Islaamku muxuu ka qabaa qofka ka noqda diinta (Murtad)?

I

Diinta islaamka waxaa ku jira wax badan oo garashada diideya iyaguna is burineya waxaana ka mid ah waxyaabahaas xukunka lagu rido qofka ka noqoda rumeynata diinta (حد الردة).
Illaaha Quraanku wuxuu kitaabkiisa ku xusay in rumayntu aanay qasab ahayn ( لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ)1. Illaahay wuxuu aayad kale ku canaantay nebiga isagoo leh (ma adaa dadaka ku qasbaya inay rumeeyaan diinta – أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ)2, wuxuu kaloo Illaahay aayadan ku leeyahay (Kii doona ha rumeeyo kii doonaana ha diido – فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاءَ فَلْيَكْفُرْ)3.

Rumeynta iyo rumeyn la’aantu waa xaq asaasi ah oo ay aadanuhu leeyihiin mana jirto cid kaa yeelaysa qasab, laakin waxaa laga yaaba in muddo ah in arrinkaagu kuu hir galo ugu danbayntase aadanuhu wixii lagu qasbo waa turaan.

Nebi Maxamed (571-632) oo isagu ahaa ninka la yimi diinta islaamka iyo Quraanka ay ku jiraan aayadaha sare ku xusan ee quruxda badani ayaa wuxuu la yimi wax ka hor imanaya oo burineya. Sida la sheego xadiiska lagu baneynayo in la dilo qofka ku qanciwaaya diinta ee ka laabta (من بدَّلَ دينَهُ فاقتُلوهُ)4 wuxuu ka sugnaaday nebiga laftiisa.

Hadaba waydiintu waxay tahay xadiiska iyo aayadda kee mudan in la qaato? Nebiga oo isagu labadaba la yimi kee ku diidnaa keese ka yeelaa? Mise labadaba waan iska tuurna? Nebiga iyo Illaahay kee warkiisu culus yahay?

Xadiiskani waxa weeye qodob sharciyeed oo siyaasadaysan kana baxsan xayndaabka rumeynta, waana qodob loogu talo galay in taliska diimeed ee islaamka lagaga ilaaliyo inuu saaqido. Qaar baa waxay ku odhanayaan aayadaha qaar waa la nasakhay, haddii la nasakhay maxay meesha ugu jiraan? Waa run diintu marxalday soo martay, xili baa jirey Illaahay lahaa dadka bari ama tuug oo ha qasbin xili kalena wuxuu lahaa dil oo dhac waddo walbana u istaag adiga oo aan cidna ka baqayn anaa kula jiree.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

Waydiintu waxay tahay awoodaha Illaahay iyo xooggiisu miyaanay mar walba jirin ? Maxa kala duwey labada magaalo inta u dhexaysa waa Makka iyo Madiinee? Mise hawshan nebiga keliyaa watey oo wuxu hadalkiisa ku jaan goyneyey kolba awooddiisu intay le’ekeyd? Diintu haddii ay isla bedeshey labadaa magaalo maxaa diideya inay isbedesho maanta oo aan ka joogno waagii rasuulka 14 qarni? Mise ninkii wax ka bedeli lahaa baan joogin? Mise wax waa laga bedeley laakiin xukunkan uun baa loo reebay si talisku aanu u saaqidin oo looga yaacin?

Nebi Maxamed markuu dhintay badi qabiilooyinkii carbeed ee qasabka lagu islaamiyey way ka laabteen diintii waxayna diideen inay canshuurtii bixiyaan, qaar kalena nebiyo ayay samaysteen. Abu-Bakar (573-634) ayaa qaab qabyaaladi ku jirto u dhaxlay taladii taliska wuxuuna dagaalo siyaasdaysan (حروب الردة ) ku qaaday qolooyinkii diidey inay hoostagaan isaga, isagoo ka baqaya in talisku furfurto maadama dad badani ka laabteen welibana ay cashuurtii diideen.

Kawarran haddaan kuugu yeedho inaad dukaankayga soo gasho welibana aan ammaan ka badiyo waxa aan ku iibineyo meesha iyo tayadooda oo aan ku idhaahdo qiima dhimis wayn baan kuu samayn, marka aad ku qanacdo ee aad gashana aad ogaato inaan been ku sheegay kadibna aan ku idhaahdo hadaad isku daydo inaad baxdo madaxaan kaa goyn?.

Xukunkaa dilka ahi wuxu horseeday in aduunyadan maanata aan joogno ay argagixiso la ciirciirto, qolyaha culimada Islaamka sheegtaana ay iska fogeeyaan iyagoo og inay xaq ku taagan yihiin argagixisadu oo aanay waxba ka duwanayn Abu-Bakar iyo duullaanadiisi siyaasadaysanaa.

Dadku xoolo maaha maankoodana isbaaro looma dhigan karo ama inta meel lagu hooyo lama odhan karo kii baxa dila. Xukunkaasi wuxuu kaloo ina tusayaa inay diintu tahay talis siyaasadeed carbeed oo aan rumeynta xorta ah shaqo ku lahayn loogana cabsi qabo inuu fufurto oo saaqido.

QORMO LA XIRIIRTA:  Booqashada dhagaxa madaw

Xukunkaasi wuxuu muujinaya siday diinta islaamku u tahay wax aan la jaanqaadi karin waqtiga la joogo, waayo kasta garashada iyo maankana aan u roonayn, hadday wanaagsan tahay oo ay macaan tahay sida dadka qaar ku hadaaqaan maxa loogu jidh dilaa caruurta si ay u bartaan Quraanka, u tukudaan ama hablaha dhar culus lagu duuduubaa.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. Suuradda Al-Baqrah: 256
  2. Suuradda Yunus: 99
  3. Suuradda Al-Kahf: 29
  4. صحيح البخاري » كتاب استتابة المرتدين والمعاندين وقتالهم » باب حكم المرتد والمرتدة واستتابته -6524
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments