Qaabkee Quraanku mucjiso u yahay?

Q

Sida uu qorayo Qaamuska ereyada Af-Carbeedka (معجم المعاني) Kelmadda mucjiso waxuu ku qeexaa
المُعْجِزَةُ : أمرٌ خارقٌ للعادة يُظْهِرُهُ الله على يد نبيٍّ تأييدا لنبوَّته
Mucjiso: Waa arrin ka baxsan caaddada taasoo Eebbe ku taageero nabigiisa si uu u caddeeyo dhab ahaanshaha nabinimadiisa.

Sidoo kale mucjiso wuxuu mar kale ku qeexayaa isla Qaamuskani;
المُعْجِزَةُ : ما يُعجِزُ الانسان عمله.
Mucjiso: Waa arrin aanu aaddanahu awoodin samayntiisa.

Haddaba culimo iyo caamaba dadka islaamka ku abtirsadaa waxay in badan ku cel-celiyaan odhaahda ah “Quraanku waa mucjiso!” Ilaa ay musalamaatka iyo Lama taabtaanka muslimiinta ka mid noqotay, cidise malaha weli iskama warsan oo isma waydiin “waar horta sidee quraanku mucjiso u yahay?!”

Wadaadada diinta Islaanku Mucjisooyinka Quraanka waxay u qaybiyaan saddex qaybood.
1. الإعجاز اللغوي. (Mucjiso Luuqadeed).
2. الإعجاز التشريعي (Mucjiso sharci/Garsoor).
3. الإعجاز العلمي (Mucjiso Cilmiya).

Ta hore aan ku horreeyee, ma runbaa in Quraanku Carab careeyay inay isagoo kale keenaan? Dabeed carabtii wada af-maalka iyo aftahanka ahayd arrinkaa ka caajistay! Sidaana Quraanku Mucjiso iyo lama keeni karaan iyo mar la’arag Luuqadeed ku noqday.

Aayadaha quraanka ee arinkan ka hadlayaa way badan yihiine bal aan isla yar eegno.

(قُل لَّئِنِ اجْتَمَعَتِ الْإِنسُ وَالْجِنُّ عَلَىٰ أَن يَأْتُوا بِمِثْلِ هَٰذَا الْقُرْآنِ لَا يَأْتُونَ بِمِثْلِهِ وَلَوْ كَانَ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ ظَهِيرًا ، وَلَقَدْ صَرَّفْنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ مِن كُلِّ مَثَلٍ فَأَبَىٰ أَكْثَرُ النَّاسِ إِلَّا كُفُورًا ).
“Waxaad dhahdaa hadday u kulmaan dad iyo Jinni inay la yimaadaan Quraankan oo Kale lama imaan karaan wax lamida Qaarkood qaar haba caawiyee, Dhab ayaan ugu Caddaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday Gaalnimo mooyee” Al-Israa: 88-89.

Horta garan mayno meel hore oo ay Jin iyo Insi isku kaashadeen inay kitaab wada qoraan, haduu jirayna kollay kitaabkaasi inama soo gaadhin.
Malahayga’se Eebbe waxuu inagu harawsanayaa inuu inaga war roon yahay, Teeda labaad sinaba run uma aha in quraanka wax walba lagu tusaaleeyay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Did u habaynta diinta Islaamka

Haddaba aan is waydiinee sidee Carabi aayaddan uga jawaabtay.
Markeeda horeba waxaa xusid mudan in foorjaynta iyo carayntu xagga carabta ka socotay mar kasta oo quraanku leeyahay isagoo kale keenana waa jawaab celin Carab ku socota kolkay dhahaan Maxamedow waxaagu waa been abuur.
(أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ …)
(“Mise waxay odhan wuu been abuurtay”).

Kolkaasbuu Quraankuna u jawaabayaa oo odhan;
(…قُلْ فَأْتُوا بِعَشْرِ سُوَرٍ مِّثْلِهِ مُفْتَرَيَاتٍ وَادْعُوا مَنِ اسْتَطَعْتُم مِّن دُونِ اللَّهِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ)

” Waxaad dhahdaa layimaada Toban Suuradood oo la mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Eebbe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan.”

Haddaba Gari Waaq bay taqaanaaye suuragal ma tahay in kolkaan ku dhaho hebeloow waxaagu waa been-abuur iyo harawsi, inaad iigu jawaabto waayahaye isagoo kale la kaalay.
Suure galse ma tahay in kitaab xittaa mid ruux caadi ahi qoray oo aan qawl Eebbana ku sheegin isagoo kale lala yimadaa?
Jawaabtuna laba mid uun bay noqon, inaan la imaado wax waxaagii u eg oo dabeed tidhaahdo tani waa ku dayasho iyo koobiyayn waana waxa Ahmed Yare iyo Aayadihiisaba haystee
( وإذ قال ربكم فأتوا بسورة من مثله ما هذآ إلا مثل ما جاء به نبيكم أفلا تبصرون).
iyo maahee inaan wax ka duwan keeno oo dabeed tidhaahdo waxani wixiiba maaha, sidaa darteed marnaba gartan lama kala heli karo waayo ninkii aad la gar-dhigannaysay ayaaba ka Garsoore ah.

Carabina waa dareen sanayd dabinkan Muxumad u dhigayo iyo in doodda Muxamed kiis iska waal iyo marin habbaabin tahay waxayna dhaheen.
(لَوْ نَشَاءُ لَقُلْنَا مِثْلَ هَٰذَا ۙ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ).
“Haddaan doono waan Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha”.(Al-Anfaal- 31)
Waxayna Muxammed war ugu soo koobeen car i koobiyeeya war maahe waxaanu kaa qorno keen, hadday runtaa tahay inaad Nebi Eebbe tahayna Mucjiso la arki karo ama la taaban karo la imaw.
(وَقَالُوا لَن نُّؤْمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفْجُرَ لَنَا مِنَ الْأَرْضِ يَنبُوعًا).
“waxay dheheen Gaaladii (Makaad) ku rumayn mayno ilaa intaad nooga jeexayso Dhulka Ilo (Burqan).” (Al-Israa – 90)

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Hadii aan si (Logic) ama maan gal ah Quraysh iyo wiilkoodii Maxamed ugu garnaqno sida caadiga ah Maxamed laftiisuna sheegay caddaynta waxa laga rabaa dacawad oogaha ama qofka sheegashada la yimaada (البينة على المدعي) Maxamedna car i koobiyeeya tolkii kama qabatee waxay ahayd inuu Xujjo ula yimaado waa hadduu yahay mid run sheegayee.
Maxamed laftiisuna arrinkaa waa qirsanaa oo waa kii yiri;
(مَا مِنَ الأَنْبِيَاءِ مِنْ نَبِيٍّ إِلاَّ قَدْ أُعْطِيَ مِنَ الآيَاتِ مَا مِثْلُهُ آمَنَ عَلَيْهِ الْبَشَرُ، وَإِنَّمَا كَانَ الَّذِي أُوتِيتُ وَحْياً أَوْحَى الله إِلَيَّ، فَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ أَكْثَرَهُمْ تَابِعاً يَوْمَ الْقِيَامَةِ).
“Ma jirin Nabi hadduu jirayna illahay waxuu siiyey Mucjisooyin Aadanahu ku rumeeyay, anigase layma siin waxaan Waxyi ka ahayn waxaana rajaynayaa inaan ugu dad bato maalinka qiyaame”.

Wararka sheega inuu Maxamed Mucjisooyin la arki karo la yimi Carabna tusay dhamaantood waa beeno waayo danbe la falkiyey si dadkii aan meesha joogin looga yaabsado.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments