Ribadu ma ganacsi xun baa?

R
Sida ku soo aroortay aayadda 275aad ee suurada Al-Baqara, ganacsatadii carbeed ee la nooleed nabi Maxamed ka dib markii lagu yiri ka joogsada ku dhaqanka ribada, ay ku andacoodeen in ”Ganacsiguba uu yahay sida Ribadda uun”.

Inkastoo Quraanka laftiisuba ku diidin arrinkaas kuna se raacin, hadana waxaan filayaa in muhiim tahay bal in lafaguris arrinkaas lagu sameeyo, si looga sal gaaro run-ahaan-shiyaha arrinkaan.

Hadaba si ay taasi noogu suurtagasho, waxaa lagama maarmaan noqoneyso inaan bal marka hore isla fahanno labo arrimood , kuwaas oo kala ah Ganacsi iyo Ribo, si markaa kadib aan u kala ogaanno in ay isku mid yihiin iyo in kale.

Waa maxay Ganacsi/Trade?

Dabcan dab badni ganacsigu wuxuu ula muuqdaa wax aad u adag fahankiisu, balse hadaad u fiirsato, ganacsigu gabi ahaantiisba wuxuu isugu soo aruuraa uun ”wax wax kale lagu badashay”, waa laba qof ama koox oo uu midba midka kale waxa uu heesto kaga badalanayo waxa uu rabo inuu helo. Tusaale ahaan, Garaad wuxuu heystaa kiilo digir ah, Jimcaalane kiilo galleey ah, Garaad waxaa ka maqan uu baadi goob ugu jiraa kiilo galleey ah, halka Jimcaale uu aad ugu baahan yahay kiilo digir ah, haddii Garaad iyo Jimcaalo ay kala badashaan kiilada digirtaa iyo galleyda, halkaas waxaa ka dhacay ganacsi. Ganacsigana tusaalahan ayaa so koobay.

Waa maxay Ribadu?

Ribada iyadoo fududi waa saddex nooc middood;

  1. In labo wax oo isku nooc ah balse kala badan la isku badasho.
    Tusaale; kiilo bur ah oo lagu badasho labo kiilo oo bur ah.
  2. In laba wax oo isku nooc ah la isku badasho iyadoo isku badalashada labada shay aysan waqtigaas la joogo dhacayn.
    Tusaale; in kiilo digir ah lagu badasho kiilo digir ah balse bisha dambe ay soo go’ayso.
  3. In labo wax oo kala duwan la isku badasho balse isku badalashadu aysan markaa dhicin.
    Tusaale; in kiilo bur ah lagu badasho kiilo galleey ah balse aan hadda diyaar ehayn, oo la bixin doon bil ka dib.

Kadib markaan ka soo faraxalanay waxa Ganacsi ama Ribo ay yihiin, hadaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, ribo iyo ganacsi ma wax kala duwan baa mise waa sidii ay odayaashii carbeed ku andacoonayeen “isku mid”?

Sida muuqato oo aan kor ku soo xusnayba, haddii gancsigu yahay uun ”wax isku badalasho”, ribaduna tahay qaab ka mid ah ”wax isku badalashada”, hadaba halkaas soo kama dhalaneyso in Ribadu tahay nooc ganacsiga ka mid ah uun, sidaa awgeed sow ma dhihi kareeno odayaashii carbeed kuma aysan qaldaneen inay ku andacoodaan “Ribadu waa ganacsi”.

QORMO LA XIRIIRTA:  Abuurka yaa halleeyey?

Balse su’aasha ah ribadu ma ganacsi wanaagsan baa mise waa ganacsi xun, waa arrin ka baxsan xeendaabka qormadaan, oo iyana u baahan in la is dul taago waqtigeeda, ujeedka qormadaan kaliya wuxuu ahaan inaan bal baarintaan ku sameyno in ribada iyo ganacsigu kala duwanyihiin iyo inkale, sida muuqatana waa uun wiil iyo aabihii.

Hadaba maxaa ku jaban saddaxdaa nooc ee ganacsi aan kor ku soo xusnay?
Si aan u fahanaa in saddaxdaa ganacsi ay yihiin ganacsiyo xun iyo in kale, waxaan u bahaannahay marka hore inaan fahanno ujeedka ay dadku u ganacsadaan, ama si kale hadaan u dhigo, ay badeecooyinka isku weydaarsadaan.
Maadaama uu aadanahu leeyahay baahi aan dhamaan, sidoo kalane uusan jirin qof qura oo soo saaran karo wax walbo uu u baahanyahay nolosha, taas waxay qasabtay in dadka, si ay baahiyadooda kala duwan u daboolaan, ay waxa ay heestaaan is weydaarsaan ama isu badalaan.
Hadaba wax isku badalashooyinka soo socda ay wadaadadu u yaqaanaan ribo ma kuwo u adeegaya buuxinta baahiyaha bulsho ee kala duwan baa, mise waa kuwo wiiqaya? Xumaanta ku jirtaana maxay tahay?

Kow; in laba qofi ay isku badashaan laba walxood oo isku mid ah aanan waxba ku kala duwaneen, waa maxay danta iyo faa’iidada ku jirtaa aan ka eheen waqti iyo tamar lumis, haddii isku badalasho ka dib ay joogaan meeshii ay joogeen isku badalshada ka hor. Sababta kaliya ay labo qof wax isku weydaarsadaan waa in mid walbaa uu dareemaayo in midka kale uu heeysto wax isaga ka maqan, hadaba waxaad is weydiisaa waxa ku jaban in qofkii ku badasha wuxuu heesto wax uu qof kale heesto oo isna raadinaya waxa uu qofkaa kale heesto. Tusaale ahaan Garaad iyo Jimcaale waa labo beeraleey oo labaduba beerta digir, balse digirta Garaad waa digir (sababtey doontaba ha ahaatee) ka dhadhan iyo tayo wacan tan Jimcaale, oo marka labadooduba ay suuqa la yimaadan digirtooda, dadku waxay jecel yihiin inay badeecooyinkooda ku badashaan digirta Garaad maadaama ay u arkaan in uu ka digir macyahay Jimcaale, hadaba haddii Jimcaale uu go’aansado inuu bal digirta Garaad uu dhadhamiyo, deedna u yimaado Garaad uu ka dalbo in labo kiilo digirtiisa ah kaga badasho kiilo tan Garaad, isku badalashadaasne ay labadoodu ku qanacsan yiihiin, bal waxaad inoo sheegtaan waxa ku jaban in ganacsigaas uu dhacaaa? Waa maxay sababta ay tahay in labo wax -magacey doonaan ha wadaagaane- oo aan isku tayo ehayn isku qiimo laga dhigaa, oo haddii la damco in la isku badasho ay tahay in si siman la isku badashaa?

QORMO LA XIRIIRTA:  Booqashada dhagaxa madaw

Labo; si aad u fahanto nooca labaad ee ribo, waxaad ka soo qaaddaa in Garaad iyo jimcaal ay markaan labadooduba beertaan digir isku nooc iyo tayo ah oo aan wax ay ku kala duwan yihiin jirin, kaliya kalkaan Jimcaale digirtiisa ayaa soo horgo’day tan Garaadne waxay soo go’i dontaa barri, balse maanta Garaad digir wuxuu haystay oo dhami way ka dhamaatay, oo xitaa digir uu cuno mehaysto, si uu u helo digir buu u yimid Jimcaale, kana dalbaday inuu siiyo kiilo digir ah si uu ugu soo celiyo isla kiiladiisii barrito, ama xitaa uu u ballan qaado inuu soo celinaayo kilo iyo bar, hadaba waxaad isweydiisaa waa maxay waxa ku jaban oo ay tahay in ganacsiga noocaas ahi la hor istaagaa?.

Saddex; nooca saddaxaad ee ribo iyaduna waxba kaga ma badalna nooca labaad aan ka ehayn in waxa la isku badalanaayo ay kala duwan yihiin uun, sida in Garaad uu kalkaan beerto galleey halka uu digir ka beeran jiray, Jimcaalane wali digirtiisii sii beerto, basle Garaad galleydiisii wali ma soo go’in wuxuuna u baahan yahan inuu digir helo, si taas ay ugu suurta gasho wuxuu u yimid Jimcaale isagoo ka raba kiilo digir ah, si uu marka ay galleydiisu soo go’do kiilo galleey ah ugu badalo kiilada digirta ah, hadaba mar labaad waxaad is weydiisaa xumaanta ku jirta in ganacsiga noocaasi ah dhaco?

Hadaad wadaadada ku xeel dheer arrimaha diinta waydiiso sababaha loo xaarantinimeeyay ganacsiyada kor ku xusan ee ribada loo yaqaan, waxay ku leeyihiin waxaa laga hortagayaa dulmiga iyo caddaalad darrada ku duugan ganacsiyadaas, hadaba aqristow waxaad is weydiisa saddexdaa nooc ganacsi ee aan kor ku soo xusanay ma kaaga muuqdaan dulmi iyo caddaalad darrada lagu sheegay? haddii ay jawaabtaadu tahay haa waan jeclaan leheen inaan nala wadaagto runtii si aan kaaga faaiideysano?

Sida muuqato, dad badanina laga yaabo inay hadda isweydiinayaa sababta, kama aanan hadlani nooca ribo ee dad badani yaqaanaan ee gasha lacagta, sababta aanan uga hadlin ribada noocaas ahna waxaa loo celin karaa labo arrimood oo kala ah:-

  • In aysan waxba kaga duwanayn kuwa aan kor ku soo xusnay, mar haddii aad fahanto waxa ay tahay lacagta.
  • Maadama ay fahan darro aad u ba’an ka jirto waxa lacagi ay tahay, oo u bahaan in marka hore la soo lafaguro ka hor inta aan loo imaan ka hadalka ribada lacagta, taas oo aan ugu tala galay inaan uga hadlo qormooyin u gooni ah.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments