Reer miyiga soomaalida iyo reer galbeedka

R
Reer galbeedka oo maanta loo arko dadka ugu horreeya aadamiga soomaalida magaalada iyo kuwa miyiga waxaa u dhaqan dhow kuwa miyiga ee bal aynu soo qaadanno dhowr waxyaalood oo ay iska shabbahaan reer miyigeenna iyo reer galbeed.

  • Reer miyigeennu waxa ay reer galbeed ka shabbahaan adayga jir ahaaneed iyo midka maskax ahaaneed oo xagga shaqada aad bay u dulqaataan, halka soomalida magaaladu aysan hawl yar xammili karin oo ay jiljilicsan yihiin jismi iyo dareenba.
  • Miyigeenna iyo galbeedka dadku been badan ma sheegaan oo qofku si daacad ah buu wax kasta u sheegaa, halka soomaalida magaaladu ay been badan oo aan laga xishoon isu sheegaan siiba marka ay faanayaan.
  • Miyiga iyo reer galbeed afkood iyo dhaqankooda aqoon bay u leeyihiin, halka dadkeenna magaalada joogaa aysan dhirta iyo xayawaanka dhulkooda waxba ka aqoon oo aysan af macne leh garanayn.
  • Galbeed iyo miyiga heeso ayaa lagu ciyaaraa siiba habeenkii, halka magaalooyinka soomaalida aan wax ciyaar dhaqan ah la samayn.
  • Reer miyigeenna iyo dadka galbeed makhaayad ka ma cunteeyaan jeer ay ogaadaan qiimaha cuntada, halka ay soomaalida magaaladu qiimaha cuntada isweydiiyaan marka ay cunteeyaan ka dib.
  • Galbeed iyo miyiga wax kasta waxaa loo wajahaa si dabiici ah oo uu qofku shakhsiyad leeyahay, halka magaalada soomaalida aysan dadku dabiici ahayn oo uu laalaabku badan yahay oo si aan xayi ahayn loo macaamilo.
  • Miyiga iyo galbeed dumarka iyo raggu shaqada reerka waa ay wada qabtaan, laakiin magaalada soomaalida haweeneyda keli ah baa guriga ka shaqaysa oo ninku debedda keli ah buu ka soo shaqeeyaa haddiiba uu shaqo helo, sida badanna raggu waxba ma qabtaan.
  • Galbeed iyo miyigeennu waxyaalaha asaasiga ah dadku iyaga oo yaryar bay bartaan sida magacyada roobka ee ka la duwan, nooleyaasha dhulkooda ku dhaqan, geedaha iyo cimilada, laakiin soomaalida magaalada waxa aad arkaysaa 60 jir aan garanayn ereyada ”Qurac”, ”Tuke” iyo ”Goroyo” oo ah waxyaalo ay 3 jirradu yaqaanniin miyiga iyo galbeedka.
  • Reer miyiga iyo galbeed dadku asal bay haystaan oo miyigeenna waxaa lagaga dhaqmaa waxyaalo soojireen ah oo xididdaystey, galbeedkuna asalkoodii fogaa ee beeraleyda u badnaa waxa ay mar hore uga wareegeen asal kale oo ah magaalo ay wacyi iyo ilbaxnimo sal lihi ka jiraan oo afka iyo dhaqanku ay hodan yihiin oo qofka joogaa uu dalkiisa oo dhan muraayad ka daawado, halka soomaalida magaaladu ay ka soo guureen miyi oo ay u wareegeen magaalooyin aysan ka jirin wacyi iyo ilbaxnimo ee la iska dhooban yahay daaro maran dhexdood.

Magaalada soomaalida dadka afkooda buugaag loogu ma qorin, af kale oo macne lehna ma ay yaqaannin, isla markaas shaneemooyin iyo tiyaatarro ay wacyigelin af oo weyni ka socoto ma ay laha, waxaana la moodaa in ay dadku u nool yihiin in ay cunto dhacday iyo qaad cunaan ama ay ag dhoobtaan wadaaddo wahaabiyo ah oo carabta uga sheekeeya, kuwaas oo aan soomaalida dan u hayn.

Carabtu aad bay u danbeeyaan oo wax lagaga dayan karaa ma ay jiraan, waxa ayna haystaan dhaqammo dhintay oo ay ka mid tahay liiditaanka dumarka oo ah in la baabi’iyo nus bulshada ka mid ah. Haddii ay ummadi mid kale wax ka soo xiganayso waa in kuwa wax laga baranayaa ay wax ku dhaamaan kuwa kale, waxaana maanta aad i nooga horreeya dad badan oo aan carab ahayn. Sida aynu dadka i naga horreeya raadkooda u raacaynaa ma aha in aynu afafkooda iyo dhaqamadooda sida ay yihiin u soo xambaaranno ee waa in aynu derisnaa sida ay u kobciyeen arrimohooda oo dhan, ka dibna aynu afkeenna iyo habkeenna nololeed ku dhisnaa aqoontii aynu ka helnay ummadaha kale innaga oo cid kale aan si indho la’aan ah u dabo damagsanayn. Tusaale ahaan sida sheekooyinka loo qoro ama riwaayadaha casriga ah loo sameeyo waa aynu ka xigan karnaa dalalka fanka iyo fakarka ku horreeya sida Maraykan, laakiin marka aynu sheeko ama riwaayad samaynayno waa in ay jawigeenna, nolosheenna, fakarkeenna iyo asalkeenna sawiraan ee aysan noqon filimo qalaad oo sidoodii loo soo raray. Taas macneheedu ma aha in curisyada ummadda lagu qufulo dhaqan hore oo gaboobey oo waa in la ogaado ummad kastaa in ay hadba xuubsiibato oo loo baahan yahay curiyeyaal dhaqan’abuurro ah. Tusaale ahaan qofkii maanta sheeko jacayl ah qorayaa waa in uusan dib ugu laaban sidii 1960 uu shukaansiga ummaddu ahaa ee waxaa habboon in casriga la joogo hummaag u qalma laga sameeyo. Hal’abuurku ma aha sawirro waxyaalo la isla garanayo laga dheego keli ah ee waxaa lagu beddelaa ama lagu koriyaa wacyiga iyo dareenka bulshada, sidaas darteedna dadka hibada lihi waa in ay la yimaadaan jihayn cusub oo heerka la joogo heer kale looga guurayo, taas oo noqon karta in dhaqanka la haysto hal’abuurka wax lagaga beddelo. Gudniinka gabdhaha, musuqmaasuqa, qaadka, wahaabinnimada, qabyaaladda, akhris la’aanta iwm waxa ay ka mid yihiin waxyaalo badan oo u baahan in hal’abuur fanaysan wax lagaga dooriyo, waxaana loo baahan yahay in ay dadka wax curin karaa naftooda huraan oo ay iskood isu xilqaamaan, waayo ma jirto bulsho hal’abuurka iibsata iyo dowlad fangaraysaa oo haddii aysan dad iskood isugu xilsaarin waa hawl baylah ah. Maanta hal’abuurka soomaalidu wax dhiirrigelin ah ma haysto oo waxaa laga yaabaa in curiyaha ama qoraagu uu la kulmo in la caayo ama la xasdo iyo waxyaalo uusan mudnayn, waayo garaadka dadkeenna ayaa gaaban, taasna waxaa lagaga gudbi karaa dulqaad badan iyo in aan dadka maanta jooga lagu mashquulin ee wax loo qoro dad aayaha danbe dhalan doona.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo dirray!

