Saadaashii dhabawday ee Daarwiin

S

Gobol kasta oo aduunka ka mid ah, naaslayda ku nool waxa ay kasoo farcantay noole kale oo dabar go’ay kaasoo isla gobolkaas ku noolaa, sidaas daraadeed, waxaa dhici karta in Afrika uu ku noolaan jiray noole daanyeer oo kale ah (Ape) kaasoo dabar go’ay aadna ugu dhawaa Gorilla-ha iyo Chimpanzee-ga, maadaama labadan noole yihiin labada noole ee noogu dhaw nooleyaasha maanta jooga, waxaa wax iska cad noqonaysa in noolihii aan kasoo wada farcannay uu ku noolaa Afrika marka loo barbardhigo dhamaan gobollada kale ee aduunka. Laakiin muhiim ma ahan hadda in aan qiyaasno mowduucaan, maadaama noole daanyeer oo kale ah una weynaa sida dadka oo kale, laguna magacaabi jiray Dryopithecus of Lartet aadna ugu dhowaa muuqaal ahaan Hylobates uu ku noolaa Yurub intii lagu guda jiray xilligii Upper Miocene; iyo in sidoo kale waqti dheer dhulka uu soo maray isbadalo waa weyn, uuna jiray waqti ku filan in hayaan midka u weyn dhaco.
~Charles Darwin 1

Darwin marka uu qoraalkan qorayay (1871) lama heyn wax dhagaxan ah (fossil) oo khuseeya noolihii ay kasoo farcameen dadka. Qoraalkiisa waxa uu ku salaysnaa oo kali ah aragti iyo u fiirsasho iyo in labada noole ee aan aadka iskugu dhownahay ay Afrika ku noolaayeen, marka uu Darwin qorayay qoraalkan waa ay yarayd in cilmi baare uu ku dhiirado in uu u baaritaan tago Qaarada Afrika. Waxaa arintan ahmiyad la siiyay qarnigii 20 aad, markii uu Raymond Dart helay dhagaxan (fossil) dad u eke ah loona yaqaano Australopithecus africanus (Sawirka hoose eeg), waxii intaaas ka dambeeyay kana bilaabato 1925-tii waxaa bilaabatay in lagu yaaco Qaaradda Afrika si wax looga ogaado halka ay dadku kasoo farcameen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muxuu ka aaminsanaa nabi Maxamed ugxanta dumarka?

Marka aad u fiirsato sida uu Darwin wax u saadaaliyay waxaa kuusoo baxaysa in Darwin u ekaa sidii wax loo waxyoonayay oo kale, waa hadalkan oo kale hadalka aan ka fili lahayn awood sare oo waxbadan og.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. (The Descent of Man: On the Birthplace and Antiquity of Man)
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments