Sapiens (Gorfayn)

S
Buugga Sapiens oo gabagabo iigu dhow ayaa waxyaabaha aadka iiso jiitay waxaa ka mid ah, sida uu qoraagu, Yuval Noah Harari, uga hadlayo Kacaankii Sayniska iyo sababta qeyb aad u yar oo Yurub ka mid ahi, waa Galbeedka Yurub e, ay ugu suuragashay in ay hannaanka iyo majarahaba u qabtaan daahfurada cilmiga, noqdaanna horseedka cilmiga.

Qirashada jahliga iyo aqoon la’aanta (Ignoramus) ayuu qoraagu ku nuux-nuuxsanayaa in ay ahayd sirta ugu weyn. Markii ay ku dhiirradeen in ay yiraahdaan: “waxba garan mayno” ayay bilaabeen in ay waxa ka maqan raadiyaan. Dhaqan-aqooneedkii hore sida Islaamka, Masiixiyadda, Yuhuudda, Budhism-ka waxa ay qirsanaayeen in waxkasta oo muhiim ah oo ay ahayd in laga ogaado dunida, horayba loo ogaaday.

Tusaalayaasha uu adeegsanayo qoraaga waxaa ka mid ah, in muslimiinta markii ay qabsadeen Hindiya aysan halkaasi u tagin in cilmi ka maqan ay kasoo helaan oo ay halkaasi u tageen uun in ay gaarsiiyaan farriin, ayna isku arkayeen kuwo xaqiiq iyo run dhamaanteed ayaga u sugnaatay. Halka markii ay Biritishku qabsadeen Hindiya ay bilaabeen waxa loo yaqaano, “Baaristii ama Sahmintii Weynayd” taas oo socotay 60 sanadood, ahaydna sahmin cilmi.

Sidoo kale, kolkii uu helay qaaradda Ameerika, Christopher Columbus laftigiisu waxa uu ku dhacay qaladka ah in uu qiran waayo jahliga, waxa uuna ku qanacsanaa in uu garanayo dunida oo idil, sidaas daraadeedna dhulkan uu tagay waxa uu u arkayay in ay yihiin jasiiraddo Japan ah. Amerigo Vespucci oo laftigiisa sahmiyay dhulkan cusub Columbus dabadii, ayuu ahaa ninkii ku dhiirraday in uu yiraahdo, waxba garan mayno, waxa aan hadda ogaanayna waa qaarad dhan oo aynaan horay u aqoon, sidoo kalena uusan Baybal-ku garanayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Markabka HMS Beagle

Galbeedka Yurub waxa ay ku dhiirradeen in ay raadiyaan waxa ka maqan oo waxa ay dardar geliyeen sahminta iyo dirista maraakiib ku shaaximan cilmi baareyaal iyo aqoonyahanno. Tusaalena waxaa loo soo qaadan karaa markabkii HMS Beagle ee ay saarnaayeen sahmiyayaashu oo uu ka mid ahaa Charles Darwin. Waxaa jiray maraakiib sahmin oo u shiraacday dhanka Cirifka Waqooyi ee Dhulka oo aanan dib u soo laaban illaa maantana aanan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Waxani oo idil sababta ay u dhacayeen waxa ay ahayd uun, waxba garan mayno ee aan daydayno waxa innaga maqan.

Muslim-ka badankii illaa maanta waa ay aaminsanyihiin fakarka ah in wax walba oo cilmi ah uu Allaah ugu sheegay Qur’aanka iyo Xadiista, wax ka maqan oo uu Allaah ka hagradayna aysan jirin. Arrintani waa seef laba af leh, oo Islaamka uun ayaa laga helaa in marna la yiraahdo, cilmi baa naga maqan, marna daahfur walba oo ay sameeyeen dad dadaalay la yiraahdo, horay ayaa Qur’aanka la innoogu sii sheegay. Bal adba!

Cilmigu waxa uu nagu jiheeyaa in aan ku noolaan karno meel ka baxsan dhulka oo aan noqonno kuwa iskaga kala goosha diilimooyinka (galaxies), halka ay diimuhu nagu jiheeyaan in aan sugno qiyaamaha iyo inta dhulku nala halaagsamayo. Cilmigu waxa uu nagu jiheeyaa in aan ka guulaysan karno geerida, halka ay diimuhu inoo sheegaan in geerida aan u diyaar garowno oo aan xisaab dhimashada ka dib ah u feejignaano.

Halkan ka dajiso buugga Sapiens ee Yuval Noah Harari
Dejiso Buugga
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
4 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdalla
Abdalla
7 Bilood Kahor

Aslam alleykum m.a buugan waa buug wx laga faaiido karo lkn mala helayaa asigoo afsomali lagu turjumey….

Kaasho Maanka
Admin
7 Bilood Kahor
Reply to  Abdalla

Waa ka xumahay, inta aan ka warhayo ama raadiyay ma jirto waqtigan nuskhad afka soomaaliga ah balse afaf badan oo kale ayaa lagu tarjumay

Abdalla
Abdalla
7 Bilood Kahor
Reply to  Kaasho Maanka

Mhd Sanid

cabdi xakin
cabdi xakin
7 Bilood Kahor

Wll WD mhdsn tahay ee ma ii soo tilmaami kartaa buug kale oo sayniska oo Ku saabsan cilmiga xidigaha

W/Q: Gallad Gurxan