Ri’da dambiyada

R
Degeladeena marka ay colaad ka aloosanto, cudur dilaaco ama abaaro dhacaan oo ay umadu dhibaatooto boqol jeer baad maqashaa wadaad meel iska taagaya oo leh, “dumarkii oo xijaabka ka tagay ama heesaha la dhagaysanayo baa u wacan abaaraha iyo dhibaatada!”

Wax lala yaabo ma’ahan midaa waayo sooyaalka uumiyaha markaad u fiirsato waa wax soo jireen ah oo ay taariikhdu xusto waxayna ka mid tahay hab-fikirka uumiyaha sida cilmi-nafsiguba uu xaqiijinayo. Waxaa loo yaqaanaa scapegoat ama scapegoating.

Magaca scapegoat (ri’da dambiyada) wuxuu ka yimid in uu sooyaalku xuso yahuudu in ay lahaan jireen dhaqan ah in labo ri’ inta la soo qabto midkood eebe dartii loo gawraco midna wadaad diimeed intuu dambiyada bulshada dhan dusha ka saaro magaalada laga bixin jiray oo saxaraha loo bixin jiray!

Waxay aaminsanaayeen in haddii dambiyadoodu ay ri’du ka qaado oo ay bulshada ka dhex saarto ay nimco iyo badhaadhe galayaan oo dhibaatada iyo cudurada iyo abaarta haysato ay ka baxayaan!
Arinkaa ah in dambiyada bulshada la saaro qof ama neef kadibna la baxsho ama la qalo qofkaa ama neefkaa ma’ahayn wax yahuudda gaar ku ahaa ee xadaarado kale sida ta Greek-ga iyo ta Syrian-kaba way ku dhaqmi jireen.

Sidoo kale diinta kristaanka ee adduunka ugu badan maanta ayaaba qaab scapegoating camal ah ku dhisan oo dambigii oo dhan inta ciise dusha laga saaray waata la yiri dambiyadeena ayuu u dhintay dhimashadiisana jano ayee inoo horseedee!

Sooyaalka markaad si fiican u dhugatana arrinkaa dambiyada dusha laga saarayo wax bilaa dambi ah kadibna la leeyahay haddii waxaa ay meesha ka baxaan jannadii baa adduunka inoogu imaaneysa waa arrin meel kaste taala oo bulsho kaste ay si ugu dhaqanto.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhalinyaro shakisan miyaa?

Tusaalaha ugu caansan waa tii Hitler markii uu u soo baxay jarmalka oo dagaalkii koobaad ee adduunka markaa loogaga adkaaday oo dhibaatooyin badan ay wajahayso uu yiri dhibta dhan waa yahuudda haddii meesha laga saarana wax walba way hagaagayaan isaga oo ka dhiganaya yahuudda Ri’diisa dambiyada!

Marka haddii si dhab ah loo hadlo, dumar bilaa xijaab ah iyo heeso la dhagaysto abaar iyo colaad ma keenaa? Waa maya! Waayo haddii ay keenaan, adduunka muslimka ma’ahanee inta kale waa bilaa xijaab ee abaar may u la’daan waa kuwaa barwaaqada dhax fadhiyee!?

Haddii maanta dumarkeenna loo wada xijaabo heesahana la wada joojiyana jannadii adduunka inoogu imaan mayso, dhibaatada wadankeenna haysatana ku xallismi mayso in aan ri’dambiyeedyo samaysano oo taasi uumiyaha kalaba wax way u tari wayday!

Xalka wuxuu ku jiraa uun in dhabaato kasta meesheeda loogu tago oo waxa ay salka ku hayso si daacad ah loo dhuuxo kadibna la xididdo siibo. Colaadda in lagu eedeeyo qabiilka iyo qabqablaha iyo wadaad xumaha abaartana lagu eedeeyo dhirta la xaalufinayiyo is-xilqaamid la’aanta masuuliyiinta!

Far-fiiq iyo eedeyn kadibna waa in umadda wax la baro, hosbitaalo la dhiso, aduunkana lala jaan qaado ayada oo lagu eegayo indho caafimaad qaba oo kala yaqaana Ri’ dambiyeedyadiyo dambiilayaasha runta ah. Iyo in Ri’da maskiinta ee bilaa dambiga ah xariga laga furo oo daalimiinta dhabta ah lagu xidho.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments