Samiiriyaanka (Sumerians)

S
Dadkii la oran jiray Samiiriiyaanka oo la sheego todobo kun oo sannaadood ka hor in ay degganaan jireen dhulka u dhexeeya labada wabi ee Tigris iyo Euphrates ama Mesepotamia (waa dhulka aynnu maanta u naqaan Ciraaq, Kuwayt, qayb ka mid ah Sucuudi Carabiya, bariga Siiriya iyo koonfurta Turki) ayaa waxa la sheegaa in ay ahaayeen dadkii u horreeyay ee laga bartay fikradda Ilaahnimo. Dadkaasi waxa ay ahaayeen dad ilbax ah oo waxa ay degganaayeen magaalooyin la sheego in ay middiiba ku dhaqnaayeen dad gaaraya illaa labaatan kun oo qof. (Sida aynnu ka warqabno erayga Af-Ingiriisiga ah ee ‘Civilization’ waxa uu asalkiisu ka soo jeedaa ‘City’ oo magaalo ah).

Dadkaasi waxa ay caabudi jireen Ilaahyo dabeecadaha bani’aadamka oo kale leh, sida in ay is guursadaan, in ay is laayaan, in ay is jeclaadaan iyo in ay carruuro dhallaan. Waxa ay rumaysnaayeen colaadaha, fatahaadda iyo cuduradu in ay caro Eebbe yihiin, si Alle loo raalligaliyana culimada ayaa dadka xoolo ka soo aruurin jirtay, dabadeedna waxaa lagu dhisi jiray guryo waawayn oo macbadyo ah, guryahaasna waxaa loo yaqiinay ‘Guryihii Ilaahay.” Dadkaasi waxa ay aad u qadarin jireen wadaadada oo ay u arkayeen dhashii Eebbe, inkaartoodana aad ayaa looga baqi jiray. Dadka iyo Illaahay iyaga ayaa u dhaxayn jiray oo mar walba u kala warrami jiray. Markii uu Eebbe caroodo culimada wajogooda ayaa laga garan jiray, markii uu faraxsan yahayna colooshooda ayaa laga garan jiray. Culimada waxa ay ahaayeen dad aan shaqo ka dhicin oo had iyo goor macbudka ayay iska dhex fadhiyi jireen. Xoolaha ay dadka shaqaystaa Eebbe siiyaan ee Sadaqada la yiraahdo ayayna Eebbe la masruufan jireen oo noloshooda iyo tan xaasaskoodaba ku dabari jireen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sooyaalka curisyada Giriigga iyo Roomaanka

Samiiriyaanku waxa ay ahaayeen dad xaddaarad leh oo wax badan dunida ku soo kordhiyay. Waxyaabihii ay soo kordhiyeen waxaa ugu mudnaa qoraalka oo waxaa la sheegaa in ay ahaayeen dadkii laga bartay dhigaalka. Fartooda xarfo ama Alifbeetada waxa loo yaqaanno ma aysan lahayn balse waxa ay lahayd calaamado lagu dhawaaqi karo oo ka fudud sawiradii dhibta badnaa ee ay dadkii hore adeegsan jireen. Dadkani waraaqo ay wax ku qortaan ma aysan aqoon, balse dhoobo la simay ayay wax ku qori jireen. Waxaa la sheegaa boqolkiiba sagaashan waxyaabihii ay qoreen in la helay, waxa ugu badan ee ay qoraalladoodu ku saabsanaayeen gabayo, maahmaahyo sheekooyin iyo qasaa’idyo diini ah oo ay Ilaahyadooda ku ammaanayaan.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay dhinaca xisaabta oo ay wax badan ka allifeen. Tirada 60 ayay xisaabtoodu ku jaango’nayd, waana tirada aynu wakhtiga ku cabiranno maanta (60-ka sakan waa hal daqiiqo, 60-ka daqiiqana waa hal saac). Sidoo kale dadkaani waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyayee ee laga bartay doomaha shiraaca leh iyo maacuunka iyo dheriyada dhoobada ka samaysan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments