Runtu meel walba waa ku run!

R
Haddii qolo aanan aaminsanayn cuf-is-jiidadka iyo qolo aaminsan ay doodaan, waxaa la samayn karaa in inta la kaxeeyo la geeyo daar aad u dheer dusheeda halkaasna laga soo tuuro dhamaantood, sidaasna ay ku geeriyoodaan. Aaminaaddoodii iyo aaminaad-la’aantoodiina wax macna ah samayn mayso, waxbana ka badali mayso saamayntii cuf-is-jiidadku lahaa. Cuf-is-jiidadku waa xaqiiq ka madax banaan aaminaaddeena, aaminaad-la’aanteena iyo xattaa jiritaankeena, sidaasi daraadeedna waa xaqiiq aanan ku koobnayn maankeenna, si innaga madax-banaan u jirta (Objective reality), meel walba oo aynu tagnaana ay saamaynteedu jirayso.

Haddiise qolo aaminsan Allaah iyo qolo aanan aaminsanayn ay doodaan oo aad isku daydo in aad u habayso hab-tijaabeed aad ku kala saarto waxa ay doontaba ha ahaatee, soo heli maysid wax dhaafsiisan maskaxdooda iyo sharaxaaddooda shaqsiga ah. Waxa hubaal ah in halkaasi ay kasii dhalanayaan su’aalo iyo sii-kala-qeybsanaan hor leh. Sidaasi daraadeed, ma jirto hab sugan oo ka madax banaan aaminaaddeenna iyo aaminaad-la’aanteena (Objective reality) oo ilaaha Allaah la yiraahdo loo qeexi karo. Wax kalaba iska daaye, ilaaha Allaah la yiraahdo Nabi Maxamed la’aantii lama garteen oo magaca Allaah iyo luuqadda Carabiga lama huwiyeen. Haddaba arrinta Allaah waa wax ku kooban hab-fakarkeenna iyo aragtideenna (Subjective reality).

Toban lagu daray toban in ay labaatan tahay waa mid ka madax banaan waxa aad aaminsantahay iyo halka aad ku nooshahay. Haddaba ma jirto hab sidaasi oo kale ah oo ilaaha Allaah la yiraahdo lagu qeexi karo. Haddii uu Allaah nin Soomaali ah wakiil kasoo dhigan lahaa, waxaa hubaal ah in magacyada Allaah ee hadda Carabiga ah ay Soomaali noqon lahaayeen, dhulka Soomaaliyeed meel ka mid ahna ay noqon lahayd meel barakaysan iyo in Qur’aanka uu ahaan lahaa Afsoomaali. Haddii uu Allaah nin Shiinays (Chinese) ah wakiil kasoo dhigan lahaa waxaa sidaas oo kale maanta loo xajiyi lahaa Dhul Weynaha Shiinaha, Quraankana Afshiinays baynu ku dareerin lahayn. Gunaanadku waxa uu yahay in ilaahyadu aysan dhaafsiisnayn malaheenna, maankeena iyo suuraysashadeena.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilaahay iyo dadka kee wax abuuray?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Azia maxamuud
Azia maxamuud
10 Bilood Kahor

Guuleeed aragtiyooyinka aad qortay way na sixreen xataa erayada aad adeegsanayso ayaaa aad u culusba ?

Wanaag
Wanaag
9 Bilood Kahor

Waa qoraal cajiib ah Mahadsanid ugaas

W/Q: Gallad Gurxan