Sanamka dhuumaalaysta

S
Qof maskax furan marka loo sheego in uu jiro ilaah abuuray waxa ugu horreeya oo maskaxdiisa ku soo dhacaa waa in uu isweydiiyo cidda ilaahaas qofka abuuray laftiisa abuurtay. Wadaaddadu waxa ay sheegeen in markii ay qof isweydiintaasi ku soo dhacdo uu iska indhotiro, isla markaas waxa ay isla wadaaddadaasi sheegaan in aysan jiri karin wax iska abuurmay oo aan lahayn cid samaysay, taas oo uu macneheedu noqonayo in ilaah laftiisa la abuuray maaddaama aysan jiri karin in uu iska abuurmay. Waxa kale oo ay wadaaddadu sheegaan in uu Eebbe weligiis jirey oo jiritaankiisu uusan lahayn xilli uu soo bilowday, waxaa se isweydiin leh ”Maxaa laga wadaa in uu weligiis jirey?”. Ereyga ”Weligiis” muxuu macnihiisu yahay, sidee se loo fahmi karaa? Haddii aan caqli ahaan loo fahmi karin wakhtigu in uu meel ka bilowdo oo uusan meeshaas ka hor xilli jirin, meelna uu ku dhammaan doono oo uusan markaas ka dib wakhti jiri doonin maxaa laga wadaa in uu wakhtiga Eebbe mar uun abuuray? Intii aan wakhtiga la abuurin xilligu sidee buu ahaa? Ilaaha ay wadaaddadu sheegayaan in uusan jirin xilli uu soo bilowday iyo meel uu ku dhammaadaa waxaa laga yaabaa in uu wakhtiga yahay oo uu wakhtigu wax kasta abuuro.

Wadaaddadu ma ay sheegin ilaaha wax kasta abuuray oo carshiga jooga ama meel kasta joogaa shakhsi ahaan waxa uu ka samaysan yahay! Ma shay la taaban karo oo sida dhagax oo kale jurmi leh baa ma se waa wax fudud sida korontada oo kale? In uu weyn yahay bay sheegeen ee weynankiisu ma jir ahaan baa ma se waa macne ahaan? Muuqaal ahaan sida uu Eebbe u eg yahay maxaa loo caddayn waaayey si loo barto? Kolley wadaaddada qaarkood waxa ay sheegeen in uu Eebbe hal kub leeyahay oo uusan labo lugood lahayn, mana ay sheegin in uu calool iyo xabad leeyahay. Waxa ay sheegeen in uu leeyahay gacan, labo gacmood iyo gacmo badan, taas oo muujinaysa in uu gacmo badan leeyahay. Ma ay sheegin in uu sur, garbo iyo madax leeyahay, laakiin waxa ay sheegeen in uu il, labo indhood iyo indho badan leeyahay oo aan la sheegin meel ay kaga yaalliin. Haddii la sawiro ilaahaas waxaa soo baxaya noole leh hal kub, gacmo badan iyo indho badan, laakiin waxaa adkaanaysa in la fahmo meelaha ay kubka, gacmaha iyo indhuhu kaga yaalliin, waayo jir dhammaystiran ma uu laha oo waa uu ka la dhantaalan yahay.

Dabeecad ahaan ilaaha ay wadaaddadu soo bandhigeen waxa uu leeyahay dareemo iska soo hor jeeda oo mar waxaa la sheegaa in uusan waxba u baahnayn, marna waxaa la sheegaa in uu u baahan yahay in la caabudo. Waa ilaah la moodo in uusan maamulka dunidu gacantiisa ku jirin, waayo waa uu caroodaa, caraduna waxa ay ka timaaddaa in wax awood aad u saxdid aadan lahayn la kharribo. Wadaaddadu kol bay sheegaan in uu ilaahaasi wax kasta sida ay yihiin isagu ka dhigo, marna waxa ay sheegaan in waxyaalaha xunxun ay dadka iyo shaydaan maamulaan oo uusan raalli ka ahayn, waan labo arrimood oo iska soo hor jeeda. Waa ilaah sida boqor keligitaliye ah oo carbeed raalli noqda markii la taageero, markii la mucaaradana carooda oo la moodo in uusan awood u lahayn in uu dadka mideeyo. Magacyadiisa iyo tilmaamihiisa midba mid buu ka soo hor jeedaa, waxaana la moodaa musharrax jago doon ah oo xisbiga ka soo hor jeeda uu shaydaan hoggaamiyo, haddana waxaa la sheegaa in uu shaydaanka isagu u qaddaro wax kasta oo uu sameeyo. Qaddarka iyo camallada shaydaanka iyo aadamiga raggii hindisey ka ma ay baaraandegin oo wax aan bislayn oo iswada burinaya ayey sheegeen, waana fadeexadda ugu weyn oo diimaha haysata.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxaa ka run ah Jiritaanka Awood sare, wayne ama Allaah?

Ihaaha ay wadaaddadu soo bandhigeen waxa uu la khibrad iyo waayo’aragnimo yahay dadka oo hadba nebiga uu soo dirayo duruufihiisa ayuu la heer yahay. Tusaale ahaan Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay duruurihii carabta ee xilligii la sameeyey. Inta qur ah oo carabta ka baxsani waa inta ku saabsan waxyaalaha qeybka ah sida Eebbe, aakhiro iyo qisooyin ku qoran kutubaha yuhuudda iyo masiixiyiinta. Quraanka iyo xaddiisku qofkii ay saamayn ku yeeshaan waxa uu noqonayaa qof carbeed, taasina waxa ay caddaynaysaa in ilaaha muslimiintu ka samaysmay dhaqan carbeed. Wax la taaban karo oo uu Quraanku carabta ka beddeley waxaa jira in uu burburiyey sanaddadii la caabudi jirey. Jawiga Qur’aanka haddii aad gashid waxa aad gashay hab fakar carbeed oo aysan waxba ku barxanayn oo ma uu aha heer caalami. Qur’aanku waxa uu awoodaa in uu suurad dhan Quraysh kaga hadlo, suurad dhanna Abuu Lahab kaga hadlo, laakiin ma uu awoodo in uu suurad soomaalida kaga hadlo, midna uu aniga igaga hadlo, waayo khibraddiisa ma aha oo anigu in aan sida Abuu Lahab diinta uga soo hor jeedo Eebbe ma uu oga, isla markaas ma uu oga in ay soomaalidu xagaagii iyo diraacdii midba meel u guuraan.

Wadaaddada ilaahoodu ma leh murti iyo dareen uu ku ogaado dadka maslaxaddooda oo dadka waxa uu ka xaaraameeyaa waxyaalo ay dani ugu jirto sida muusigga, riwaayadaha, sheekooyinka, ciyaaro dhaqameedyada, ciyaaraha caalamiga ah, isdhexgalka bulshada (ragga & dumarka), fakarka xorta ah, horemarka dowladnimada, hiddaha iyo dhaqamada aan carabnimada ahayn, dastuurka cilmiyaysan oo casriga ah, madaxnimada dumarka, lebbiska qurxoon ee dumarka, falsafadda iyo hal’abuurka madaxa bannaan. Ilaahaasi waxa uu waajibiyaa waxyaalo aysan dadka maslaxadi ugu jirin sida gudniinka dumarka, dagaallo nacasnimo ah (jahaad), daah weyn oo dumarka la huwiyo, in ay dumarku guryaha ku jiraan, in aysan safri karin, in aysan idan la’aan guursan karin, in aysan nimanka ay nacaan furi karin, in carruurta dugsiyada lagu dilo, in cibaado badan oo shaqada iyo waxbarashada hor istaagaysa la sameeyo, in lagu fakaro in caalamka oo dhan xoog lagu qabsado, in dad dhagax lagu dilo ama addimada laga jaro, in qofkii aan ku la diin ahayn la necbaado, in qofkii diinta ka baxa la khaarajiyo iyo in dadka la ka la faquuqo. Waxyaalaha uu ilaahaasi dadka ku soo rogey oo aysan maslaxaddu ku jirini aad bay u badan yihiin, waxa ayna wadaaddadu sheegaan in aysan diintu ka soo hor jeedin aqoonta casriga ah, laakiin run ahaantii wadaaddadu aqoonta oo dhan ma ay oggola. Waxaa laga yaabaa in ay farsamada iyo caafimaadka oggol yihiin, laakiin waxaa hubaal ah qaybo badan oo aqoonta bulshada iyo taariikhda ah in ay diiddan yihiin. Waxa kale oo ay diiddan yihiin aqoonta ku saabsan sidii ay noloshu isu soo beddeshey iyo sidii uu jiritaanku u abuurmay. Qof rumaysan in ay toddobo cir jiraan oo ay xiddiguhu midka ugu sokeeya ku sharraxan yihiin iyo in ay toddobo dhul jiraan ma uu qaadan karo fiisigiska iyo xiddigiska casriga ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Af-Soomaaliga

Diimaha waxaa ka muuqata in aysan dhaafsiisnayn duruufo iyo taariikho xilli jirey oo ay dad soo mareen, ka mana muuqato in ay ka danbayso awood dadka ka aqoon badan oo ah ilaah wax kasta og. Cid u gargaarta oo dadka ka xoog badani ma muuqato ee waxaa muuqata in ay dad wadaan oo u halgamaan, sida badanna waxa ay ku socdaan baqdigelin iyo jajuub. Baqdingelinta ka ma aan wado in naar dadka lagu bajiyo si ay diinta u raacaan ee waxa aan uga jeedaa in ay dadka diimuhu dadka kale argagax ku hayaan. Waxaa argagixinta ka mid ah in qofkii aan diinta haysan loo arko qof xun oo la caayo, in dalalka muslimka qaarkood aan laga oggolayn in diin kale ama fakar kale lagu faafiyo ama lagu haysto, in qofkii diintii uu haystey ku qanci waaya la dilo, in qofkii aan cibaadaysan dhaleecayn iyo handadaad lagu sameeyo ama la dilo iyo in loo arko gaalada in uu dhiiggoodu iska bannaan yahay. Qodobkaas ugu danbeeya waxaa tusaale u ah in wadaaddada muslimiinta ah aadan weligaa ka maqlayn in uu dhiigga dadku denbi yahay ee ay sheegaan in dhiigga iyo maalka muslimiintu uu xaaraan yahay keli ah, soomaaliduna intii ay diinta carabtu soo gaartey waxa ay samaysteen maahmaah ah ”Gaal dil, gartiisana sii!”, la ismana weydiin sababta qof loo dilayo. Caalamku waxa uu u socdaa in denbi laga dhigo in xayawaan la dilo, muslimiintana waxaa dil ugu xukuman dadka aan iyaga ahayn oo dhan oo ay tiradoodu gaarayso lixmeelood oo shan dadka dhulka ku nool. Haddii aynu soo koobno diimuhu waxa ay ku socdaan halgan dad, mana aynu arag ilaah u gargaara iyo ilaah duco aqbala ee waxa aynu aragnay dad dhiigyocab ah oo waxyaalo khaldan isu sheega, haddana aamminsan in ay keligood xaq uu ilaah faray ku taagan yihiin

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

NALA SOO XIRIIR

[[[["field14","not_equal_to","La xiriir qoraaga"]],[["hide_fields","field17"],["hide_fields","field18"]],"or"],[[["field17","equal_to","Khaalid Xuseen"]],[["email_to",null,"khaled@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Aadan Cali"]],[["email_to",null,"aadan@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Gallad Gurxan"]],[["email_to",null,"gallad@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Waris Diiriye"]],[["email_to",null,"waris@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Maigag Guled"]],[["email_to",null,"admin@kaashomaanka.com"],["email_to",null,"kaashomaanka@gmail.com"]],"and"]]
1 Step 1
Magacayour full name
no-icon
Faah-faahi farriintaadamore details
0 / 350

Farriintan qoraaga aad dooratay oo kaliya ayaa arki doona.

keyboard_arrow_leftPrevious
Nextkeyboard_arrow_right
FormCraft - WordPress form builder