Sheekada Fijiyaayo (Gorfayn)

S

Hummaagga guud ee sheekada

In kasta oo ay 317 bog keli ah ka kooban tahay waa sheeko dheer oo farta ay ku daabacan tahay baa yaryar oo waxaa lagu madaddaalan karaa cabbaar iyo cabbaar murti leh. Qacda hore qofku magaca FIJIYAAYO ayuu isweydiin karaa waxa uu yahay, waayo ma aha magac soomaalida looga bartay, laakiin waa magac gabar soomaaliyeed oo ay sheekadu ku bilaabanayso, kuna dhammaanayso, taas oo waayaha ugu badan ku leh sheekada in kasta oo aysan keligeed ahayn jilaaga ugu weyn ee ay dad kale qaybo lixaad leh qaadanayaan.

Sheekada FIJIYAAYO waxaa ugu xiise badan dhammaadka, waxaana ugu xiise daran bilowga, sida ay u ka la danbayso ayeyna u ka la soojiidasho badan tahay oo waxa ay dhammaanaysaa akhristaha oo xamaasaysan oo uu dareenkiisu cirka marayo. Waxa ay ka kooban tahay 41 cutub oo sida ay isugu xigaani ay aad u wanaagsan tahay oo dhacdooyinka la isku shaandheeyey oo kuwa ugu danbeeya uusan akhristuhu ogaan karin baalasha buugga goor uu rogrogey ee uu akhrisku ku siibanayo sidii caano dhay ah.

Xilliyada, degaanka iyo dadka

Dhacdooyinka sheekada FIJIYAAYO waxa ay dhacayaan xilli dheer oo ah muddadii uu kacaankii Soomaaliya jirey iyo intii ka la qaxa lagu jirey qaarkeedii hore, waxa uuna qoraagu xoogga saaray in uu sawir fiican ka bixiyo noloshii soomaalida ee xilliyadaas dal iyo debedba isaga oo dabaqadaha ka la duwan ee bulshada oo dhan sawiray ama miyi iyo magaalaba muujiyey.

Degaanka ay sheekadu soo qaadanayso waxa aynu u dhigi karnaa labo siyaalood oo ka la ah degaanka guud sida magaalada ama ceelka ay wax ka dhaceen iyo degaanka gaarka ah sida qol ama xafiis la joogey xilli dhacdooyin. Bay’ada guud ee ay sheekadu ka dhacayso waxaa ugu badan Galguduud iyo Muqdisho, laakiin meelo kale oo ay Sweden ka mid tahay bay dhacdooyin xiise lihi ka dhacayaan, si habboon ayeyna sheekadu degaanka guud u soo bandhigaysaa.

Degaanka gaarka ah sharraxaaddiisa sheekadu sabool bay ku tahay oo meesha ay markaas wax ka dhacayaan muuqaalkeeda akhristaha la soo hor dhigi mayo ee qoraagu waxa uu xoogga saarayaa dhacdooyinka iyo hadalka dadka in uu xiise u yeelo. Meesha uu markaas akhristuhu joogo u ma uu jeedo ee waxa uu la mid yahay qof indhaha isku haysta oo loo sheekaynayo.

Dadka sheekada jilaya shakhsiyaddooda waxaa laga dheehan karaa hadalladooda iyo dhaqankooda oo uu qoraagu ilaa xad fiican soo dhoweeyey sida haweeneyda dabaqadda sare ah oo qalbiga xun ee Xiddo Jaamac iyo lammaanaha dabaqadda hoose ah ee Daahir Aweys iyo Muumino ee anshaxa suubban, bal se sida ay dadka sheekadu u eg yihiin la ma garanayo oo qoraagu muuqaal ahaan ama jir ahaan u ma uu muujin dadka uu abuuray, waxa ayna taasi la mid tahay in uusan degaanka sawir muuqda ka bixin ee uu dhacdooyinka uun macaaneeyey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sapiens (Gorfayn)

Suurtagalnimada dhacdooyinka

Waxyaalaha sheekooyinka laga eego waxaa ka mid ah sida ay dhacdooyinku isugu xiran yihiin iyo sida ay u yihiin wax dhab noqon kara ama nolosha meesha wax lagu jilayo ka suurtowda. Dhacdooyinka buugga Mubaarak Xoosh Gaashaan aad bay u badan yihiin, aadna waa ay u xiise badan yihiin oo waxa aan u bixin lahaa ”Qoraagii dhacdooyinka”.

Sida ay wax u dhacayaan oo dhammi waa qaab hagaagsan oo sida badan aan hadaltiro wakhtiga lagaaga luminayn ee mar kasta wax hor leh laguu sheegayo. Meelo yaryar buu akhristuhu u malayn karaa in ay ka badbadini ku jirto sida tirada lacagihii iyo dahabkii ay dadkii madaxda ahaan jirey ka la qaxeen Muqdisho iyo in Sweden soomaali lagu jirdiley si fiican loo daweeyey iyaga oo loo maleeyey in ay Hindi yihiin, markii la ogaadey in ay soomaali yihiinna meel liidata isbitaalkii laga seexiyey. Lacagta ay madaxdu la qaxeen in ay kiishash doollar ah noqotaa waa iska macquul, bal se Sweden dadka ku nool oo dhan isku si baa loo daweeyaa.

Dhacdada kale oo uu akhristuhu isweydiin karaa waa in uu dhakhtarkii ambalaasta watey gaarigaas caafimaad ku qariyey Fijiyaayo, Xasan, Daahir Aweys iyo Muumino oo uu u yimid isla saacaddii gurigooda laga xoogey oo waxaa la moodaa in uu dhaktarku ogaa in ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin.

Hab qoraalka sheekada

Geli mayno hikaadda iyo meelaha ay xarfo garaaciddu khaladday kaga jiraan oo maba aan calaamadin, isku mana hawlin oo qoraal soomaali ah kolley wax noocaas ah laga waayi mayo, isla markaas ka doodi mayo sida ay ereyadu isu raacraacaan iyo sida loo ka la jarjaro oo soomaaligu weli ma leh qoraal fadhiya oo la isku raacsan yahay.

Guud ahaan qoraagan buuggiisu waxa uu u qoran yahay hab si wanaagsan loo akhrisan karo oo tusaale ahaan meelaha uu hakadyada iyo joogsiyada dhigay waxa ay u badan yihiin meelo ku habboon, isla markaas meelaha ah in sadar hoos loo dego badankooda waa uu asiibay. Meesha ay dhalliisha ugu weyni ka imaan kartaa waa qofka wax jilayaa marka uu toos u hadlayo oo sida caadiga ah qoraallada la sameeyo labo midkood. Kow in sadar hoos loo dego oo hadalka calaammaddan ” la dhex geliyo sida waxa ay tiri ”Ma seexatay?”. Labo in sadar hoos loo boodo oo calaamaddan ─ laga hor mariyo hadalka tooska ah sida waxa ay tiri ─ Ma seexay? Hab qoraalku sheekonimada saamayn weyn ku ma laha oo daabacaadda labaad baa waxyaalaha qaabka qoraalka ka si ah la tifaftiri karaa ee waxa madhaafaanka ahi waa nuxurka sheekada. Af soomaaliga ay sheekadani ku qoran tahay aad buu u sarreeyaa oo yar iyo weyn baa fahmi kara badankiisa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sapiens (Gorfayn)

Gabogabo

Sheekadani waa middii ugu horraysey ee uu qoray Mubaarak Xoosh Gaashaan, waxaana la og yahay in qoraalka qofka ugu horreeyaa uu dhalliilo badan yeesho maaddaama uusan waayo’aragnimo hore lahayn. Marka aynu taas ka duullo waxa uu qoraagu sheekadiisii kowaadba ina tusay wacdaro hal’abuur oo aan laga filan karin in uu qof curiskiisa kowaad sidaas ugu faroyaraysto. Haddii uu afafka suuqa leh sheekadan oo kale ku qori lahaa waxaa laga yaabi lahaa in ay dhici lahayd waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo ”Breakthrough” oo ah guul caannimo oo degdeg ah. Soomaalida far soomaalida kicin kara oo dhan waxa aan ku la talin lahaa in ay sheekadan akhriyaan oo ay fiiro gaar ah u yeeshaan, siiba dhallinyaradii xilliga burburka kacaamay oo aan soo gaarin arrimihii dhacay muddadii kacaanka. Akhriska oo dhan baa soomaalida ku yar oo weliba xagga sheekooyinka aad baynu ugu liidannaa, qisooyinka la jilaana waxa ay hormood ka ahaayeen waxyaalihii ay ku horemareen ummadaha farsamada iyo fakarka ku fogaadey. Sidaas awgeed waa in ay soomaalidu beddelaan dhaqanka ah in afka laga murmo oo aan wax la akhriyin oo siiba dhallinyaradu ay maskaxdooda ku kobciyaan sadarro badan.

Mubaarak waxa aan ugu hanbalyaynayaa hawsha hal’abuur ee uu ka soo dhalaalay, waxa aanna u naawilayaa in uusan ka caajisin hawlaha noocaan ah oo uu ku hindisoodo dhigaallo kale oo murti iyo madaddaalo ah.

Qoraalkan waxa aan ugu riyooday in dhallinyarta ha’abuurka leh sida Mubaarak ay wax uun ka kororsadaan oo uu sheekooyinka soo socda dhiirrigelin iyo dhalliilba u noqdo. Waxa aan ogahay sheeko marka ay soo baxdo in ay u baahan tahay xayeesiis keli ah oo wixii turxaanbixin ah loo baahan yahay inta aan la daabicin, bal se naqdiga laftiisu waa wax adduunka ka jira oo haddii aan qoraallada jira la lafogureen horemar la ma gaareen. Waxaa habboon in la isku gees wado bogaadin iyo dhalliiltirid qofka samaynaya la moodo in uu labo wadne leeyahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
3 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
culusow
culusow
10 Bilood Kahor

Sheekadan xagee kaheli karnaa marka

Kaasho Maanka
Admin
10 Bilood Kahor
Reply to  culusow

Buugga sida aan filayo kuma jiro waqtigan Amazon balse qoraaga ayaad kala xiriirtaa goobaha laga heli karo.
https://www.facebook.com/mubarak.warsame.3

Abdalla
Abdalla
9 Bilood Kahor

wxba noomaadan so bandhigib mnta oo dhani qoraal iyo faaaalo ad adiga shaqsiyadaada u qortey ayaan akhrineyney wakhtina nooga lumisey wll. Mxaa ka galey faalada buuga ma adaa qortey noso bandhiga qoraalka buuga inta aan buga akhrin qrlka faldaada ayaanba ku daalney wlhii