Qiimaha Insaanka

Q
Sida uu qabo Yuval Harari dhaqamada iyo diimuhu waa caabuq maskaxda iinsanka ku dhaca (mental infection) iyo dulin caqliga ku dul nool (parasite). Wuxuu ku tilmaamayaa dhaqamada iyo diimuhu in ay yihiin isha ugu muhiimsan ee sababtay in iinsaanku wax ay ahayd in ay ku midoobaan ay ku midoobi waayeen, isha ugu muhiimsan ee sababtay in iinsaanku ay is haybsoocaan oo ay heshiin waayaan (source of discrimintion, disagreement and disunity).

Waxa qarax iyo dhimasho maanta illaa shalay magaalada Xamar ka taagani waa taas. Waa dhibaatooyin ka imanaya diin, caqiido iyo dhaqan. Dabcan duruufo dhaqaaleed iyo qaar siyaasadeed na way ku jiraan laakiin waxa ugu weyni waa fahanka diinta.

Diimihii hore ee iinsaanku aaminsanaayeen waxa ay ahaayeen qaar daakhil ahaa oo cid gaar ah ama magaalo gaar ah laga aaminsanaa oo aanay khasab ahayn in la faafiyo. Kuwan immika mushkiladdoodu waa in lagu khasbo haddii kale ugu yaraan qofnimadaada la ceebeeyo oo dhib nafsadeed laguu geysto sida cay, bahdil, in waxmagaratada lagugu diro iwm, haddii kale na dhib muuqata laguu geysto way ka siman yihiin dhammaan mulxid iyo mu’minba isma dhaamaan, waa kelitaliyeyaal aan oggolayn in laga diin, caqiido iyo dhaqan duwanaado. Caynkanna uma ay dhalan waa lagu barbaariyey oo la maalgeliyey si mustaqbal ummadeed loo dhiso kuwa kalena loo dumiyo, heer la gaadhsiiyey in ay xataa wadahadli kari waayaan xabbad mooyiye. Si intay isku jeedaan dano looga dhexfushado loona boobo. Masiibadani Afrikaanta iyo Laatiinka ayay ku dhacday.

Diinta islaamku waxa ay ka mid tahay diimaha sida ugu xun looga beenabuuray, loogu danaystay, oggaan macneheedii loo bedbedelay, looguna adeegay dano cidyow gaar ah. Diinta Islaamka waxyaalaha ugu badan ee lagaga dhaqmo ee muranka dhaliyaa ma aha nusuustii (aayad ama xadiis) ee waa tafsiiraadkii la saaray nusuusta iyo axaadiis la beenabuuray. Isaga oo mufasir kastaa ku saleeyey deegaankiisii uu ku noolaa, wakhtigiisii uu noolaa, waayihii uu la noolaa, fahankiisii gaarka u ahaa iyo waliba dantiisii u gaarka ahayd. Kolkaa marar badan tafsiirkaasi kuma habboonaan karo deegaanka aad ku nooshahay, waayaha aad la nooshahay, wakhtiga aad nooshahay iyo danta adiga iyo ummadaada ba. Markaa si fudud ayaa looga tanaasuli karaa, loona raadsan karaa mufasir ku habboon xaaladda, wakhtiga, waayaha, duruufaha, deegaanka iyo xaqiiqada aad la nooshahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo dirray!

Iyada oo ay sidaa wax ahaayeen ayaa misna waxa dhacday xaqiiqo kale oo ah in diinta Islaamku ay dhawaan noqotay wax la dhexgeliyo nidaamka Hantigoosadka (capitalism) waa markii aynnu baranay eraybixinta ah “qof aamin ah, qof diin leh, nidaamdhaqaaleedka Murrabaxa iwm”. Dadkaas hantigoosadka ahi waxa ay u bateen wadaado, ka dibna waxa ay ugu adeegeen danahoodii dhaqaaleed (economic interest). Taasi waxa ay sababtay in la noqdo ummad hoosaysiisa qiimiga iinsaanka oo buunbuunisa qiimiga walxaha (materialists). Halkii diinta Islaamka iyo diimaha oo dhami ay ka sinnaayeen sarreysiinta qiimiga iinsaanka oo ay aaminsanaayeen in wax walba uu iinsaanku ka qiimi badan yahay (humanism) sida ku cad Qur’aanka.

” وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا”

Waxa jira xadiisyo badan oo ka warramaya qiimaha la siiyey waayadan danbe walxaha iyo hoosaysiinta qiimiga iinsaanka (materialism) oo la buunbuuniyo, xadiisyadaas waxa ka mid ah kan odhanaya “Haweenka afar ku guursada; nasabkeeda, maalkeeda, quruxdeeda iyo diinteeda”

Xadiiskani wuxu sheegayaa afar shay oo bilaa macni ah oo dhammaan caddayn u ah in aynnu nahay dad qiimeeya walxaha illaawayna qiimiga wanaagsan ee iinsaanka. Maalku waa wax la helo marna la waayo. Wuxuu ku xidhan yahay dadaalkaaga iyo kolba dalka aad ku nooshahay sida uu u yahay mid dhaqaale laga dhexsamayn karo, ama nidaamka dhaqaaleed ee dalku sida uu sahlanaan karo sidoo kale qofku wuxu ka dhaxli kara/kartaa waalidkii/waalidkeed oo hanti badan lahaa, taasina geesinimo ma noqonayso ama boggaadin kuma heli karo/karto.

Tan labaaad waa nasab. Nasab waa wax dabeecaddu inoo doortay “Natural selection” sidaa darteed qofna danbi kuma laha qabiilka uu ka dhashay ama ay ka dhalatay sidoo kale qofna boggaadin kuma laha qabiilka uu yahay ama ay tahay. Suuratagal ma aha in Illaahay uu dadka qabiilo la yaso iyo kuwa wax yasa ka dhigo ka dibna uu yidhaa “Kuwa nasabka ahoow hablaha kuwa aan nasabka ahayn ha guursanina inamadoodana hablihiina ha siinina!”

QORMO LA XIRIIRTA:  Goorma ayay laab la qaawiyaa danbi noqotay?

Ta saddexaad waa quruxda, quruxdu waa shay qof ba si u garanayo ma ana aha wax la isku raacsan yahay sidoo kale umaduhu way ku kale duwan yihiin qeexitaanka quruxda sidaa darteed ma ba jirto qurux la isla garanayaa. Se haddiiba uu Illaahay qurux la isla garanayo soo dejiyey muxu dadka qaar inta uu u foolxumeeyo misna u leeyahay ha guursanina? Sidoo kale saw lama odhan karo foolxumada Illaahay ayaa abuuray? Illaahay inta uu qofka foolxumeeyo muxuu ugu caayayaaa? Illaahay aslan ba ma wax foolxun ayuu abuuraa? Saw kii ku faanay in uu yahay kan inta wax abuurta uu abuurkiisu ugu qurux badan yahay “فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ”

Tan afraad waa diinta, diintu waa shay la baran karo, mana aha heshiis culus haddii maanta aad bilowdo barashada diinta, saddex sannadood ka dib waxaad diyaarin kartaa shahaadada koowaad ee jaamacadda culuunta diinta. Markaa ma noqon karto iyaduna xujo adag sababta oo ah qofna kuma uu soo dhalan ee inta sheegataa way barteen uun sida aynnu u baranno caafimaadka, maamulka, dhaqaalaha, sharciga, farsamada iwm.

Xadiiskan inta uu sheegay adiga oo qof ku guursada waxa dhaanta kuuna anfac badan adiga oo qofka ku guursada qofnimadda, dabciga, iyo caqliga.

Mar walba oo ay diintaada iyo dhaqankaagu qiimaha iinsaanka hoos u dhigaan tan maanta Xamar ka dhacday iyo tan reeraha Hargeysa deggan ee aan laga guursan hablahooda loona oggolayn guurka hablaha kale ayaa taagnaanaysa. Waayo waxa aynnu diidan nahay siinta iinsaanku qiimaha uu xaqa u lahaa sidoo kale waxa aynu buunbuuninaynaa qiimiga walxaha.

Diimaha waa in loo fahmaa in ay u soo degeen ama u soo baxeen wanaajinta nolosha ummadda, kuna salaysnaayeen fahankii, deegaankii iyo waaqicii markii ay diimuhu soo deggayaan ay diin walba umaddda lagu soo dejiyey ku sugnayd. Maanta wax badan ayaa u baahan dibuhabayn in lagu sameeyo.

Haddii diintaada iyo dhaqankaagu ay ku farayaan laynta, cadaadinta, takoorka, yasida iyo gumaadka kuwa kaa diinta duwan, markaa diintaada iyo dhaqankaagu waxa ay u taagan yihiin xasarad, kelitalisnimo iyo iimaan la’aan wada socota! oo lagu hayo qanuunka dabeeciga ah (natural law).

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us