
Caddaaladdu waa miisaan dhinac la saaro wixii aad galabsatay dhinacna la saaro wixii lagaa goyn lahaa. Aadame iyo abuure, diin iyo falsafad, kuli way isku waafaqsanyihiin in inta miisaanku uu doc u janjeero oo waxaad galabsatay yartahay ama waxa lagaa gooyay badantahay meesha aysan caddaalad oolin.