Quraan mise Maanso carbeed?

Q
Qur’aanku waxa uu sheegaa in ay reer Banii Israa’iil denbiileyaal ku yihiin in ay nebiyaal laayeen. Kuwii xilligii nebiga noolaa buu Qur’aanku ku eedeeyey denbigaas, dabcanna kuwa maanta joogaa waa ay la wadaagaan. Haddaba haddii ay dad reerkaas ahi nebiyo laayeen kuwooda qarniyo ka dib dhashaa ma wax bay ku leeyihiin denbigii laynta? Haddii Qur’aanka la raaco qof kasta oo qabiilkaas ahi waa denbiile nebiyo laayey, waayo carabtu qabyaaladda si guud bay u xukumaan ee qof kasta gaar u ma eegaan.

Qur’aanku marmar buu sheegaa in uusan qof mid kale denbigiis shaqo ku lahayn, waxaana labada aayadood la isku waafajin karaa in midba markii uu nebigu sheegay ay caadifadda nebigu wax dareemaysey, waana arrin caadi ah in qofka gabya caaddifaddiisu ay marba nooc noqoto. Waxaa la mid ah in ay aayadi leedahay Yuhuud iyo Nasaaro marna kaa raalli noqon mayaan jeer aad diintooda raacdid, aayad kalena ay leedahay Yuhuud iyo masiixiyiin waxaa ka mid ah dad nebiga raacaya oo ka raalli noqonaya. Markii uu aayadda hore nebigu yiri waxaa ka muuqata in uu aad u xanaaqsanaa. Aayadaha Qur’aanka aad bay ugu badan yihiin caaddifadaha ka la duwan oo uu nebigu dareemayey marmar ka la duwan, waxaana ka mid ah in ay aayadi leedahay “Gaalada in aad wax u sheegtid iyo in kale waa isku mid oo marna ku rumayn mayaan”, halka ay aayado kale iyo taariikhduba sheegayaan in ay gaalo rumaysay jirtey.

Nebigu waxa uu ka mid yahay dadka maansooda oo lagu yaqaan in aysan manhaj lahayn ee ay caaddifaddoodu sabbayso. Qof maansooda haddii aad gabayadiisa ka la duwan ka raadisid manhaj midaysan adiga ayaa ka gardaran, waayo caaddifaddooda ayaa boodboodda, waxa ayna xoogga saaraan in uu hadalku maanso ahaan u dhisan yahay ee ma ay daneeyaan in uu iska soo hor jeedo, Qur’aankuna baddaas ayuu si buuxda uga mid yahay oo hadal ahaan buu u dhisan yahay ee warbixin ahaan iyo mabda’ ahaan waa uu iska soo wada hor jeedaa.

Akhbaaraadka uu Qur’aanku ka hadlo iyo wararka uu sidaa waa arrimo ay fududdahay in ay qof dareenkiis ku soo dhacaan oo ku ma ay jiraan waxyaalo uusan sheegi karin ama allifi karin carab xilligaas joogey, taasina waxa ay ina baraysaa in faa’iidada keli ah ee Qur’aanku ay maanta tahay in taariikhdii maansooyinka iyo xaaladaha ay mu’allifnimadu soo martay laga baaro. Qofkii Qur’aanka ku tuhmaya faa’iido aan taariikh maanso ahayni waa uu doodi karaa isaga oo aan xanaaqin ee qodobbo ku hadlaya. Sida aan malaynayo qof dood sidaas ka duwan hayaa ma uu jiri karo haddii uusan ahayn qof la khiyaamay oo aan is ogeyn in la khatalay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Jiritaanka waynaha maxaa caddayn u ah?

Tusaaleyaal haddii aynu dib ugu laabanno in naagta Abuu Lahab surkeeda qool naar ah la suri doono, in uu Muuse bad ul ku dhuftay oo ay ka la dillaacday, in ay buuruhu danbas noqon doonaan oo ay qooraxdu ka la dillaacayso, in ay Qurayshi xagaaga iyo diraacda safri jireen, in tuug gacan laga gooyo, in gaalo iyo muslimiin la isu necbaado, in uu ilaah weyni carshi joogo, in naagtii caado qabta aan loo galmoon, in bil cuntada laga soomo, in Kacbada lagu meeraysto iwm ujeeddo ahaan ku ma jiraan wax qoddo dheer oo uusan carab waagaas joogey sheegi karin, laakiin waxaa laga yaabaa gabay ahaan in ay dadku ka la awood badan yihiin oo maanso ahaan meelo badan oo Qur’aanka ka mid ah culays baa ku jira. Waxyaalaha uu Qur’aanku ka hadlo badankooda waxaa laga yaabaa in hortiis lagu sheekaysan jirey oo ay suuqa yaalleen oo nebiga ay uga baahnaayeen in uu maanso ahaan u curiyo keli ah sida in ay dadku ka soo jeedaan Aadan iyo Xaawa, in uu dadka shaydaan duufsado iyo in uu Eebbe jiro.

Waxaa laga yaabaa in ay qaar maskaxdooda la haystaa ku doodaan in xilligii Qur’aanka ay niman carab ahi sheegeen in uusan maanso ahayn, laakiin carabka sheegay in uusan maanso ahayn isagu maansoyahan ma ahaa? Carabkaas waxaa laga yaabaa in uu maansada u yaqiin nooca qasiidada oo ay tixda oo dhan meerisyadeedu isla eg yihiin, noocaas oo aan ahayn maansada carabta oo dhan. Xiliigii Qur’aanka waxaa jirey maanso “Sajci” la yiraahdo oo Qur’aanka aan laga garan karin, isla markaas maanta “Shicrul xor” oo ay carabtu tiriyaan waaba Qur’aanka oo la canjilayo. Waxaa intaas dheer in uu Qur’aanku meelo badan ku sheegay in ay carabtu nebiga gabyaa ku sheegi jireen oo Qur’aanka lagu ma sheegin carab nebiga gabyaanimo u diiddey, waxa ay ilmo adeertiis la noolaa ku sheegeenna maanta la ma diidi karo.

Nebiga 40 sano oo taariikhnololeedkiisii ka mid ah waa ay qariyeen wadaaddadii sooyaalkiisa qoray, qarintaasna kolley ujeeddo ayaa laga lahaa, laakiin 23 sano ayey adeerrradiis iyo ilmo adeerradiis oo weligood yaqiin murmayeen. In kasta oo ay wadaaddadu wax badan qariyeen haddana waxyaalo yaryar buu Qur’aanku sheegay sida in isaga oo agoon fakhri ah ahaa uu Khadiija qeni ku noqday. Fakhrinimada uu nebigu soo maray iyo colaadda isaga iyo adeerkiis iyo naagtiisa ka la dishey calaaqaad baa ka dhexeeya, waayo suraddu waxa ay Abuu Lahab ka abbaartay xagga maalka iyo kasabka oo uusan malaha nebiga ka sooryayn jirin, colaadduna ay ku taxan tahay. Waxa aan uga jeedaa in dadka Qur’aanka ku dhex murmaa ay ahaayeen dad wada ehel ah oo muddo is garanayey. Tusaale ahaan nebiga iyo Abuu Jahal isku da’aad bay ahaayeen, waxa ayna ku soo wada koreen tuulo ee bal qiyaas waxyaalaha 40 sano dhex mari karey oo nacayb ama saaxiibtinnimo ah! Nacaybka iyo cuqdaddu waxa ay ku xirnaan karaan galab ay wada ciyaareen oo uu Abu Jahal nebiga haraati xun caloosha kaga dhuftay. Sababaha taariikhdii nebiga loo qariyey waxaa ka mid ah in colaaddihii hore oo ay dadkiisa isu hayeen laga dhigo wax diinta la bilowday si taariikh kasta oo aan diinta ahayn meesha looga saaro, waana khiyaamo weyn oo ay wadaaddadu galeen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ciilka Soomaalida

Dad badan oo ay soomaaliyi ka mid tahay baa qaba in uu Qur’aanku xilligan ku habboon yahay wax dalalka dastuur ay ku dhaqmaan looga dhigo, aragtidaasina waxa ay cuskan tahay aamminaad uusan fakar la socon oo la iska rumeeyey kolley haddii uu hadalkii Eebbe yahay in uu sax yahay iyo in ay wax kastaa ku dhan yihiin. Wadaadka sheega in ay wax Qur’aanka ku dhan yihiin isaga oo aan meeshii uu fadhiyey ka kicin buu waxa uu oranayaa “Wixii aan Quraan iyo Sunne midna ku soo aroorin ijmaaca culimada iyo qiyaaska ayaa loo la noqonayaa!”, dadkuna ma ay awoodaan in ay ka fakaraan in uu isburiyey ee labadiisa hadalba xaq iyo khayr bay u haystaan, waayo maskaxda ayaa qufulan, maskaduna waa kitaabka wax kasta loo la laabto. Aamminaadda noocaas ahi aad bay uga danbaysaa tacliinta maanta jirta iyo waayaha, doodna ma aha in aad duddumo in ay ku sooryaynayso isaga ag fariisatid adiga oo ku murmaya in aad aammintey in ay ku soori doonto, dadka kale ku colaadinaya in ay duddumada ku la aammini waayeen.

Qur’aanku waxa uu sheegayo dadka dunida jooga badankoodu waa ay akhriyeen dantii ay rabaanba ha u akhriyeene, waxaana danaha loo akhriyo ugu liidata in laga aamminsan yahay aqoon aan ku qornayn iyo wanaag qaddarkiisa ka baxsan. Qur’aanku meel Xijaas dhaafsiisan in uusan ka iman waxaa laga qori karaa buugaag badan, carabtii allifteyna waxa ay ahaayeen kuwo bay’adooda aan weligood dhaafin oo taasna buugaag baa laga qori karaa. Anigu ku luggoyn maayo ee adigu ha islugoyn!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend