Percy Shelley: Gabayaagii Falsafadda (1/2)

P

Maqaalkii kan ka horreeyay waxaan kaga hadlay Mary shelly oo ahayd qoraa caan ah oo hadana ahayd afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee Percy Shelley. Hadaba waxaan jeclaystay in aan wax-yar ka sheego kaalintii uu ku lahaa Shelly aqoonta iyo wacyiga iyo iftiimiinta cilmiga suugaanta iyo falsafadda.

Percy Shelley

Shelley wuxuu ku dhashay Field oo ah goob u dhow Horsham oo ah magaalo ku taal Ingiriiska  sannadkii 1792. Shelly wuxu ka dhashay qoys hodan oo ka tirsan qaybta sare ee bulshada Ingiriiska. Aabhiis Sir Timothy Shelley wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Halka hooyadii Elizabeth Pilfold ay ahayd hantiile dhul-beereed wayn leh taas oo u suura galisay in uu helo wax barasho heer sare ah asaga oo ku biiray jaamicadda caanka ah ee Oxford sannadkii 1810.

Taariikhyahannadu waxay sheegeen in uusan Shelly imaan jirin fasalka jaamicadda asaga oo ka door bidi jiray in uu asagu wax akhrin madax- bannaan wax ku gaaro oo in ka badan 16 saacadood ayuu maalintii wax akhrin jiray.

Sanaddii 1811 Shelly wuxuu soo bandhigay qoraal ciwaankiisu yahay “The Necessity of Atheism” ama qasab ahaanta diin-diidka ama eebbe-diidka. Qoraalka oo aan la sheegin qofka qoray ayaa waxaa lagu soo dhajiyay kadinka ama iridda laga galo jaamicadda taas oo jaah-wareer ku abuurtay maamulkii jaamicadda.

Shelly waxaa laga codsaday inuu horyimaaddo maamulka iyo aradada si uu uga jawaabo una qirto qoraalka, balse wuu diiday taas oo keentay in jaamicadda laga eryo bishii Maarso ee 1811. Hayeeshee Shelly oo ka dhashay reer saamayn ku leh bulshada waxaa la damcay in lagu celiyo jaamicadda kadib markii aabihii oo ahaa mudane ka tirsan barlamaanka Ingiriiska uu soo farageliyay, balse arrinkaas laguma guulaysan kadib markii Shelly diiday in uu bixiyo wax raalli-galin ah halkaas oo hadana uu kala kulmay iska hor-imaad xagga qoyska ku saabsan.

Shelly wuxuu ahaa sida ay sheegeen taariikhyhanku qof madax adag oo niyad wanaagsan taas oo ka dhigtay gabayaa caan ah iyo qof saamayn kaga tagay fikirka adduunka iyo kan Ingiriiska.

Inkasta oo jaamicadda looga eryay qoraalka uu ku duray diinta hadana taariikh-yahanku waxay qabaan in meesha ay ku jirtay siyaasadayn sababtuna waa Shelly oo kamid ahaa dhaq-dhaqaaqii “Anarchism” oo ka soo horjeeday nidaam-xukunkii boqortooyada Ingiriiska, dhaq-dhaqaaqaads oo uu madax u ahaa William Godwin oo ahaa aqoonyahan faylasuuf iyo siyaasi taageero ku lahaa bulshada gaar ahaan aqoonyahanka. William Godwin wuxuu ahaa soddogga Shelly, wuxuu aabbe uhaa Mary Godwin ama Mary Shelley oo ahayd xaaskii labaad ee Shelly.

Shelley wuxu ka mid yahay gabayaagaa ugu caansana xilligii Romanticism ama (Romantic era) dhaq-dhaqaaqaas oo bilawday dhammaadki qarnigii 18aad ilaa bartamahii isla qarnigaas.

Maqaalka danbe waxaan kaga hadli doonaa gabayga Shelley iyo saamayntii uu lahaa iyo sidii loo arkay figradihiisa iyo saamayntii uu kaga tagay bulshada Ingiriiska.

QORMO LA XIRIIRTA:  Mary Shelley

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend