Shareecada Islaamka iyo dareenka insaanka!

S
Markii laga soo tago waajibaadka akhlaaqiga ah ee insaan walba ilaalintiisa laga rabo,  waxaa jira waajibaad kale oo badan oo shareecada islaamka ay fartay dadka aaminsan iney sameeyaan iyo kuwo kale oo ey ka reebtay iney ku kacaan.
Taas oo marka qofka muslimka ahi uu sameyo uu dareemo gudasho masuuliyad marki uu ka tagana ku dhalisa ka gaabis masuuliyad. Hadaba sidee ayey saameyn ugu yeelatay shareecadu dareenkii dambiga ee dabiiciga ahaa? 
Si aad ufahamto saameyntaas waxaan u baahanahay inaan dambiga u kala saarno mid dabiici ah iyo mid aan dabiici aheyn. Dambiga dabiiciga ah waakan taabanaayo insaaniyada qofka, dambigaas oo markii uu qofka sameeyo uu dareemayo xumaan taas oo u keento inuu ka qoomameeyo wixii uu sameeyay sida beenta, khiyaanada, tuugnimada, iyo ku xadgubidda dad kale. Dareenka noocaas ah waa dareen dabiici ah waayo xitaa waxa dareemo dad aan muslim aheyn amaba aan diin aaminsaneyn.
Waxaa kale oo jira  dambi aan dabiici aheyn,  waa kan ka dhasha ka tegidda waxyaabihii shareecadu amartay sida salaadda Iyo soomka ama sameynta waxyaabihii lagaa reebay sida cunista hilibka doofaarka ama cabista khamriga. Waxaad arkeysaa qof muslim ah oo khiyaano sameynaya ama been sheegaya, laakiin aanan cuneynin hilibka doofaarka.
Haddaba saameyntaas waxaan ku soo koobi karnaa dhowr qodob:
  • In qofka uu dareemo dambi shareecada darteed (tusaale wuxuu katagay salaad) waxey dabooleysaa dareenkii dambiga dabiiciga ahaa ee qofka, ama ayadoo gaaban; in qof ka dareemo  danbi aan dabiici aheen, waxaay dabooleysa dareenka danbiga dabiiciga ah.
    Tusaale; inuu isdhaho marba haddaad ilaah amarkiisa fulin weysay maxaa wax kale kaa galay.
  • In badan oo shareecada kamid ah waxey ka hor imaaneysaa waajibaatkii akhlaaqiga ahaa sida jaceylkii waalidka.
    Tusaale qof waalidkiis uu gaal yahay ma jeclaan karo sida aayaddan ku cad (لاتجد قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حادالله ورسوله ولوكانو آباءهم ) “ma arkeysid qoom ilaah iyo aakhiro rumeeyay oo jeclaanayo qof ilaah iyo rasuulkiisa la colloobay”.
  • Sameynta qofka uu u sameeyo wanaag shareecada oo amartay darteed wuxuu dilayaa dareenkii insaanka ee dabiiciga ahaa,  tusaale qofka muslimka ah marka uu dhiibayo zakada uma dhiibayo insaannimo darteed laakiin wuxuu u dhiibayaa cabsi uu ka qabo naar,  Sidaas ayeyna shareecadu uriixday dareenkii dabiiciga ahaa ee qofka muslimka ahaa.

 

QORMO LA XIRIIRTA:  Abuurka yaa halleeyey?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments