Nacaybka Yuhuudda maxaa sal u ah?

N
Dad badan oo muslimiin ah baa yuhuudda waxa ay ka aamminsan yihiin aragtiyo mucjiso ah oo ay ka mid tahay in ay sida shaydaanka yihiin wax caqli badan oo uu caqligoodu shar keli ah ka samaysan yahay. Wadaaddada sheegta sunniyiintu marka ay ka hadlayaan firqooyinka ay u yaqaanniin ”Kuwa lunsan” sida shiicada iyo murji’ada waxa ay mid kasta oo ka mid ah sheegaan in uu lumiyey nin yuhuud ahi, oo haddii ay meel kale oo ay yuhuud ka soo geliyaan waayaan waxa ay yiraahdaan ”Ninkii aragtida lahaa aabbihiis bay nin yuhuud ah deris ahaayeen”! Waxyaalahaas oo dhammi waxa ay muujinayaan in aysan muslimiintu yuhuudda u arag gaalo caadi ah ee ay u arkaan wax aan dad ahayn oo ka samaysan caqli shaydaan oo yaab leh.

Haddii runta loo soo laabto yuhuuddu waxba ka ma duwana gaalada kale oo ka ma ay caqli badna ummadaha kale. Waxa ay leeyihiin dad aqoon leh iyo dad jaahiliin ah, dad caqli badan iyo kuwo maangaab ah, dad hodan ah iyo kuwo sabool ah, dad miyir qaba iyo kuwo waalan intaba. Ma jiraan haba yaraato ee wax ay kaga geddisan yihiin dadyowga kale, isla markaas diinta islaamku ma sheegin in yuhuudda aakhiro si gaar ah loo cadaabi doono ee waxa ay sheegtay in gaalada oo dhammi ay cadaab ku waarayaan. Waa gef iyo khalad in qowmiyad dhan laga qaato aragti ah in ay isku mid yihiin, waxaana aragti guudmar ah qowmiyad dhan ka qaata dadka cunsuriga ah oo maanka gaaban.

QORMO LA XIRIIRTA:  Haweenow xorriyadda cadaaladdaa ka horraysa

Mar haddii ay diinta islaamku dadka u ka la faquuqdo gaalo iyo muslimiin oo ay gaalada ku xukuntay in uu Eebbe cadaabi doono cadaab isku mid ah waxaa kuu caddaatay in uusan nacaybka gaar ah ee ay muslimiintu yuhuudda u qabaan asal caqiido lahayn, laakiin uu yahay wax iska samaysmay oo dhaqan ah.

In ay dad carab ah iyo yuhuudi isku haystaan dhul Shaam ku yaal lafteedu nacaybka oo dhan asal u ma aha oo waddaaddo hore ayaa qori jirey takoorid yuhuudda ku saabsan, laakiin haddii aynu qaddiyadda Falastiin iyo yuhuud ka sii fakarno su’aalaha iman kara waxaa ka mid ah ”Horta yuhuuddu dunida halkee bay dal ahaan u leeyihiin?”. Ma ay jirto qowmiyad dad ah oo aan dhulka ku lahayn meel ay degaan ee awal yuhuuddu xaggee bay ku beernaan jireen? Haddii aynu niraahno ”Yuhuuddu dhul ma leh, xaqna u ma ay laha in ay dhulka meel ka mid ah yeeshaan” waxa ay noqonaysaa macangagnimo aan caqli ku salaysnayn.

Yuhuuddu markoodii hore degaannada carabta oo dhan bay wax ka degi jireen, laakiin waxaa laga yaabaa in ay u badnaayeen meelaha Quddus u dhow oo ay carabtu dib kaga xoogaysteen. Haddii aan irbad daroogo ah la isku mudin waxaa cad dhulka ay maanta sheeganayaan in aysan carabta ku la murmaysaa ka xigin, isla markaas carabtu dhulal badan oo ay dad kale ka boobeen bay isku ballaariyeen, cidina taariikhdii ay boobeen dib u ma raacdo, halka ay yuhuuddu boqcad yar oo ay asal ahaan ka soo jeedaan ku nabad geli la’ yihiin.

Hadal iyo dhammaantiis yuhuuddu cirka ka ma ay iman ee dhulka ayey wax ku leeyihiin, iyaga iyo carabtuna waa labo qolo oo soomaalida iska xiga oo uu ka dhexeeyo nacayb xin ah oo aan waxba ku dhisnayn. Taariikh ahaan wax baa ka jira in uu Maxamed yuhuudda marar badan uu xasuuqay si arxan darro ah, laakiin dumarkii uu qabey mid baa yuhuud ahayd. Maanta qof soomaali ah ma ka suurtowdaa in uu qof yuhuud ah guursado? Maya, waayo waxa uu u arkaa qof jir ahaan iyo nafsad ahaanba faddaro ah oo shaydaan ah, taasina ma aha dhaqankii nebiga, maxaa yeelay nebigu waxa uu rabey in uu yuhuudda dabargooyo ama uu ka sifeeyo dhulka carabta ee u ma uu haysan dad faddaro ah oo aan laga guursan karin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aftahmo iyo afjuxuunsi

Yuhuudda iyo nebiga waxaa ka dhexeeyey loollan qabiil oo la mid ah qabyaaladda soomaalida. Maxamed Faarax Caydiid waxa uu aamminsanaa in la dabargooyo qabiilka Maxamed Siyaad Barre, laakiin in qabiilkaas aan laga guursan karin oo ay faddaro yihiin ma uu aamminsanayn, waana isla aragtida uu nebigu yuhuud ka qabey.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend