NEBI CODSADAY KUFSIGA GABDHIHIISA!!

N


Quraanku sida uu soo warinayo qawmkii Luud waxay ahaayeen niman ku falan ragga inay fuulaan, markii qawmkii luud laga kari waayay inay rumeeyaan nebigooda ee la gaadhay wakhtigii la soo afjari lahaa ilaahay wuxuu soo diray malaa’igtii halaagi lahayd wuxuuna u soo yeelay suurad wiilal dhalin yaro ah oo aad u qurux badan! markii ay luud soo gaadheen waa uu marti sooray oo gurigiisa ayuu ku soo dhaweeyay isagoo u arkayay rag caadi ah, warkiina magaalada ayuu galay oo nimankii ragga inay fuulaan ku falnaa waxay u soo kaceen dhanka guriga Luud si ay nimankaa qoyan uga soo xaajo guttaan.

Markii ay Luud u yimaadeen waxay u sheegeen dantay ay leeyihiin laakiin Luud waa ka biyo diiday inay martidiisa u gacan dhaafaan. Waxay Luud ku yiraahdeen miyaynaan hore ugu ballamin dadka ajnabiga ah inaadan na soo dhex gelin, balse Luud go’aankiisii ayuu ku sii madax adeegay ayaguna hadafkooda inay gaadhaan ayay ku madax adeegeen, sheekadii waa ay xumaatay waxay nimankii isku dayeen inay xoog adeegsadaan si ay dantooda u fushadaan, Luud markuu arkay in laga xoog badiyay maadaama ay ka tiro badnaayeen oo talana ku ciirtay wuxuu soo bandhigay xal uu isagu dhexdhexaad u arkaayay oo ahaa inay martidiisa¬† u daayaan taas badalkeedana wixii ay martidiisa ku samayn lahaayeen ay hablihiisa ku sameeyaan.

Nasiib wanaag nimankii way ka diideen ra’yiga uu soo jeediyay Luud waxayna u sheegeen inuu is dabaaliska iska dhaafo maadaama uu ogyahay inaysan dumarka wax dan ah ka lahayn!

Haddii aynu akhlaaqda Islaamka ka duulno Dulucda sheekadani waxay noqonaysaa in nabi Luud uu ahaa dayuus hablihiisa soo bandhigay si loola raaxaysto, sidoo kalana iska indha tiray dhaawaca iyo raadka taban ee falkani ku reebi karo hablihiisa aan waxba galabsan isaga oo raalli galinaya niman ay habeenkaas is barteen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aadan dheere iyo dhashiisii is guursatay!
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments