Narcissism-ka Bulshooyinka Musliiminta

N
Xidhiidhka dhexmara dowladdaha ma ahaa mid ku dhisan: jacayl, karaamayn iyo walaalnimo. Waa xidhiidh ku taagan tiirrar maslaxaddu ugu horrayso, oo aan tixgelin arrimo ku dhisan dareenno jacaylku kow ka yahay.

Qofka muslimka ah kuma kalsoona qof aan Muslim ahayn. Dadka kale, waxa uu ka haysta sawir shaydaameed isu bahaystay in ay isaga dhagraan. Waxa uu ka dhigtay arrin biyo-kama-dhibcaan ah in isaga iyo musliiminta kale yihiin kuwo leh sawir malaa’igeed. Waa halka ay salka ku hayso sababta rasmiga ah ee cadowtinimada musliimintu u hayaan dadka ka aragtida duwan, ka diinta duwan, ka qorshaha duwan. Qofka muslimka waxa dhibaato weyn ku haysa is moodsiis qoto-dheer, oo ah in dhagar ama dhibaatayn ku wajahan diintiisi iyo jiritaankiisa lagu hayo goor walba iyo goob kasta oo la joogo.

Narjasiyadda diineed(Narcissism) ee ku habsatay Musliiminta waxay barro dhaaftaay taa bulshooyinka kale. Dhabtii waa mid ku dhisan aragtiyo aan maangal ahayn, oo iska mala’awaal u badan, waxaana ka mid ah: aaminsanaanta in ay dadka kale ka fadli badanyihiin; in ay ka xaq sarreeyaan; ka run sheeg badanyihiin, sabaabtuna tahay in ay Muslimiin yihiin, oo keliya! Waan rejayn lahayn ama xoogga yididillo ah bay dadka gelin lahayd hadii ay ku dhisantahay waxyaabo dhabnimadooda la qeexi karo, horumar waarrana lagu gaadhi karo.

Mushkiladaha waweyn ee haysta bulshooyinka musliiminta ah waxa ka mid ah thaqaafad ku dhisan dulmi-sheegasho. Meel kasta oo uu tago qofka muslimka ahi waxa uu sheegan in la dulmiyey ama uu yahay dulmane dirir is xorrayn ah ku jira. Waxa sumad u noqotay in uu is moodsiiyo dhammaan dadka kownka guudkiisa saaraan ay yihiin kuwo isaga kasoo horjeeda. Si uu arrinkaas u iibgeeyo, oo uu u ga gedo maanka dadka kale goor iyo ayaan waxa uu allifayaa sheekooyin maangaalnimo ka dhigaya dulmi-sheegashadiisa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa maxay sababta keentay maqnaanshaha wax-abuurka bulshooyinka muslimiinta

Badi bulshooyinka dunida ku nooli way horumareen. Reer Galbeed iyo Maraykan kama hor istaagin balse qaarkood waabay caawiyeen si ay kor-u-kac iyo horumar u samayn lahaayeen. Xagasha Musliimintu wax ka eeggaan haddii laga soo istaago waxa imanaysa su’aasha ah: Sidee bay suuragal u noqon lahayd in Maraykan iyo Reer Galbeed u ogolaadaan Hindiya, Jayna, Kuuriya iyo Jabaan in ay horumaraan? Waa su’aasha jebinaysa maanka xidhan ee musliiminta, ee ay buux dhaafsheen aragtiyaha salka ku leh mu’aamarada (Conspiracy theory). Waa se arrin caal waa in dib-u-dhaca bulshooyinka Musliiminta ahi ay kaga dhuuntaan xaqiiqada hortaalla.

Runta kolka aan laga baxsanayn, waxa Bulshooyinka Musliiminta ah horyaalla su’aallo faro-badan, oo ay tahay in ay ka jawaabaan. Waa maxay waxyaabaha ay daahfureen ama soo saareen ee u addeegaysa insaaniyadda, marka loo barabardhiggo reer galbeedka? Immisa cilmi-baadhiseed bay sannadkii soo saaraan ama fidiyaan? Miisaan intee le’eg bay ku lee yihiin ganacsiga adduunka? Waa maxay wax-soo-saarkooda ay kusoo kordhiyaan thaqaafadda, si guud Art-ka, fanka sannadkii?. Waa su’aallo ay tahay in uu is weydiiyo qof walba oo Muslim ah. Kelmadda mu’aamarad ee dhowrka jeer innagu soo noqotay buux dhaafisayna maskaxaha musliiminta bal aan is weydiino yaa isu dhiga mu’amaradda? Waa in badanka labada dhinac ee is mu’amaradeeynaya isu dhigmaan si uu midkood ka kale isu hoos mariyo. Aslan laba daraf oo aan isu dhigmiin wax soo saar, dhaqaale, ganacsi iyo sumcad midkoodna waxa uu ka itaalka darrani in uu ka weyn ka fiicanyahay u gu arko waa gardarro. Waxa uu in u mu’amarad loo dhigayo u gu tiraabaa, waa iska samir taag waa.

Waxa baqdin weyn i gu haya in aanay weli muslimiin badani garwaaqsan in ay heer lagu tilmaami karo foolxummo ku yihiin bina-aadamka. Waxa ay baa isku deyayaan in ay ku dheeldheelaan wax-soo-saar ummaddo kale, waxa ay doonayaan in ay wax burburiyaan, oo kharribaan meertada noloshu bina-aadamku siday u socoto maanta. Sabaabo diimeed baa u gu horreeyo iyo sheegashadooda ah in ay dadka u gu wacanyihiin, oo ay ku san taagaan; qaar addoonsadaan; qaar kibir ka qaadaan; qaarna laayaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Gumaysiga reer Yurub iyo gumaysiga carbeed

Wax-soo-saarka Musliiminta:

Baabuur qarxaya; qof qarxaya; faafinta qiyam ku salaysan dib-u-dhac; khuraafad iyo kala qaybin; burburin iyo kharribaad meelaha horumar kasoo muuqdo.

Guntii iyo gebogebadii, qofka Muslimka ahi ha ogaado in runtu mur ay ka qadhaadhahay, oo u la noolaado, lana qabsado. Waa in uu ogaado, waxa ugu weyn ama ugu badan ee mu’amaradda ku haya maankiisa iyo caqligiisaba u yahay turaaska(dhaxalka) diimeed ee u qoran iyo kutubkiisa muqadaska ah.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments