Muslimku Quraan kaliya ma ku ekaan karaa?

M

Qur’aanka waxaa lagu sheegaa in uu yahay hadalkii ilaahay oo dhamaystiran, haddana Qur’aanka kaligiis kuma filna in uu cadeeyo dhamaan arimaha la xiriira diinta islaamka iyo nolosha. Quraanka waxa uu u baahanyahay mar walba sunno dhamaystirta wax walba oo uu ka tagay.
Tusaale; salaadaha oo ah udub dhexaadka diinta, si toos ah uguma cadda Qur’aanka qaabka loo tukanayo iyo xilliyada la tukanayo. Xadiiskan hoose waxa uu muujinayaa in Qur’aanka kaligiis uusan ku filnayn arimaha diinta Islaamka:-
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: تركت فيكم شيئين لن تضلوا بعدهما ما تمسكتم بهما، كتاب الله وسنتي 1.

Abii Hureyra ayaa laga wariyay in Nabigu yiri:- Waxaan idinkaga tagay laba shay oo aydaan baadiyoobayn (wadada ka weecanayn) gadaashood, haddii aad ku dhagtaan, waana kitaabka Alle (Qur’aanka) iyo sunnadayda.
Xadiis kale oo saxiix ah ayuu Nabiga si cad ugu muujinayaa arintan:-
“ألا إني أوتيت الكتاب ومثله معه” 2 “Waxaa la iila yimid kitaabka (Quraanka) iyo mid la mid ah oo la socda (sunnada)”

Haddaba su’aashu waxa ay tahay Quraanka maadaama uu yahay hadalkii Alle awood badan, aqoon badan, wax walbana sii ogaa, maxaa ka dhigay mid ku tiirsan kutubo kale iyo dhamaystir kale oo ay dad dhamaystiraan? Haddii jawaabtaada u janjeerto in sunnada tahay waxyi, waxay noqonaysaa in aan haysano labo nooc oo waxyi ah, kuwaasoo aan isku darajo ahayn, sidoo kalena midkood naloo ogolyahay in aan ku tukano kaasoo ah Quraanka.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. أخرجه البيهقي في “السنن الكبرى” (ج10/ص114)
  2. 4604 – سنن أبي داود » كتاب السنة » باب في لزوم السنة
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments