Qormooyinka Cusub

Guurka diimuhu ma dhillaysi dahsoon baa?

G

Si aan waydiinta sare ku xusan jawaab ugu helno horta waa in aan qeexnaa waxa uu guur yahay, ereyga guur micnooyin badan ayuu sameeya bulshooyinkuna waa ku kala duwan yihiin, waana noocyo badan yahay, laakiin waxa jira in ay isku raacsan yihiin inuu yahay heshiis dhex mara laba qof oo iyagu is doortay iskuna qancay go’aansadayna in ay wada noolaadaan ama qaybsadaan nolol qoysnimo. Heshiiskaas...

Ma maqashay nabi Maani?

M

Maani Bin Futk (216-274 CD) wuxuu ku dhashay Baabil oo ahayd deegaan ay ka asaasmeen kana jireen ilbaxnimooyin waaweyn oo aduunka soo maray. Maani yaraantiisu wuxuu ku koray nolol aad u dhib badan waxaana laga qaaday isagoo aad u da’ yar hooyadii, aabihii ayaana kula biirey koox diimeed kale, koox diimeedkaas oo caan ku ahayd u ban-baxa cibaado iyo ka dheeraanshaha adduunyada. Taasi waxay u...

Dhaxalkii Baaderiyada

D

Sida ku xusan taariikhda Waraqat Bin Nawfal wuxuu ahaa nin ka mid ah dadkii deganaa magaalada Makka. Warqat wuxuu ahaa baaderi ku xeel dheer diinta masiixiga una banbaxay cibaado iyo werdi, wuxuuna madax u ahaa koox masiixiyiin ah oo reer Makka ah oo ay ka mid ahayd Khadiija Bintu Khuwaylad oo ay qaraabo ahaayeen, wuxuuna diidanaa ama ka mid ahaa koox diidanayd ilaahnimada Ciise, waana ninka ku...

Jacayl gaboobey iyo jir la gaday

J

Ciddi-shabeel waxa uu joogaa magaalada Gaalkacyo ee ku taal bartamaha Soomaaliya. Sar siddeed dabaq ah buu dabaqa ugu hooseeya waxa uu baalrogayaa buug sawirro dumar ah. Sarta uu dabaqa ugu hooseeya joogo afar dabaq oo ka mid ahi waxa ay ku kiraysan yihiin shirkad weyn oo ka ganacsata jirka dumarka.Waxa uu Ciddishabeel jiraa toddobaatan iyo dhawr sano, weligiisna ma uu guursan. Meelaha ay joogaan...

Abuu Hurayra iyo Mucaawiya

A

Dadka sunniga ahi waxa ay sheegaan in uu Abuu Hurayra saaxiib la ahaa nin yuhuud ah oo ka mid ahaa dadka abuura sheekooyinka. Xilligaas ma ay jirin sheeko faneed oo lagu sawiro nolosha iyo riwaayado dadka lagu horumariyaa ee waxaa jirey qof dadka u sheekeeya oo ka qisooda boqorrada, nebiyada iyo madaxda isaga oo adeegsanaya awooddiisa sheekoyahannimo. Yuhuudka ay Abuu Hurayra saaxiibka ahaayeen...

Jinka iyo dadka kee qurux badan?

J

nta aynaan jinka iyo dadka ka faalloon waxa aynu xoogaa ka taabanaynaa geela oo ah xoolaha nooca ugu sharaf badan, uguna macquulsan. Geela rati ama awr xoog yar oo foolxumi ma abaahiyo. ”Abaahi” waa galmada geela. Dabeecadda ayaa keentay in uu geela dhaddig abaahiyo rati xoog, dhiirranaan iyo qurux isku darsaday. Geela abaahidiisa waa loo halgamaa oo ratigii halganka ku guulaysta ayaa dhammaan...

Shiil maskaxdaada oo ka digtoonow halista khuraafaadka

S

Dadka ka ma ay dhexayso markii ay dhintaan waxa ay mudanayaan iyo in ay sanab dhuumanaya wada caabudaan. Khuraafaadka ay dadkeenna badankoodu riman yihiin waxaa in uu xaq yahay uga marag ah dad dhintay oo lafo ah iyo sanab aan muuqan oo cadow ciilqaba ah. Waa meesha ay maahmaahdu tahay “Beenlow nin dhintay iyo nin dheer buu marag gashadaa”. Wax kale oo markhaati ah ma ay hayaan dadka ku dheggan...

Kani ku gal (Sheeko)

K

Dhaqankii hore ee soomaalida wadaaddadu sida badan khayr bay ahaayeen oo ma ay jirin wadaaddada xunxun ee maanta dadka caaya, dila, addimada ka jara oo gaaleeyaa.Wadaaddadu saddex nooc bay ahaayeen. Kow macallin quraan oo dhibta ugu badan ee uu geystaa ay ahayd in uu carruurta jirdilo midkoodii quraanka si fiican u baran waaya ama dowdarnimo kale sameeya, waxa uuna macallinku heli jirey xoolo...

Hagaajinta ummadda

H

Dadka waa la tabobari karaa qof ahaan iyo bulsho ahaanba. Waa run oo dadka waa laga xorayn karaa khuraafaadka iyo diimaha liita. Khuraafaadka iyo diimuhu dadka waxa ay ka dhigaan wax xayawaanka ku dhaw oo maskax qufulan oo aan dareen iyo aragti dheer lahayn. Waddamada maanta laga soo raadsado xuquuqda iyo nabadgelyada oo badaha loo jiiro in la soo cagadhigaa waxa ay haysan jireen khuraafaad...

Carabta iyo Soomaalida xagga diinta

C

adaad soomaali ah oo geeriyoodey oo la oran jirey Cumar-Faaruuq Cabdi baa waxa uu yiri ”Wadaaddada soomaalidu waxa ay haystaan liibaan aysan nebiyadii helin. Nebiyadii la ma dhegaysan jirin, carabta maanta joogtana wadaaddadooda lagu ma bixiyo in la dhegaysto daqiidado kooban oo qof carab ahi meel u ma uu joogi karo in uu diin dhegaysto”. Intaas waxa uu ka sheegay kulan ay soomaalidu meel Yurub...

Nala Soo Xiriir

Follow Us