caqli xumo, anshax darro, arxan darro, isnacayb iyo ka la faquuqidda dadka, waxaas oo dhammina ay yihiin liidashada diinta. Waxa ay u arkaan meeshii ay diintu ku xoogaysato in ay ku bataan xumaanta sida islaynta, saboolnimada iyo xumaanaha oo dhan, halka meeshii diinta laga fogaado ay dadku helaan nolol sare iyo aadaminimo. Waxa ay u arkaan qofka diinta ku dheggani in uu xumaanta diinta wanaag u haysto oo wax caqli ahaan xumaan ah uu in ay fiican yihiin isku maaweeliyo sida in qof aan waxba cid u dhimin la dilo.

Weligeen haddii aynu tirinno labada dhinac midba midka kale sida uu xumaan ugu arko ma aynu dhammayn karno, waxa ugu weyn oo ka la duwayaana waa in ay qolo u haystaan in ay shareecadu tahay meesha laga qaadanayo xumaanta iyo samaanta maaddaama ay ka timid ilaah murti badan, halka ay kuwa kale u arkaan in caqliga iyo dareenka laga qaato xumaanta iyo samaanta oo ay shareecadu tahay aragti liidata oo waayo hore ahayd. Yaqyaqsiga, xishoodka iyo anshaxyo kale laga ma qaato shareeco ee waa abuurta dadka, waxa ayna mulxidiintu u arkaan in dadku abuur ahaan ay ka la garan karaan xumaanta iyo samaanta. Midda kale ee labada kooxood ay ku ka la duwan yihiin waa aakhiro oo muslimiinta macne ugu fadhida, halka ay mulxiddiintu u haystaan riwaayad ay dad hore dhigeen oo macne daran.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxeexan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments