Albert Einstein 1905-kii wuxuu sheegay in haddii walax mug culus sida qorrax, god madoobe (black hole) ama bah-qorraxeed ay kala dhex galaan ileyska meesha uu ka soo unkamayo iyo isha eegaysa uu iftiinku leexsamayo oo meeshiisii meelaan ahayn laga arkayo. Dhacdadaas waxaa lagu magacaabaa gravitational lensing.
Gravitational lensing
Cir-dhugte lagu magacaabi jiray Eddington ayaa u ban-baxay in uu ka gun gaaro warkaa. 1919-kii qorrax madoobaadkii dhacay ayuu ka faaidaysaty oo waxa uu eegay xiddigaha ka dambeeya qorraxda ileyskoodu inuu dadab galayo marka ay qoraxdu ku aaddan tahay iyo in kale. Siduu Einstein yiri bay u dhacday oo ileyskii xittaa xisaab ahaan intuu yiri uu leexsamaa ayuu leexsamay!
1916-kii Einstein wuxuu sheegay in goobtiyo goorta markay walax mug culus dhex maraan ay qaloociyaan goobtiyo goortaba, dhex markoodana uu soo saaro hirar loo yaqaan hirarka cuf-isjiidka, kuwaas oo ku goosha xawaaraha ileyska si darandoori ahna isku daba yaala.
14-kii September 2015-kii, mar uu Einstein mootanyahay in ka badan 60 sano ayee bahda cilmigu la kulmeen wixii uu Einstein sii sheegay, markii laba black hole oo isku dhacay in kabadan 1.3 billion oo sano kahor uu hir cuf-isjiidkoodu dhulka soo gaaray oo ay qalabkooda ku arkeen.
1905-kii sidoo kale Einstein wuxuu sii sheegay in goortu ayna ahayn wax isku wada midaa balse ay samayso is badbadal loo yaqaan time dilation. Wuxuu yiri laba saacad haddii isku waqti lagu buuxiyo kadibna mid la saaro wax xawaare ku socda ama meel cuf-isjiid badan, midna meel caadi ah la iska dhigo, ta xawaaraha ku socota ama meesha cuf-isjiidka taal ayaa ka socod gaabnaanayso ta kale.
1976-kii mar uu Einstein mootanyahay 21 sano, ayee bahda cilmigu ay laba saacadood oo ah noocyada loo yaqaan atomic clocks-ka oo ah kuwa ugu saxan ay isku waqti ka dhigeen kadibna mid ay oogada sare geeyeen halka ta soo hartay ay dhulka ku reebeen. Siduu Einstein sheegay baa u soo baxday oo time dilation bay isha saareen.
1916-kii ayuu Einstein sii sheegay in ay jiraan meelo ka mid ah goobta (space) oo uu cuf-isjiidku aad ugu badan yahay wax kastoo soo ag marana jiita oo wax kabaxsada jirin. Meelahaas waxaa lagu magacaabaa black holes sida magacooda ka muuqatana xattaa ileysku kama fakado oo wax kaste way liqdaa!
Black Hole
April 2019-kii ayee markii ugu horeysay black hole sawirkiisa soo heleen bahda cilmiga iyagoo isticmaalaya 8 radio observers oo saaran 6 buurood oo ku kala yaala 4 qaaradood. Einstein oo 60 sano wax ka badan mootan ayaa la caddeeyay waxa uu sii sheegay in ay run tahay.
Einstein muusan sheegan nabi nimo, malaaigta ayaan la sheekeystaa muusan oran, ilaahii furayaasha cilmiga adduunka haayay ayaa ila soo hadlay muusan oran ee waxaas oo waxyi ah waxa ku soo dajiyay waa qalinka oo kaliya haddana kun nabi mey sheegin uunkana kumaysan soo kordhin inta uu isagu ku soo kordhiyay!
Nabiyadiinu haddii uu ilaahay la soo hadlay maxay cilmi intaa le’eg ama xattaa ka daba dhow usoo daah rogi waayeen ama waxay sii sheegeen cilmigu indhaha u saari waayay inta ay ku meereysanayaan sida musqusha loo galo iyo gacanta wax lagu cuno?
Nabi nimo haddii ay cizo tahay Einstein baa ku xaragooday!
Click to Tweet
share
3 Comments
Hore
CusubUgu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
6 Bilood Kahor
Albert Einstein haabar qabe alla muxuu intelligence ahaa
Dil wadaadkasta
6 Bilood Kahor
Einstein waxa u ka fiicnaa Nebi kasta
Abdikafi
4 Bilood Kahor
Inta aad ka sheegtay Einstain waa wax laguugu raaci karo laakiinse inta aadan isweydiin in nabiyadu cilmi sheegeen, hadana aad isku jawaabtay adigu waxa ay ahayd inaad Cilmiga diinta Islaamka wax ka baran lahayd.
Nabi Maxamed waxa uu sheegey Cilmi aad u badan ee fadlan isku day inaad baaritaan dhankaas ah samayso
Waxaa jira laba saynisyahan oo aan caan ku ahayn aragtiyihii saynis ee ay soo bandhigeen, inta badan na aragtiyahaas saynisyahano kale loo tiriyo. Labadan saynisyahan waxaa ay kala yihiin, Aristarchus of Samos (dh. 230 BC), iyo saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Michell (dh. Abriil 1793). Aristarchus waxa uu ahaa inta laga warqabo shaqsigii ugu horeeyay ee soo bandhigay aragtida ah...
Slut-shaming waa markaad ku weerarto gabdhaha hab-dhaqankooda galmada - ha ahaato mid xiriir galmo ku jirta (sexually active) ama mid kale, si kastoo ay u yar tahay ficilka ay samaysay, waxaa loo tarjumi karaa laguna dhalleeceyn karaa "galmo xad dhaaf ah" (dhillonimo) - waana arrin ay bulshooyinku muddo dheer ka aaminsanaayeen haweenka.
Carruurta dugsiyada qur’aanka dhigta midkii aan xafidaadda ku fiicnayn ama aan jeclayn in uu subaca iyo qur’aanka ka qaybgalo waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ”Ilmo uu shaydaan duufsaday!” Dadka uu la deggan yahay iyo wadaadka dugsiga dhigaaba waxay ku heshiiyaan in uu ilmahaasi shaydaanka calaaqaad weyn la leeyahay, oo in la dilo laga helayo ajar iyo xasanaad loo aayayo maalinta Qiyaame.Guriga...
Waa maxay Evolution? Maxay se tahay Aragtida Horumarka Noolaha (The theory of Evolution)?! Erayga Evolution oo loogu dhawaaqo E-fa-luu-shin, macnihiisa xarfiga ah waa horumar, ama hor u socod. Wax horay uga dhaqaaqay halkii ay joogeen. Evolution ama The theory of evolution waa qeyb ka mida Cilmiga Noolaha (Biology). Waa mowduuc gorfeeya xiriirka hidde (genetic), muuqaal, iyo askun ee ka dhexeeya...
Xilligii ay go'aansatay dowladda Switzerland dhisitinakaa masaajiddada! Kama aan akhrin saxaafadda Carabta wax arrinkaas ku saabsan. Waxaan la yaabay markan ka akhriyey jariiradda Al wadan ee Sacuudiga kasoo baxda qaybteeda internetka bishi Maarso, 2010, maqaal uu qoray qoraa lagu magcaabo Turki Al-dakhiil. Maqaalkaas, oo ahaa mid uu kaga maadsanayo sida ay u ilaaliyaan xuquuqda xayaawanka dalka...
Albert Einstein haabar qabe alla muxuu intelligence ahaa
Einstein waxa u ka fiicnaa Nebi kasta
Inta aad ka sheegtay Einstain waa wax laguugu raaci karo laakiinse inta aadan isweydiin in nabiyadu cilmi sheegeen, hadana aad isku jawaabtay adigu waxa ay ahayd inaad Cilmiga diinta Islaamka wax ka baran lahayd.
Nabi Maxamed waxa uu sheegey Cilmi aad u badan ee fadlan isku day inaad baaritaan dhankaas ah samayso