Waxyaalaha la hubo waxaa ka mid ah in haddii ay soomaalidu afkooda ereyadiisa iyo cabbiraadihiisa qoraal geliyaan ay noqon doonaan ummad nasiib badan, waayo afkani xagga hal’abuurka iyo kalmadaha waa af yaab leh oo si kasta hodan u ah oo aan lagu gaareyn maansada iyo xeeldheerida dhadhankiisa, waxaana ku hadla dadka Afrika ugu dhul ballaaran marka laga reebo carabta. Nasiib darro sida uu khayraadka kale ee dalku u dayacan yahay buu afkuna baylah u joogaa oo dowlad la’aanta waxaa ka daran indheergarad la’aanta aysan jirin mufakariin dhaqan oo afka iyo hiddaha ku nuuxnuuxsadaa. Waxaa la sheegaa in ay soomaalidu degaan meesha dunida ugu istiraatiijisan oo ay ka mid tahay ummadaha yar oo ay wax kastaa ka dhexeeyaan ama sifo kasta wadaaga oo dhulkoodu uu yahay dhulalka dunida ugu khayraadka badan oo cimiladoodu ay tahay midda caalamka ugu wanaagsan, waxaas oo nimcooyin ah se waxaa ka weyn oo aan aad looga hadlin in uu af soomaaligu yahay malaha afka ugu cabbiraad qurxoon afafka dunida. Soomaalidu qoraalka aad bay ugu danbeeyaan, ha se yeesho ee waa dad aad afka uga maansooda, waxaana ilaa hadda u daabacan labaataneeye diiwaan oo maanso ah, hal’abuurka aan qorraynina waxa uu ku boqol jibbaarmaa midka qoran. Waxaa la tuhmi karaa in ay soomaalidu carabta oo dhowr iyo labaatan dalka ah ka maanso badan tahay, waayo gumaysigii reer Yurub markii uu dunida qabsaday dhulka soomaalida keli ah buu u bixiyey ”Dhulkii maansada”. Sidaas oo ay tahay carabta afkoodu waxa uu qornaa xilli dheer oo waxaa u qoran maansooyin la tiriyey labo kun oo sano ka hor, halka maansada soomaalida ee la hayaa aysan labo qarni dhaafsiisnayn. Carabtu waa ay inaga maansooyin dheerdheer yihiin oo marmar bay tiriyaan tix kun meeris ka badan, laakiin waxa aan tuhmayaa in ay xagga cabbiraadda maansada soomaalidu xeeldheer tahay, waayo sida badan maansada carabtu waa hadal toos ah oo ereyada wax lagu cabbirayo iyo waxa la sheegayaa waa ay isleeyihiin, halka maansada soomaalida ay ka buuxaan ereyo aan tooskii ay afka ku lahaayeen ahayn ee si kale ah. Tusaale ahaan nin soomaali ah baa waxa uu rabey in uu gabay ku yiraahdo sidan:

”Qofkii aysan sokeeyihiis u hiillini had iyo jeer ma aargudan karo. In kasta oo uu nin taxaddar iyo digtooni badan ahaa meel uun buu la’ yahay. Tabar ma uu hayo xataa haddii uu nin kibir badan ahaan jirey”. Hadalkaas oo gabay ahi waa kan hoos ku qoran:

Qofkii gacalkii dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e
In kastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane
Danba wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jirayeKhaliif shiikh Maxamuud

