Quraanku maaha kitaab Saynis

Q
Qolyaha aaminsan diinta islaamka waxay dadka ku wareeriyeen aragti odhanaysa Quraanka waxaa ku jira xaqiiqooyin cilmi ama saynis ah (الاعجاز العلمي للقرأن) taaso ah been aan sal iyo raadtoonna lahayn.
Marka ay leeyihiin quraanka waxaa ka buuxa xaqiiqooyin cilmi ah waxay niyada iyo naftaba u sheegeyaan been nasiino ah iyagoo si ku talo gal ah isu hilmaansiinaya farqiga u dhexeeya diinta iyo cilmiga ama sayniska. Diintu sida lagu qeexo waa farriin ka timi Illaah xagga sare fadhiya ujeedkuna yahay inay dadku raacaan farriinta hadalna aanay ka keenin, farriintaasi waxay isku deyeysaa inay sharrxado waxa loo yaqaan falsafad ahaan Metaphysics taasoo u baahan inaad aaminto oo keliya caqli iyo garashana aan lagu gaadhi karin.

Saynisku waa natiijo ka dhalatay baadhitaan dadku ku sameeyey dabeecadda iyo waxyaalaha dabiiciga ah iyo aqoonta ka dhalata baadhitaankaas oo ku dhisan i tus oo i taabsii. Furaha saynisku waa shaki iyo lafagurka fikradda iyo baadhitaano ka dhashay garashada aadanaha oo aan shuqul ku lahayn qolyo xagga sare fadhiya.

Diinta iyo cilmiga waxaa ka dhexeeyey halgan dheer waxaana cilmigu guulaystey markii ay meesha ka baxday awooddii kaniisaddu kadib halgankii fikriga ahaa ee loo yaqaaney (التنوير) guushaasi waxay meesha ka saartay mugdigii ay ku jirtey qaaradda Yurub ugu danbayn qarnigii 19aad. Diinta iyo cilmigu meel ma wada geli karaan.

Dadka muslimiinta ahi waxay isugu sheekeeyaan in wax kasta oo gaaladu ay horumar ka gaadheen xagga sayniska inay iyagu arrinkaa sii ogaayeen 14 qarni ka hor. Waydiintu waxay tahay haddaad arrinkan ogeyd muddo dhan 14 qarni oo uu ku qornaa kitaab afkaaga ku qoran oo aan xattaa turjumid u baahanyn maxaad u samayn waydey ama usoo bandhigii waydey oo gaalada ula sugeysey?

QORMO LA XIRIIRTA:  Macno-darrada sharka iyo masuuliyadda basharka

Haddii kitaabka quraanka ah waxaasoo cilmi ahi ku jiraan maxaa carabta horumarka ka hor istaagey? Diintu waxay u baahantay inaad aaminto, ku qanacdo wax waydiin ahna aanad ka keenin halka saynisku ku dhisan yahay shaki, baadhitaan iyo lafa gur joogta ah oo fikirkii maanta saxda loo haystey berrito isbedel ku iman karo halka diintu taagan tahay halkii ay taagnayd maalintii nebiga loo soo dhiibey.

Diintu waxay u baahntahay kuna taagan tahay oo keliya inaad aaminto, caqligii ayaa laga horraysiin aaminaad iyo wixii ka dhalanayey (ﺍﻹﻳﻤﺎﻥ ﻫﻮ ﺇﺫﻋﺎﻥ ﺍﻟﻌﻘﻞ ﻟﺤﻜﻢ ﺍﻟﻮﺣﻲ) taaso micneheedu yahay caqligu inuu u hogaansamo xukunka waxyiga, tusaale ahaan; Illaahay wuxuu yidhi dhulku waa fidsan yahay, aayadda sheegeysa dhulku inuu fidsan yahay waa inaad caqliga qaadsiisa xattaa hadii taasi been tahay waa inaad qiil kale u raadisa maadaama aan hadalka Illaahay beenoobi karin ama aanu ka hor iman karin sayniska waa siday aaminsanyihiine. Qiil raadintaasi waxay dhashay in aayadihii la saaro tafsiir aanay lahayn iyadoo niyadda lagu dhisanayo iimaankana lagu dhowranayo dib u dhaca dhan walba ahna loo nisbaynayo dadka, guusha dadka kalena lagu qabsanayo.

Waxaa kale oo jira in naska ama aayaddu ka mudan tahay caqliga(النص قبل العقل) qofka muslinka ahi wuxuu aaminsan yahay diin aan ogolayn adeegsiga caqliga hadana wuxuu ku leeyahay diinta cilmi baa ku jira gaar ahaan quraanka. Ujeedku waxaa weeye ha fikirn Illaahay baa kuu fikirey. Muslimiintu waa dad ay agtooda cay ka tahay adeegsiga caqligu waxayna ku caayan qofka caqligiisa adeegsada ereyga (عقلاني) oo macneheedu yahay  “qof caqligiisa adeegsada”.

Culimada tafsiirka kitaabka Quraanka ah sida Ibnu-Kathiir, Al-Tabari iyo Al-Qurdubi culimadaas oo luqadda carabiga si fiican u yaqaaney qayb waynna ku leh fasirka aayadaha quraanka ma sheegin aqoon saynis ah oo quraanka ku jirta, lamana iman waxa la yidhaahdo (الاعجاز العلمي للقرأن).

QORMO LA XIRIIRTA:  Xaqdarro

Ka tanaasulka adeegsiga garashada waxaa ka dhasha in la jabo, kadibna jabkaas xal looga raadiyo meel aan ahayn meeshii saxda ahayd, qolyaha horumarka ka gaadhey saynisku marnaba uma tiiriyaan horumarkooda awoodo sare ama diin balse waxay u qiraan qofkii ama kooxdi keentay aragtidan laga midha dhaliyey ee guusha keentay.

Dadka muslimiinta ahi waxay ku nool yihiin xaalad carruurnimo oo xagga garashada ah inay koraanna si ku talo gal ah ayay u diidan yihiin, Waa dad jecel hadii ay guulaystaan inay guushaa u nisbeeyaan Illaah xagga sare fadhiya haddii ay jabaanna jabkaas naftooda ama gaalada ayay ku eedeeyaan, waxaa loo baahan yahay in muslimiintu runta isu sheegaan oo maankooda adeegsadaan kana talo baxaan awoodahan aan muuqan ee asaagood ka reebay.

Quraanka kuma jiraan wax tilmaamaya saynis, Quraanku wuxuu ka kooban yahay hanjabaad, faan, aflagaado, ballan-qaad, dhaqan carbeed diimaysan iyo sheeko xariirooyin aad u tiro badan oo uu ka soo minguuriyay diimihii ka horreeyey Islaamka ee ka jiray bariga dhexe.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdullahi
Abdullahi
5 Bilood Kahor

Aad iyo aad, ayay iisoo jiidatay qormadaani sxb.
Guulayso.

W/Q: Khaled Hassan