Sharciga saddexda heer ee garaadka bulshada

S
Sharciga saddexda heer ee garaadka bulshada “law of three stages of Auguste Comte”, waa fikrad uu dhigay faylasoofka caanka ka ah cilmiga bulshada “sociology” ee Auguste Comte buuggiisa la yiraahdo “دورة الفلسفة الايجابية” “The Course in Positive Philosophy”.

Fikraddaas waxay daaran tahay bulsho kasta waxay martaa sadex heer oo tadawur fikir ah, waxayna kala yihiin;

  1. heerka fiqiga “المرحلة اللاهوتية” “the theological stage”.
  2. Heerka ruuxiga ah “المرحلة الميتافيزيقية” “metaphysical stage”.
  3. Heerka Sayniska “المرحلة الإيجابية” “positive stage.”

Heerka fiqiga

Waa marka garaadka bulshadu ay joogto awood sare ayaa wax kasta keenta; bulshada heerkaan joogta eebbe ayaa masuul ka ah wax kasta faqriga, gaajada, abaarta, cudurrada, colaadda, iyo wax kasta oo dhibaato ah awood kale ayaa keentay ayey bulshadaas ay ku qancadaa. Bulshada heerkaan joogta iskuma hawsho in ay faro-galiso waxa ka dhacaya hareerahooda waxayna aaminsan yihiin awood sare in ay maamulayso dhulka wax kastana jaan-goysay. Bulshadaan waxay meel iska dhigtaa sabab iyo natiijo “السبب والتأثير” “cause and affect”, waxayna aamisan yihiin kutubta muqaddaska ah “holy books” ku qoran oo macanayaal kala duwan laga bixiyay. Tusaale ahaan bulshadeenna qaar baa amisan dalkeenna Soomaaliya waxa uu burburay gabdhihii markay xijaabkii ka tageen.

Waxaa ka mid ah bulshadaan garaadkooda in uu joogo in ay aaminsan yihiin dhacdooyinka dabiiciga ah in ay ka danbayso caro awood sare sida dayax madoobaadka, foolkaanada, abaarta, fatahaadooyinka iwm. Heerkaan dhamman waxaa soo hoos galaya bulsho walba oo u tirisa in wax kasta ay maamusho awoodo badan “الشرك” “polytheism” ama awood keli ah “التوحيد” “monotheism” ee aan isku dayin sida ay aamisan yihiin aan aheen is ka duwan in ay adduunka u fahmaan oo si maadi ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe Metaalkiis ma jiro!

Heerka ruuxiga

Bulshadaan waa mid ka ag-dhow midda koowaad waa marka bulshada ay wax kasta oo ka dhex socda u tiriyaan in ay masuul ka tahay waxyaabo aan muuqan ayna fara-galin joogto ah ku hayaan waxyaabahaas aan la arkin nolol maalmeedkooda. Bulshooyinkani waxa ay aamisan yihiin Alle, Malaa’ig, Jinni iyo Shaydaan.
Bulshada garaadkeedu heerkaan yahay sidii tii hore iskuma hawlaan in ay faro-galiyaan waxa ku dhacaya waxayna u daayaan in awoodo ka xoog badan ay maamulanayaan. Bulshada noocaan ah qofkii xanuunsada jin baa ku jira, kii faqriya waa caasi ama imtixaan baa ku socda, midka jaba waa loo qadaray, kii dhintanna tiisaa soo dhamaatay.

Heerka tijaabada iyo sayniska

Heerkaan waxaa aad loogu yaqaan heerka sayniska waxa uuna ku saabsan yahay in wax kasta lagu sharaxo sayniska ayada oo la marayo indho-indhayn, tijaabo iyo isbarbardhig. Bulshadaan cilmiga ayey u daysaa in ay jawaab ka bixiyaan waxa keenay waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda; sidda looga hortagi karo ama lagu daawayn karo.
Bulshadaan si caqli ah ayey u daristaa waxa socda ayada oo shaqaalaynaysa maan-galnimada, khibradda, xirriirka ka dhexeeya sababta iyo natiijada, heerkaan waa midka ugu sarreeya ee adduunka lagu fiirriyo ayada oo la adkaynayo dabo-galka, aruurinta, iyo kala-saaridda xogta.

Bulshadaan kuma hallayso awoodo aan muuqan in ay warceliso dhibaatooyinka haysta ee waxay isku howshaa in ay maamusho deegaanka ay ku nool yihiin ayaga oo kormeer ku barta sida uu adduunka u shaqeeyo. Bulshadaan waxay xaqiiqo u taqaan kuma xirna in ay ku qoran yihiin buugta barakaysan ee bulshooyinka kala duwan ay rumeysan yihiin ee waxay ku qiimeeyaan wixii la arkayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sida aad doonto u fikir, laakiin sidooda oo kale u dhaqan
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments