Quraanka Kariimka ah

Q

Haddii aragti middayda ka beddelan aad haysid adiga oo aan habaarramin oo aan dad caayin ama u hanjabin aragti xor ah ka dhiibo waxa aan ka hadlo, isla markaas waxyaalo ay dadku weligood maqlayeen ha ku soo celcelin ee wixii cusub ee aragti ah isku koob. Dood ma aha in aad sheegtid in ay Maka ku taal Sucuudi Caraabiya iyo in ay dad badani Qur’aanka muqaddas u arkaan. Dadka badankoodu in aysan caqli badnayn Qur’aanka laftiisa ayaa sheegaya ee ha ku meeraysan in ay Indunuusiya dad badan oo Qur’aanka rumaysani joogaan. Midda kale haddii aanan ku dilin, oo ku dhicin, oo ku caayin xaq u ma aad lihid in aad qof shakhsiyaddiis u gudubtid. Waa in aadan ka leexan qawaaniinta uu caalamku u doodo oo ah in aysan dadka doodayaa iscaayin ee waxa laga doodayo la isla qeexo. Haddii aad caytantid ogow in lagu caayi karo, haddii aad hanjabtidna ogow in la iska kaa dhicin karo oo aysan horornimo aad carab ka soo baratay waxba kugu kordhinayn.

Nin aan muslim ahayn baa hadda ka hor i weydiiyey muslimiinta badan oo dunida meelo ka mid ah ummadaha halligaya iyaguna is halligaya in ay u qarsoon yihiin wax aan Qur’aanka ahayn oo dartood ay dadku isu laayaan. Waxa aan weydiiyey in uu isagu Qur’aanka garanayo iyo in kale, waxa uuna ii sheegay in uu Qur’aanka akhriyey isaga oo aan carabi ahayn, uuna markii uu akhrinayey is lahaa bal eeg dadka isqarxinaya waxa ka danbeeyaa in ay indhaha caalamka sidaas gurracan u la dhaqmaan.

Waxa uu sheegay Quraanku kitaab ahaan in uu yahay qoraal yar oo aad u kooban, waxaana koobnaanta u dheer in uu hadalka soo celceliyo oo arrin kasta oo uu ka hadlayo uu boqollaal jeer ku noqnoqdo ilaa uu akhristuhu ka la garan waayo wixii uu soo akhriyey iyo waxa u laaban. Waxa kale oo uu sheegay mowduucyada uu ku saabsan yahay in aysan ka la gurnayn oo aysan jirin meel Quraanka ka mid ah oo loogu hagaagi karo in laga barto shaydaanka, Muuse iyo cadaabta ee ay suurad kasta oo ka mid ahi cadaabka ku saabsan tahay, in badan oo ka mid ahina ay Muuse siyaalo ka la duwan uga hadlayso. Ninkaaas waxa aan u sheegay intaas uu akhriyey darteed keli ah in ay waxa dad isku hoobanayaa u dhimanayaan, laakiin aanan rabin in uu Qur’aanka iiga sii sheekeeyo maaddaama aan ka badiyo oo halka uu isagu akhriyey hal mar oo turjumaad ah laga yaabo in aan anigu kun jeer akhriyey isaga oo carabi ah.

Markii aan intaas u sheegay buu ii sheegay in Qur’aanku uu xooggiisa ugu badan ku bixiyey in uu dadka cadaab ku bajiyo si isaga loo raaco oo la moodo marka uu dadka bajinayo in uu hal hadlayo dad aad u maangaaban, isla markaas uusan weligiis akhriyin qoraal ka iskhilaaf badan oo sida uu Qur’aanku isu burinayo oo kale isaga hor iyo dabo imanaya. Waxa aan weydiiyey in uu tusaale ka sheego meelaha iskhilaafaya, waxa uuna sheegay in uu Qur’aanku mar sheegayo in uu Eebbe rabo in ay dadka oo dhammi Qur’aanka raacaan, haddana uu aayadda ku xigta sheegayo in uu Eebbe dadka maskaxdooda daboolo si aysan Qur’aanka u raacin oo uu u cadaabo. Waxa uu intaas ku daray Eebbe marka uu sidaas u fakarayo oo uu dadka inta maskaxdooda daboolo cadaabayo in uu yahay denbiile weyn oo in isaga la cadaabo ku habboon haddii ay caddaaladi jirto. Waa aan isaga aammusay ninkaas dooddiisa, waayo in aan iska hadlo sida dadka qaarkood u ma badni, waxyaalaha uu sheegayna caddaymo beeninaya markii ma aan hayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Horta Qur’aanku in kitaab aad u kooban oo waxyaalaha uu ka hadlaa ay yar yihiin uu yahay qof caqli leh ama baaxadda aqoonta dadka wax ogi ka ma murmi karo oo been bay noqonaysaa in lagu andacoodo in ay waxyaalo badani ku qoran yihiin. Inta yar ee uu xanbaarsan yahay labo ayeynu u ka la qaadaynaa, waana inta adduunka ku saabsan iyo inta aakhiro ku saabsan. Labadaas waxaa badan inta adduunka ku saabsan, waxa ayna u sii ka la baxdaa in dad ku saabsan iyo in adduunyo kale ka hadlaysa, labadaasna waxaa badan inta dadka ka hadlaysa. Haddaba Qur’aanku dadka adduunka jooga sidee buu uga hadlay? Ka hadalkiisa dadku waxa uu u ka la baxaa qisooyin dad hore iyo dad joogey markii Qur’aanka la samaynayey, labadaasna waxaa badan inta ku saabsan dadkii Qur’aanka la xilliga ahaa. Haddii aynu ku hormarno qisooyinka hore waa qisooyinkii ku qornaa buugaagtii yuhuudda iyo kiristan oo carabi balaaqo fiican loo rogey, kutubtaasna waxaa la wada og yahay in ay yiilleen Maka iyo Madiina oo ay weliba akhrisan jireen dad nebiga u dhawaa sida Khadiija iyo Waraqa Nowfal.

Qur’aanku qisooyin aan hore loo hayn ma uu keenin, kuwa uu keenayna waa kuwo uu qofka carabka ahi si fudud u ogaan karey haddii uu rabo. Waxaa soo hartay qaybta ku saabsan dadkii Qur’aanka la xilliga ahaa oo ah qaybta Qur’aanka ugu badan, waxa ayna gebi ahaanteed ku saabsan tahay dadkii jasiiradda carabta joogey oo ahaa carab iyo yuhuud. Ruum haddii uu mar Qur’aanku carrabaabay waxa ay ka mid ahayd dadka ay carabtu aad u garanayeen oo Bariga dhexe ayey awooddoodu joogtey. Waxaa la isweydiin karaa haddii Qur’aanku uu rabey in uu dadka oo dhan khuseeyo oo uu Qureysh oo reer yar ah kaga hadlay boqollaal aayadood maxaa loo waayey aayad keli ah oo dadka Shiina ku saabsan, maxaa se khibradda Qur’aanka ku sargooyey waayo’aragnimadii uu nebigu heli karey? Markii aad su’aalahaas isweydiisid waxaa laga yaabaa in uu Qur’aanku kuu la ekaado duruufo dad oo xilli waayada ka mid ah ay dad meel gaar ah joogey ku dagaal galeen oo aan lagu hafri karin in uu dadka oo dhan u dhexeeyo, laakiin sidaas ha u fakarin ee adiga oo indhaha iyo dhegaha istiraya waxa aad rumaysaa in uu Qur’aanku ka yimid awood dadka ka sarraysa! Iimaanka oo dhan baa sidaas ah oo in uu qofku caqligiisa ka tago oo isdhiibo ah, laakiin haddii aynu caqligeenna ka tagno oo isu dhiibno maansooyinkii ina Cabdulle Xasan oo ku saabsanaa dagaallo beelo soomaaliyeed, wax yar oo uu carab ka ogaa iyo gumaysigii galbeed oo geyiga la joogey maxaa la dheefayaa? Muran ku ma uu jiro carabtii duruufaha Qur’aanka lagu dagaalgeliyey in ay dagaallo badan ku adkaadeen oo ay qaarado isaga gudbeen, laakiin ma taariikh mar sidaas u dhacday oo aan soo noqonayn baa ma se waa wax joogta ah oo weligeed lagu taammi karo? Duruufaha dadku waa waxyaalo maalinba heer maraya oo isla beddela maskaxda iyo wacyiga dadka horemarkooda ee ma aha wax ku qabbiran meel ay dad waayo hore dhintay dhigeen. Haddii dad dhintay duruufohood la isku xiro dad dhintay baa la noqonayaa, waana sababta keentay in kobocii maskaxda dadka ay ummado badani ka hareen oo ay caqli xumo u weheshadaan. Taariikhda waa la maraa ee la ma soo celceliyo, la mana soo celcelin karo oo waa mustaxiil in koobbi uu xilligiisii tegey sidiisii dib loogu isticmaalo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Quraanku maaha kitaab Saynis

Qur’aanka kariimka ah waxyaalo badan baa laga faa’iidi karaa, laakiin dad badani waxa laga faa’iidayo wax aan ahayn bay ku khasbayaan, waana denbiyo isaga laftiisa laga gelayo. Waxaa laga faa’iidayaa taariikh ahaan heerka ay dadkii uu ku dhex samaysmay joogeen iyo duruufo badan oo dadkaas khuseeyey. Sida uu qofka carbeed xilligaas u fakarayey ilaha laga heli karo ayuu Qur’aanku ugu weyn yahay. Waxaa laga faa’iidayaa in ay carabta waxa ugu weyn ee ka jirey ahaayeen aftahmada, Qur’aankuna uu taas carabta la jilay oo uu inta habkii qasiidada ee caanbaxay ka leexday isku shaandheeyey balaaqo kale oo sajci iyo siyaalo kale ah. Carabta casriga ahi markii ay maansadooda ka saareen habkii qasaa’idka oo ay galbeed kaga daydeen shicrulxor waxa ay badankoodu canjileen Qur’aanka oo maanta maansadoodu waa wax Qur’aanka u eg oo aan qaafiyad iyo miisaan tixda oo dhan socda lahayn ee sida Qur’aanka ay hal tixi leedahay dhowr habdhac. Ilaa maanta lagu ma murmo Qur’aanku in uu baliiq yahay, waana sababta keeni jirtey in ay carabtii aftahmada dhaqan ahaan jeclaa marka ay dhegaystaan iska rumayn jireen iyaga oo aan wax kale isweydiin. In uu Qur’aanku sheegay in aysan carabtu isaga oo kale samayn karin waxa ay mufasiriin badani ku fasireen in uu Eebbe ka leexinayo oo uusan waafajinayn in ay sameeyaan ee aysan ahayn in uusan Abuu Jahal samayn karin hadal la mid ah suuradaha Qureysh iyo Tabbad, waayo sida ay mufasiriintaasi sheegeen waa hadallo aad u sahlan oo aan carabta ku adkayn.

Waxa aan u malaynayaa qofku isaga oo muslim ah sidayda oo kale in uu waxyaalo badan isweydiin karo oo uusan ku khasbanayn in uu indhaha iyo dhegaha istiro oo anshaxa iyo horukaca dadka la colloobo. Waa dhibaato haddii uu qofku duruufo waayo fog ay bulsho yar oo caalamka ka mid ahayd mareen isku qufulo oo uu xilligiisa dadka nool wax la qaybsan waayo isaga oo ismoodsiinaya in uu taariikhda dib u celin karo. Soomaalidu waa in ay ogaadaan in ay ka mustaqbal fiican yihiin carabta badankooda, kana dal wanaagsan yihiin. Xilligii ay carabtu ina qufushey ma aynu haysan fursado aqooneed oo aynu isku difaacno, laakiin maanta waxa aynu heli karnaa in aynu baranno aqoon ka baaxad weyn kitaab yar oo la barakaysto, waxa aynuna qabsan karnaa waddo fakar oo aynu ummaddeenna madaxbannaani ugu hoseedno.

Wixii aan gefo iyo wixii aan saxaaba naftayda ayey ka ahaadeen ee shaydaan iyo Eebbe shaqo ku ma laha.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Maxamuud Xuseen
Maxamuud Xuseen
8 Bilood Kahor

hadii aad sidaa u aamisantahay Inuusan jirin Awood Sare, maxaad LA xiiqeysaa oo aad ugu mashquuleysaa Alle iyo Umadiisa, Wllkeeyoow Inoo daa Mida aynu Rumeysannahay ee Maanta iyo berri Ku saabsan, adiguna aynu kuu dhaafno Caqligaaga iyo Aqoontaada heerka Aay gaarsiisantahay, Mahadsanid.