Qoraalka Xadiiska

Q
Shaydaanku waxyaalaha uu ka shaqeeyey waxaa ka mid ah in aan xaddiiska la qorin xilligii ay noolaayeen asaxaabtii nebi Maxamed. Sida la og yahay waxaa quraanka la ururiyey oo la diiwaan geliyey markii laga joogey dhawr iyo toban sano keli ah geeridii nebiga, waxaana go’aankii ugu danbeeyey ee musxafka lagu qoray lahaa Cismaan Cafaan oo ahaa amiirkii saddexaad oo talada qabtay nebiga ka dib. Waxaa jirey dad asaxaabtii ka mid ahaa oo saluugmooyin iyo cabashooyin ka muujiyey sida uu Cismaan u maamulay qoritaanka quraanka, waxaana ka mid ahaa dadkaas Faaduma nebi oo sheegtay in quraan badan oo u qornaa lagu daray quraan inta la isu keenay la gubey, waxa ayna sheegtay in quraankaas la gubey qaybo ka mid ahi ay ka maqan yihiin quraanka uu qoray Cismaan. Waxa kale oo cabasho muujisay Caasha oo xaaskii nebiga ahayd oo sheegtay in aan musxafka lagu darin quraan badan oo jirey, waxa ayna af cad ku sheegtay in suuradda Axsaab ay dherer la ekayd suuradda Baqara oo uu Cismaan intaas ka soo reebay. Waxaa jira shakiyo laga qabo in Cismaan iyo raggii uu isku xeeray ee ahaa jafidiisa hoose ee reer banii Umaya ay quraanka ay qoreen ka saareen intii reerkooda wax lagaga sheegayey, siiba aayado badan oo odaygooda abuu Sufyaan caydiisa ku soo degey. Aragtidan danbe waa iska tuhun aan caddayn loo hayn.

Si kastaba ha ahaato ee quraanka mar haddii asaxaabtii oo uu badankoodii joogo la qoray waxaa la malayn karaa in aan wax badan lagu darin ama laga reebin, ilaa xadna waa lagu kalsoonaan karaa in uu u dhow yahay sidii uu nebigu ku ogaa. Dhibaato waxa ay ka dhacday in wax xaddiis ah aysan qorin asaxaabtii iyo dadkii ka danbeeyey oo taabiciyiin loo yaqaan. Waxaa la malayn karaa in ay qoritaanka xaddiiska isaga daayeen in uu nebigu diidey in wax aan quraan ahayn laga qoro oo ay xaaraan u arkayeen in xaddiis la qoro. Waxaa in xaddiis la qoro la bilaabay xilli aad uga fogaa geeridii nebiga, waxaana lagu khasbanaaday in sida abtirsiinyaha qabiilka xaddiis kasta la taxo dadkii ka la weriyey ilaa nebigii. Waxaa jira xaddiisyo waddada ay nebiga ku gelayaan la taxo tobaneeye, kuwa ugu sanad gaabanina waxa ay nebiga ugu tagaan saddex qof. Dadka la taxo sanadka xaddiisku dhibta ugu yar oo ay yeelan karaan waa in ay ka la illaawaan xaddiisyada kutirikuteenta ah oo ay xilliga dheer dadku isu sheegsheegayeen, waxaa se badan dad sheekoxariiro ahaa oo iska jeclaa in ay ka qiseeyaan ummadihii hore sida boqorro hore, nebiga iyo asaxaabtii si ay u helaan dadweyne ay maaweeliyaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muslimku Quraan kaliya ma ku ekaan karaa?

Kuwii xaddiiska qorayey waxa ay isku dayeen in ay dadka sanadka (kutirikuteenta) xaddiiska ku jira ka la shaandheeyaan oo intooda la hubo in ay beenaaleyaasha yihiin xaddiiska ay weriyaan daciif lagu tilmaamo, inta kalena saxiix loo bixiyo. Waxaa la garan karaa xilli boqollaal sano ah nebi laga joogey in hadalkiisii dadka suuqa jooga laga ururiyo beenta iyo ismoodsiiska geli karaa sida ay u badan yihiin. Maansooyinkii ina Cabdulle Xasan haddii aan intii ay daraawiishtu noolaayeen laga qoreen ee maanta boqol sano oo ka sii danbaysa ka dib la raadin lahaa ma la soo heli lahaa? Isweydii waxa lumi kara iyo waxa beenta ah oo soo dhex geli kara!

Xadiiska asaxaabtii nebigu muhiim u ma ay arag, in uu lumana dan ka ma ay lahayn, waxaana isweydiin mudan wadaaddada boqollaal sano ka dib in ay qoraan bilaabay ma asaxaabta ayey nebiga ka jeclaayeen? Wadaaddadaasi xaddiisyada ay qoreen laga ma soo tebin asaxaabta intoodii muhiimka ahayd sida Abuukar, Cumar, Cismaan iyo Cali ee waxaa laga sheegaa asaxaab ducafo shacab ah ahaa. Ninka asaxaabta waxaas laga sheego ugu xaddiis badan waxaa lagu naynaasi jirey Abuu Hurayra, la mana garanayo magaciisii. Ninkaasi waxa uu soo muslimay geeridii nebiga wax yar ka hor, waxaana yaab leh qof nebiga muddo yar la joogey in uu ugu xaddiis badan yahay! Kuwa xaddiiska qoray waxa ay sheegeen in kutirikuteenta xaddiiska dadka isu soo tebiyey kuwooda nebigii arkay aysan been aqoon oo ay sida nebigii macsuumiin yihiin oo aysan ka mid ahayn dadka loo fiirsanayo, quraankana waxaa ku taal in ay dadkii nebiga arkay munaafiqiin badani ka mid ahaayeen. Waxa kale oo aysan cidi baarin wadaaddada xaddiiska qoray oo boqol ka badnaa laftooda oo waxaa loo arkey shiikhii xaddiis qoraa in uusan been aqoon.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

Xaddiiska badankiisu in uu been iyo walaahow la isla dhex maray yahay tuhun iyo shaki u ma baahna oo waa wax cad in uu yahay wax aan ka sugnayn nebigii, waxaana ka buuxa sheekooyin ay bulshadii carbeed abuureen oo kumanyaal ah. Quraanka ku ma badna ama ku maba jiraan mucjisooyin maaddi ah oo nebiga ku saabsani, laakiin xaddiiska waxaa ka buuxa boqollaal mucjiso oo nebiga laga arkay, waayo quraanka nebiga ayaa muumulay oo khuraafaad badani ku ma jiro.

Waxaa la oran karaa xaddiiska maanta qorani waa aragtiyo ka soo jeeda dhammaan carabtii noolayd saddexdii boqol ee sano oo nebiga ka danbaysey, waxaana ku dhan fadhikurirkii carbeed ee xilligaas dheer. Muslimiin badan baa sheega in labadii kitaab ee Tawreed iyo Injiil la beddeley oo dadka maanta haystaa ay been iyo khuraafaad ku cibaadaystaan. Waa run oo kutubahaas wax badan baa laga beddeley oo sida quraanka u ma sugna, laakiin waxaa meesha ku jirta in muslimiintu ay boqollaalkii sano ee ugu horreeyey hal kitaab lahaayeen, ha se yeesho ee wixii intaas ka danbeeyey ay yeesheen kitaabo aad u badan oo dhammaantood diintooda ah.

Quraanka waxaa ku taal in ay ummadda muslimiintu hal kitaab leeyihiin, laakiin wadaaddo danbe oo aad u badan buu mid kastaa qoray kitaab ah diinta muslimiinta oo sheekooyin carbeed ah. Haddaba yuhuud iyo masiixiyiin haddii ay wadaaddo kutubohoodii wax ka beddeleen muslimiinta waxaa diin u ah boqollaal kitaab oo khuraafaad iyo been ah. Nebi Maxamed haddii uu maanta soo noolaan lahaa waxa uu la yaabi lahaa sida ay muslimiintu u cibaadaystaan, waayo shaqo ku ma uu laha diinta la haysto.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Guled A.A
Guled A.A
1 Sannad Kahor

Faadumo nebi may soo gaadhin xiligii Quraanka la qoraayey. Waxay dhimatay lix bil ka dib geerida nebiga.