Shaydaankii la xidhay!

S

Waxaa inbadan dhegahayga kusoo dhaca gaar ahaan bisha Ramadaan ereyada “Shaydaanki waa la xidhay”, inbadan oo Soomaali ah ama muslimiin ahina waa maqashay, waxaan is waydiiyey shaydaanka la xidhay waa kee? yaase shaydaan ah? ereyga shaydaan muxuu yahay? in wax la iswaydiiya waa muhiim waayo wax iska qaadashadu waxay disha garashada.

Ereyga (الشيطان) af ahaan waxay ku qeexeen fogeyn, laakin saw ma odhan karno ereyga Shaydaan waa sifo la mid ah sifooyinka lagu sifoobo sida fariidnimo, dabbaalnimo ama bahalnimo oo kale. Markaad eegto diinta islaamka waxaa kuu cadaanaysa in ereyga Shaydaan uu sifo yahay lagu sifoobo ayna been tahay jiritaanka noole geesa leh oo shaydaan lagu magacaabo, ilaahay wuxuu ku leeyahay Quraanka  {وكذلك جعلنا لكل نبي عدوا شياطين الإنس والجن يوحي بعضهم إلى بعض زخرف القول غرورا ولو شاء ربك ما فعلوه فذرهم وما يفترون 1, aayaddani waxay inoo sheegaysaa inay jiraan Shayaadiin ka mid ah dadka iyo Jinka, taa micneheedu waxa weeye dadka waxa laga heleyaa qayb ku sifoobeysa Shaydaannimo si la mid ah sida Jinka taasina waxay meesha ka saaraysa jiritaanka noole laba gees leh oo shaydaan la dhaho.

Ereyadan af-carabiga ahi waxaa laftooda kaaga muuqanaya in shaydaannimadu tahay wax cid lagu sifeeyo (إن النساء شياطين خلقن لنا * نعوذ بالله من شر الشياطين), ninkan gabayaaga ahi haweenka ayuu shayaadiin ragga loo abuuray ku sifaynayaa, aayadahani waxay iyana inoo sheegeyaan in Jinku leeyahay qayb muslim ah (وَأَنَّا مِنَّا الْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا الْقَاسِطُونَ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُولَئِكَ تَحَرَّوْا رَشَدًا) ( يَهْدِي إِلَى الرُّشْدِ فَآمَنَّا بِهِ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَا أَحَدًا ). 2

Hadii ay qaar Iblays ku sheegaan aabaha shayaadiinta saw Jinka kama mid ahayn ibliis sid ku cad aayaddan ( إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا )3, gaalnimada uu gaaloobey saw kuma sifoobin shaydaannimo? Saw ilaahay quraanka kuma odhan (وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون )4 ?

waxaan is waydiiyey hadii bisha Ramadaan shayaadiinta la silsiladeeyo waa kuwa jinka ah ee kuwa aadanaha iyaga xaalkoodu muxuu noqonayaa? Haddii se la xidhxidhay kuwa waaweyn kuwa yar yar maxaa loo xidhi waayey? ma xuquuqdooda caruurnimaa la dhawrayaa? Xukunka shaydaanimadu miyaanu qaban kuwa dadka ah?

QORMO LA XIRIIRTA:  Diinta Islaamka iyo argagaxisada

Ibliis markuu gaaloobey ayuu shaydaanimo ku sifoobey, shayaadiinta geesaha leh ee la sheegana waa wax aan jirin laakiin sifada shaydaanimada waxa ku sifoobey gaalada Jinka ee uu madhinte ibliis hogaamiyo, aadanaha shaydaan waxa ah qof kasta oo aan islaam ahayn waa sida ay qabaan dadka haysta diinta islaamka.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. Suuradda Al-Ancaam: 112
  2. Suuradda Al-Jinn
  3. Suuradda Al-Kahf: 50
  4. Suuradda Al-Dhaariyaat: 56
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments