Sheeko faneed

S
SHeeko faneeddu taariikh ahaan waa waxa ugu weyn oo dadka yurubiyaanka ah ilbixiyey oo ka saaray mugdigii kaniisadaha oo jahliga iyo addoonsiga ku salaysnaa, waxa ayna sheekadu soo martay marxalado ka la duwan oo magacyo ka la geddisan leh. Halgamadii ay yurubiyaanku u soo mareen xornimada fakarka qofka waxa ay sheeko faneeddu u ahayd hormoodka kowaad oo lagu baabi’inayey awooddii boqorrada iyo kaniisadaha.

Sheeko faneeddu waxa ay akhristeyaasheeda maskaxdooda ka kobcisaa xagga barashada akhriska oo qofku isaga oo sheekada ku raaxaysanaya ayuu waxa uu akhrinayaa bogag badan oo waxaa u kordhaya dulqaadka wax akhrinta iyo la qabsiga qoraallada dheerdheer. Waxa ay sheekadu dadka bartaa dhaqamada ka la duwan oo qofku haddii uu labo sheeko oo bulsha ka fog laga qoray akhriyo bulshadaas dhaqankooda iyo sida ay u fakaraani waxa ay ugu sawirantaa sida dad uu ku soo dhex noolaaday.

Taariikhda caadiga ah ee bulsho laga qoro waxa ay sheekadu kaga xeeldheer tahay in ay dadka sheekada jilayaa nafsad ahaan u cabbirto oo dareenkooda iyo waxa maskaxdooda ku qarsoon ay bannaanka keento, isla markaas qof kastaa waxa uu aamminsan yahay oo ku qarsoon iyo dhaqankiisa ayaa debedda loo soo saaraa, waxa uuna akhristuhu la falgalaa dareen iyo hab fakar run ah oo laga soo dhirindhiriyey sida dhabta ah ee ay dadku yihiin. Akhristuhu waxa uu ku ilbaxayaa ka la duwanaanta bulshooyinka iyo heerarka dadweynaha oo nooc kasta leh, waxa uuna helayaa xogo ballaaran oo hay’adaha iyo qaabdhismeedka bulshada ku saabsan.

Haddii sheeko denbibaaris laga qoray la akhriyo waxaa la baranayaa sida ay askaraha iyo maxkamadaha dadka ka shaqeeyaa dareemaan ama u fakaraan iyo xaaladaha ay denbiileyaashu galaan, waxaana kobcaya akhristuhu aragtiyaha uu ka haysto jawiga uu akhriyey oo cilmi nafsi ahaan buu uga dhergayaa meelo badan oo uusan hore xogo uga haysan. Akhristaha waxa ay sheekadu ka korisaa xagga afka ama luqadda oo sida badan jawiga iyo dadka lagu jilayo waxaa lagu cabbiraa ereyo iyo tacbiiraad ka xeeldheer afka suuqa lagaga hadlo, waxaana kor u kaca kalmadaha uu qofku xanbaarsan yahay tiradooda iyo tayadooda.

Fakarka akhristaha sheekadu waa ay beddeshaa oo waxaa laga yaabaa isaga oo akhrinta ku madaddaalanaya in ay maskaxdiisa mabaadi’ iyo aragtiyo cusubi galaan, kuwaas oo uu ka helayo shakhsiyaadka uu falalkooda iyo fakarkooda la falgalay. Qofka aad sheekooyinka u akhriya maskaxdiisu caalam badan bay ka haysaa sawirro, dareenno, taariikho, xogo iyo waxyaalo aan la soo koobi karin, waxaana loo malayn karaa qofka fanka akhriyaa in uu ka aqoon badan yahay qofka qoraallada runta ah sida cilmiga akhriya, waayo sheekadu dhinacyo badan bay dadka ka sawirtaa oo waxaa ku jira aqoon hay’adood, taariikho hore, waxbarashooyin, diimo, degaanno la qeexayo iyo dad ka la heerar iyo ka la xirfado ah oo waxyaalihii maskaxdooda ku jirey bannaanka la keenayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nolosha danbe iyo noolaha kale

Bulshadii ay ku badan tahay akhrinta sheekadu waxaa hubaal ah in uu dadkeedu yeelanayo wacyi sare iyo aqoon baahsan oo ku saabsan indhaha ay ku eegayaan dunida ku xeeran iyo dadyow ku ka la duwan waxyaalo badan. Halkii sheeko oo la akhriyaa waa magaalooyin iyo ummado dhan oo guuraya oo maskaxda akhristaha iyaga oo isku duuban galay, waxa ayna faa’iidooyinkaasi u kordhayaan isaga oo ku raaxaysanaya luqad macaan iyo dhacdooyin xiiso leh. Akhristaha uu dareenkiisa hal’abuurku ku jiro waxa ay akhrinta sheekadu dhistaa awooddiisa qoraal iyo curintiisa hadal, waxa uuna sheekooyinka ka bartaa sidii uu isagu wax xallad iyo xigmad ah u hindisi lahaa, waxaana hubaal ah qoraaba midka uu ka akhris badan yahay in uu ka qoraal cuddoon yahay, waayo waxa uu haystaa hiraallo badan iyo koboc baahsan. Akhristuhu mar kasta oo uu sheekooyin badan akhriyo waxaa kordhaya xawaaraha uu wax ku akhriyo oo waxa ay maskaxdiisa iyo indhihiisu la qabsanayaan boobsiinta qoraallada, waana lamahuraan in uu qofku dhaqso u akhriyi karo curisyo dheerdheer.

Dadyowga qaarkood sida yurubiyaanka waxa ay aamminsan yihiin in ay sheeko faneeddu tahay waxa ugu muhiimsan oo uu aadamigu haysto oo qaybta ugu weyn ka soo qaatay halgankii lagaga baxayey mugdiga, waxaana yurubiyaanka kaga dayday sheeko faneedda ummado badan oo uu halganka horemarkoodu maanta socdo oo sheekada ku beddela wacyiga ummadohooda, laakiin galbeedka waayadan danbe sheekada mabaadi’ loogu ma halgamo ee waxaa loo akhristaa in lagu madaddaasho iyo in laga helo dhaqammo ka la duwan, waayo qofka reer galbeedka ah wacyigiisa mabda’ ahaaneed waxa uu gaarey meel sare oo uu si xor ah u fakaro.

Soomaalidu waxa ay ku jiraan ummadaha ay aad ugu yar tahay wax akhrinta guud oo weliba aan sheekada ka haysan aragti weyn, waxa ay se garanayaan fiirsiga riwaayadaha oo aan ahayn in riwaayadda la qoro oo buug ahaan loo akhristo sida sheekooyinka. In hadal ahaan wax loo dhegayso ama loo fiirsado qofka soomaaliga ahi waa uu awoodaa, laakiin xagga akhriska aad baynu ugu liidannaa, waxaana keenay in aynu ahayn reer miyi hadal ahaan wax isugu tebiya, markii la magaaloobeyna waxaa yaraa qoraallada iyo qoreyaasha oo qofka magaalada joogaa ma uu wacyi dhaamo midka miyiga jooga, waayo wax wacyigiisa dhisa ma uu helin ee suuq buu iska taagnaa ama makhaayad buu ku fadhikudirirayey. Kol haddii ay qoraalkeenna iyo akhrinteennu aad u liitaan sugi mayno in aynu bulsho bisil helno jeer aynu wax ka doorinno dhaqankeenna qoraallada iyo la falgalka curisyada buugaysan, waxaana lamahuraan ah faca soo korayaa in ay helaan jawi ka duwan midka ay ku jiraan dadkeenna waaweyni oo ay la dhaqmaan caalamka qoraallada.

QORMO LA XIRIIRTA:  Shiil maskaxdaada oo ka digtoonow halista khuraafaadka

Muddooyinkii danbe waxaa jira dad door ah oo soomaaliyeed oo isku deyey in ay wax uun qoraan, laakiin waxaa laga yaabaa in qoraalladoodu ay xagga tayada aad u hooseeyaan, maxaa yeelay afka soomaaligu weli waa luqad hadal ee mid qoraal ma aha oo qoraalkiisu ma fadhiyo, isla markaas dadka wax qoraya badankoodu ma leh bisayl weyn oo qoraal ama akhris.

Dhaqanka dunida inaga horraysa waxaa buugaagta ka ganacsada shirkado haysta shaqaale khubaro ah oo u dhexeeya bulshada iyo buugaagta, waxa ayna khubaradaasi ku takhasuseen tayada buugga u qalma in bulshada lagu sii dhex daayo. Waxaa laga yaabaa in hal shirkad ay sanadkii soo gaaraan ama loo diro kumanyaal qoraal oo ay shirkaddu sanadkaas oo dhan soo saarto toban buug, inta kalena ay diidaan in ay faafiyaan. Waxa aad dunida inaga horraysa ku arkaysaa dad badan oo uu mid kastaa qoray tobannaan buug oo aan weli helin shirkad hal buug u suuq geysa, waayo shirkadaha noocaas ah khubarada u shaqaysaa waxa ay ku takhasuseen qoraallada iyo bulshada, sidaas darteedna waxaa ummadahaas ka reebban in uu faafo buug aan wax uun tayo ah lahayni.

Soomaalidu ma leh shirkado masuul ah oo dadka wax qora curisyadooda ka la shaandheeya oo buuggii bulshada u qalma faafiyaa, midkii kalena miiska hoostiisa geliya. Waxa ay u badan tahay in qoraaga soomaaliyeed uu isagu buuggiisa madbacad geeyo iyada oo aysan jirin haba yaraato ee cid aqoon leh oo baartay qoraalkiisa, ka dibna maktabadaha la dhigo buug sidaas u soo baxay. Waxaa jira dad soomaali ah oo isku sheega in ay yihiin shirkado buugaageed, laakiin aan lahayn aqoon iyo khibrad ay ku garan karaan tayada qoraallada, kuwaas oo laga yaabo in uusan u shaqayn qof keli ah oo aqoontaas lihi. Badankooda waxaa wada hal qof oo laftiisu aanba awoodin in uu wada akhriyo qoraallada uu faafinayo bal in uu tayadooda derso iska daaye, waxaana suuqa soomaalida soo galay buugaag badan oo uu ku yar yahay mid u qalma in bulshada loo soo gudbiyaa, waxaana waddamada maktabadaha leh rugaha buugaagta yaalla af soomaali door ah oo uu ku yar yahay wax akhris loo haweysan karaa. Ilaa iridda ay buugaagtu uga soo baxdo bulshada soomaaliyeed ay fariistaan dad takhasus u leh qoraallada iyo bulshada oo ay buugaagta soo baxayaa maraan baaritaanno cilmiyaysan waxaa i na hor oollaanaya qoraallo iska yaacaya oo liita.

Soomaalidu dhinac kasta aad bay u danbeeyaan oo qofkii heerka ay joogaan u fiirsadaa aad buu u calool xumaanayaa, waxa ayna u baahan yihiin xilli dheer oo ay degaan magaalooyin xasilloon oo ay u kacaan dad dunida wax ka soo korodsaday oo shaqooyinka iyo dhaqanka bulshada aqoon ku mila.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdi samed Boos
Abdi samed Boos
1 Bil Kahor

Sheeko faneedu waa wax cajiib ah lakin u baahan qoraa xeel iyo aragti dheer oo soo jiidan kara qalabta dadka .