Ereyada ”Dhoollo”, ”Dhufaannaan” iyo ”Dhoor” midna meesha ugu ma uu jiro macnihiisii tooska ahaa ee uu afka caadiga ah ku lahaa, waayo ”Dhool” waa ilig, ”Dhufaannaan” waa xaniinyo la’aan oo ”Dhoor” waa timo madaxa sare lagu reebo inta geesaha la xiiro. Meeriska af soomaaliga ahi afar arrimood markii uu isku darsado dhadhan fiican buu yeeshaa. Labo waa asaasi oo haddii uusan wadan maanso ma uu noqonayo, waana miisaanka ama dheellitirka muusigga ama ruxanka hadalka iyo qaafiyadda oo ah hikaadda in uu xaraf ku socdo. Labadaas in uu meerisku yeesho dad badan baa samayn kara oo xataa in la barto ayaa la isku deyi karaa inta shaqallada la tiriyo. Labada kale kuwaas waa ay ka dhadhan durugsan yihiin, waxa ayna ka la yihiin cuddoonaanta isku dhafnaanta hadalka oo ah sir xeeldheer oo uusan dhadhankeeda shishe heli karin ama isku dhafi karin qof aan maansoyahan fiican ahayni iyo ereyada oo isticaaro lagu sameeyo oo loo raro rugo ka geddisan halkii nolosha caadiga ah loo adeegsan jirey. Xagga cuddoonaanta waxaa laga yaabaa in aysan dad badani dareemi karin oo meerisyada cuddooni aysan dareenkooda uga duwaneyn kuwo aad u jilicsan oo ay hadalka ujeeddada ka raacaan, taasina waa dhib gaar ah oo qofka maansooda haysata mar haddii aysan cidi la dhadhansanayn waxa uu dareemayo. Waxaa laga yaabaa qofka maansoyahanka weyn ah meerisyo la cuddooni in aysan bulshada caadiga ah dareen u yeelan, halka ay iyaga meerisyo aan cuddoonayni aad u saameeyaan, waxa aynu isbarbar dhigaynaa meerisyo aan cuddoonayn, laakiin bulshada guud wada saameeyey iyo kuwo cuddoon oo dadka maansooda qaarkood keli ah taabtay ee hoos u eeg!

Dugsi ma leh qabyaaladi wax ay, dumiso mooyaaneCabdullaahi Suldaan Timacadde

Meeriskaaasi qofka maansooda la ma uu cuddoona oo waxa uu dareemayaa qaafiyad iyo miisaan keli ah, laakiin bulshada caadiga ah waa meeriska ugu hadalhaynta badan, waayo dadka badankoodu maansada cuddoonaan ka ma dhadhansadaan ee fartiinta ay siddo ayey xanbaaraan oo isu tebiyaan, waxaana meerisyada bulshoweynta aad iyo aad ugu faafay oo aan cuddoonayn ka mid ah

Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye Cali-Dhuux Aadan Goroyo

Waxaa laga yaabaa marka aan meerisyada cuddoon soo qaato in aad yaabtid oo ay kuugu dhadhami waayaan sida ay kuugu dhadhamayeen kuwa aynu kor ku sheegnay in aysan cuddoonayn, taasina waa ka la sarraynta dareenka dadka ee xagga maansada ee ma aha in aad sidaada kale nacas tahay, maansaduna waa wax yar oo ka mid ah nolosha. Meerisyada soo socda nin baa raba in uu yiraahdo ”Dhimashada ka ma taxaddaro ninkii uu ciil ka buuxaa oo sababta geeridiisa ayaa toos abbaarta”

Wedka ka ma banbaansado nin ay, sharadi buuxdaaye
Bixisada haddiisa ah wax baa, lagaga beegaaye Faadhfaadh

Marka la leeyahay waa meeris adag ama cuddoon looga ma jeedo in uu ka kooban yahay ereyo qariib ah oo aysan dadku wada garanayn ee waxaa looga socdaa cufnaan gaar ah oo uu hadalka qaarkiis wato, qaarna uusan wadan. Cufnaantaas haddii la wada dareemi karo dadka oo dhan baa wada maansoon lahaa, waana sirta dhabta ah ee maansada. Meerisyadaas Faadhfaadh qofka maansoyahanka ah dareenka fog oo ay taabsiinayaan ku ma uu gateen malaayiin doollarka maraykanka ah, sidaas darteedna bulshoweynta iyo maansoyanku isku waddo ku ma socdaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamka iyo xorriyadda qofka

It may be that when you take a few patches to surprise, they will not taste as you tasted above those that we mentioned above are uncomfortable, that is to say the feeling of humorous people and not the other idiot, is a little of life. The following papers man wants to say: “Do not worry about the death of the man who is full of death and why his death goes directly to the victim”

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend