Nebinimada Yuhuudda

N
Yuhuuddii hore waxa ay ka warhayeen dhulalka Bariga dhexe, Khaliijka, Yaman iyo Masar, waxa ayna mari jireen dhulalkaas oo dhan. Waxaa caadooyinkooda ka mid ahaa in ninkooda suldaanka ah ama halyeyga ah ay ku sheegaan ”Nebi” oo laga wado in uu ku xiran yahay Eebbe. Ninkii talo fiican keena ama dagaal geesinnimo muujiya oo iyaga ka mid ah waxa ay u haysteen in uu nebi yahay oo uu xagga Eebbe ka keenay caqliga iyo geesinnimada, waxaana dhici jirtey in suldaamo isdhalay ay madax ama nebiyo u noqdaan Yuhuudda. Waxa ay ahaayeen bulsho socod badan oo waxaa badnaa in ay dagaallo la galaan dadkii ku dhaqnaa degaannada ay marmarayeen.

Waxaa jirey dadka degaannada iska warhaya oo ay yuhuuddu marmaraan deggan qaarkood in ay dhaqanka nebinnimada marmar kaga daydaan siiba carabta qabiilooyin ka mid ahaa, dhaqanka in nebi la sheegto ahina ma uu gaarsiisnayn dadyowga badan ee Eeshiya, Afrika, Yurub iyo meeshii kale ee ay dad ku noolaayeen ee waxa uu ahaa caado yuhuudeed. Xataa Beershiya dhaqankaasi ma gaarin.

Waxaa jirey in marmarka qaarkood nebinimada kitaabbo laga qoro sida qoraalkii Tawreed iyo midkii Injiil, waxaana qoraalladaas ku qoran in ay dadka oo dhammi ku abtirsadaan nin xilli aan fogeyn jirey oo Aadan la oran jirey iyo naag feertiisa laga abuuray oo Xaawo la oran jirey. Sida cilmi ahaan loo og yahay dadku waxa ay jireen malyan sano in ka badan, waxa ayna ka soo horemareen xayawaanno la bah ah. Qoraalladii hore ee yuhuuddu waxa ay u badan yihiin wax ku saabsan dhaqankooda iyo nebiyadooda, waxaana ka muuqata dadkii qoraalladaas qoray in ay ka warhayeen dhulalka ay yuhuuddu maraan keli ah oo aysan xogo ka hayn dadyowga meelaha fogfog ku dhaqnaa.

Ilaaha ay qoraalladaas iyo nebiyadaas badani ku xirnaayeen ma uu lahayn cilmi iyo waayo’aragnimo uu ku la socdo dhulka iyo quruumaha ku nool ee waxa uu la socdey yuhuudda iyo dadyowga u dhow keli ah, waxa uuna ahaa ilaah qabiil gaar ah ku xiran oo aragti gaaban. Sidaas awgeed kutubaha yuhuudda iyo dhaqankooda wax cilmi ahi ku ma ay jiraan ee waa reer gabayadiis iyo duruufihiis.

Diinta carabta, oo uu asalkeedu yahay loollan yuhuudda lagu qabsaday dhaqankoodii hore, haddii laga hadlayo waxaa muhiim ah in Qureysh xoogaa laga taabto, waayo qabiilkaas ayaa sababay in ay carabi dhulal badan diin ku qabsadaan. Qabiilkaas carbeed waxa ay Maka degeen xilli aad uga horreeyey markii ay diintu bilaabatay, waxaana meeshaas in ay degaan u horseeday oday Qusayi Kilaab la oran jirey oo uu nebigu dhawr oday ka tirsan jirey. Maka waxa ay noqotay magaalo weyn marka loo eego magaalooyinkii xilligaas, waxaana ka jirtey ilbaxnimo weyn iyo ganacsi ballaaran. Waxa ay dadka Maka ku xirnaayeen Yaman, Bariga dhexe iyo Beershiya, waxa ayna meeshu caasimad u ahayd carab oo dhan oo ahaa qabiilooyin ku faafsan dhulal badan. Maka waxaa ka jirey diimo badan oo isugu jirey kuwo dhaqan carbeed ahaa iyo kuwii dhaqanka yuhuudda, waxaana ka mid ahayd diin Xanafiya la oran jirey oo la sheego in laga dhaxlay nin ay carab iyo yuhuudi ku wada abtirsadaan oo Ibraahim la oran jirey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxaad ka taqaan Diinta Zoroastrianism, Maxayse wadaagaan Islaamka?

Nebiga carabtu waxa uu ka soo jeedey qoys madax ahaa fac ilaa fac, waxa aynuna sheegnay in markii ay Qureyshi qabsadeen Maka uu hoggaaminayey nin uu nebigu ku abtirsado, ka dibna waxaa ninkaas madaxnimada ka la wareegayey faraciisa. Haashim oo ahaa awoowihii labaaad ee nebiga waxa uu ahaa nin madax ah oo hoggaamiye ah oo xiriir la lahaa dowladihii caalamka ka jirey, waxaana la sheegaa in ay dowladdii Roomaanku aad u jeclaayeen Haashim. Waxaa ninkaas madaxnimadii ka dhaxlay wiilkiisii Cabdimudalib oo nebiga awowgiis ahaa. Cabdimudalib waxa uu ahaa nin dhulmareen ah oo nebi ah, waayo waxa uu arki jirey riyooyin lagu tusayo in ay carabtu nebi yeelan doonaan sida yuhuudda. Waxa uu aad uga hinaasi jirey in carabtu aysan sida yuhuudda lahayn kitaabbo dhaqankooda iyo diintooda ku saabsan oo lagu cibaadaysto, waxa uuna tiriyey gabayo badan oo uu ku sheegay in ay lamahuraan tahay in ay carabi nebi yeelato. La ma garan karo sababta ay carabta uu Cabdimudalib ka midka ahaa uga hinaaseen yuhuud, waayo yuhuudi cilmi iyo caqli ma ay ahayn ee kutubbo khuraafaad ah oo taariikhdoodii ku saabsan bay haysteen. Si kastaba ha ahaato ee odaygaas Quraysheed aad buu ugu dhiillaysnaa in la helo kitaab carabi ah iyo nebi carab ah oo yuhuudda la isaga difaaco, nebiguna (Maxamed) markii uu yaraa waxa uu ku soo barbaaray guri ay dhiilladaasi ka jirto, wax habboon ayeyna ahayd in Cabdimudalib wiil uu awoowe u yahay uu dhiillada ka dhaxlo oo uu nebi noqdo.

Diinta carabtu sida diimihii yuhuudda ayey ku kooban tahay degaanno iyo duruufo dad gaar ah oo caalamka war badan ka ma hayso. Carabtii khashiinka ahayd ee hore waxa ay dadka oo dhan u haysteen koox carab ah iyo koox kale oo Cajam la yiraahdo, diintooduna aragtidaas waa ay ku raacday. Waa diin taariikh ahaan uga hadlaysa dadkii degaannada dhowdhow joogey sida carab iyo yuhuud, isla markaasna haddii ay labo nin ee carbeed murmaan waxaa imanayey aayado lagaga hadlayo murankooda. Waa diin dadkii la yimid aysan haba yaraato ee ka baxsanayn degaankooda iyo duruufohooda, badankeeduna waxa ay ku saabsan tahay carab iyo yuhuud oo ah dad aad u yar marka la eego ummadaha kale.

QORMO LA XIRIIRTA:  Goorma ayay laab la qaawiyaa danbi noqotay?

Dhibaatada ugu weyn ee diinta carabta haysataa waa in ay ka soo jeeddo dad u badnaa xoolodhaqato oommane saxare ah ku nool oo uusan dhiigga dadku macne u lahayn. Dhiigyocabnimadii dhaqanka carbeed baa diinta lafteeda dhaqan u noqotay oo dil iyo dhac awal dhaqan qolo ahaa baa caqiido ahaan loo aamminey oo la faafiyey. Qofkii dhaqankaas la diimeeyey ku jiraa in la dilo iyo in uu dad laayaa macne ugu ma toorrana, waxa ayna arrintaasi salka ku haysaa carabtii hore sida ay nolosha dadku la ahayd.

Intii uu nebigu joogey waxaa la laynayey ama la dhacayey dadka aan isaga taageerin oo loo diidey in ay colaad ka nefisaan, laakiin geeridii nebiga ka dib waxaa isgumaaday kuwii nebiga taageersanaa oo uu nebigu hore u sheegay in ay dhexdooda iska laayaan in aysan habboonayn. Cidi arrintaas nebiga ka ma hoos qaadin ee waxaa madaxa iska jaray kumanyaal ahaa kuwii taageeray, waayo dhaqanka ayaa ka xoog badan ereyo uu nin sheego.

Haddaba qofku haddii uu dhaqankaas hore ee carbeed haysto macne ugu ma fadhiyo dhiigga dadku, waxa uuna u haystaa in uu Eebbe ku farxayo in dad la laayo ama la necbaado, waxaana taas keentay in meesha ay diintaasi ka soo baxday ay ahayd meel colaadeed. Haddii ay diintu ka soo jeedi lahayd dhul biyo iyo beero leh waxa ay ahaan lahayd dhaqan dilka dadku uu la culus yahay. Qof uu Eebbe abuuray in la dilo in uu Eebbe ku farxayaa caqligal ma aha, isla markaas in uu Eebbe wax kasta awoodo iyo in uu rabo in ay koox carab ahi dad gumaadaan iyaga oo isaga u hiillinayaa waa ay iska soo hor jeeddaa. Caqli ahaan hiil waxaa u baahan ruux aan awood lahayn.

Ugu danbayn qofku dhaqanka uu ku jiro ceebihiisa iyo foolxumadiisa ma uu arki karo, oo waxa ay la mid tahay qofku guri uu ku jiro in uusan dushiisa arki karin ee marka uu debedda uga baxo uu daawan karo guriga korkiisa oo dhan. Dhaqanka maandooriyaha ah ee carabtii hore qofka iska daba joogaa biyo aan nadiif ahayn buu ka kalluumaysan, barakana ma uu leh. Waxaa fiican in ay dadku maskaxdooda iyo caqligooda kaalmaystaan, taas ayuuna Eebbe jecel yahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abiib cusmaan
Abiib cusmaan
11 Bilood Kahor

Asc wll suaal ayan qabaa

Kaasho Maanka
Admin
11 Bilood Kahor
Reply to  Abiib cusmaan

Haddii su’aashaada ay mawduucan la xiriirto waad soo gudbin kartaa Abiib, haddii ay arrimo shakhsiya tahayna waxaad ku soo diri kartaa emailkan kaashomaanka@gmail.com