Muxuu ka aaminsanaa nabi Maxamed ugxanta dumarka?

M

Sida ku xusan xadiis dheer oo uu saxaabigii lagu magacaabi jiray sawbaan kasoo wariyay muxammad waxa uu qayb kamid ah xadiiska ku sheegayaa in ; biyaha ninka ama – shahwadda uu midabkeedu yahay caddaan , halka biyaha gabadhana uu midabkeedu yahay huruud ama jaalle , sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay ninka iyo gabadhu ay isu galmoodaan labada biyood ka sarreeya uu ilmuhu raaco oo haddii biyaha ninku ay ka sarreeyaan kuwa gabadha ilmuhu waxa uu noqdaa lab ama nin , balse haddii biyaha gabadhu ay ka sarreeyaan kuwa ninka ilmuhu waxa uu noqdaa dheddig ama gabadh.  1

عن ثَوْبَانَ مَوْلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : كُنْتُ قَائِمًا عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَجَاءَ حِبْرٌ مِنْ أَحْبَارِ الْيَهُودِ … قَالَ : جِئْتُ أَسْأَلُكَ عَنْ الْوَلَدِ ، قَالَ : ( مَاءُ الرَّجُلِ أَبْيَضُ ، وَمَاءُ الْمَرْأَةِ أَصْفَرُ ، فَإِذَا اجْتَمَعَا فَعَلَا مَنِيُّ الرَّجُلِ مَنِيَّ الْمَرْأَةِ أَذْكَرَا بِإِذْنِ اللَّهِ ، وَإِذَا عَلَا مَنِيُّ الْمَرْأَةِ مَنِيَّ الرَّجُلِ آنَثَا بِإِذْنِ اللَّهِ).2.

Xadiiskaas waxa ku cad laba arrin oo labaduba u baahan in la guud istaago!

  1. Biyaha gabadha midabkoodu waa huruud ama jaalle (horta gabadhu biyo maba laha sida ninka , kaliya waxa ay leedahay ugxan ugxantana midabkeedu huruud ma aha , sidoo kale ugxantu ilma-galeenka gabadha kama soo baxdo , haddii ay kasoo baxdana lama arki karo oo waa ili-maqabato — waxa jira dareere midabkiisu caddaan yahay mararka qaarna huruud yahay oo ay gabadhu soo dayso xilliga galmada , dareerahaasi kama qayb qaato samaynta ilmaha sida xadiiska maxamed xusay , balse qaa dareere ay hawshiisu tahay in uu xubinta taranka ee haweenka ka dhigo mid qoyan oo u sahlan in xubinta taranka ee ninku ay si sahlan ku gali karto , balse maxamed iyo dadkii kale ee waagaas noolaa waxa ay u maleeyeen in biyahaas huruudda ah ay ka qaybqaataan samaynta ilmaha, waana arrin khiyaali ah sidaan kor ku sharraxay)
  2. Sidoo kale xadiiska maxamed waxa uu sheegayaa in biyaha gabadhu haddii ay kor maraan kuwa ninka ilmaha dhalanaya uu jinsigiisu noqon doono dheddig ama gabadh (tani sidoo kale waa arrin khiyaali ah oo biyaha gabadhu sidaan kor ku sheegay kama qayb qaataan samaynta ilmaha ee ugxanta ayaa ka qayb qaadata, ugxantuna kama masuul aha go’aaminta jinsiga uu ilmuhu noqon doono ee taas waxaa ka masuul ah shahwadda ninka oo haddii shahwadda ninku ay sidaan Hiddo-sidaha [X] ilmuhu waxa uu noqdaa dheddig balse haddii ay sidaan hiddo-sidaha [Y] ilmuhu waxa uu noqdaa lab3

Soo koobid; biyaha gabadhu kama qayb qaataan samaynta ilmaha, ee waxa ka qayb qaata ugxanta, sidoo kale Ugxanta gabadha midabkeedu huruud ma aha, sidoo kale ugxantu kama masuul aha go’aaminta jinsiga ilmaha taas waxaa ka masuul ah shahwadda ninka, labadaas arrinba sayniska ayaa caddeeyay beeniyayna hadal uu 1,400 oo sanno kahor nin adhiraac ahi ku hadaaqay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xiriirka ka dhaxeeya diinta Hinduuska iyo diimaha Ibraahiimiyada
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. Saxiix Muslim 315
  2. رواه مسلم (315)
  3. https://genetics.thetech.org/ask-a-geneticist/which-parent-decides-whether-baby-will-be-boy-or-girl
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Umu maria
Umu maria
5 Bilood Kahor

Malaha gaal baa tahy shaki laan adigu warmeyga amina baaad wadaa lknse waxa shegto dhan waxba kama jiraan kan nabiga scw baa boqalkibo boqal sax

W/Q: Sameer Saami