Sida aad doonto u fikir, laakiin sidooda oo kale u dhaqan

S
Dhamaadkii qarnigii Lix iyo tobnaad, waxa ka dilaacay talyaaniga dhaqdhaqaaq xooggan oo ka soo hor jeeday dedaaladii Dib-u-habayntii diinta kiristaanka ee Borotestanku hoggaaminayeen. Dhaqdhaqaayadan is bedel diidka ah ee ka imanyey kiniisada waxaa ka qayb ahaa isku day la damacsanaa in xidididaha loogu siibo murtadiinta iyo dadkii ay markaa kiniisadu u arkaysey in ay diinta ka beexeen bidcona ku dhaceen.

Dhibanayaashii dhaqdhaqaaqan waxa ka mid ahaa Saynis yahankii weynaa ee Galileo, Balse waxa jiray isla waqtigaa mufakir weynaa oo dhibka Galileo mid ka daran la markiyay, waana qisiiskii iyo faylasuufkii weynaa ee Tommaso Campanella, waxa aanu ahaa mid aaminsan aragtida maadiga ah ( materialist) ee faylasuufkii Roomanka ahaa ee Epicurus, Campanella ma ahayn mid rumaysan mucjisooyinka, janadda iyo naarta midna. Waxaana odhaahihiisii ka mid ahaa ” Kiniisaddu khuraafdkan faafintooda waxa ay uga gol leedahay in ay ku xamakamayso caamada, waayo caamadu badanaa waa dad cabsidu waxa ay tahay yaqaan”. Fikradahan oo kale waxa ay xisaabsanaayeen ‘Alle koodnimo’ iyo diin ka bax, sidaa darteed sanadku markuu ahaa 1593’dii Campanella waxaa loo taxaabay jeelka.

Lix sanaddood ka bacdi Campanella waxa loo masaafuriyay (Naples), koonfurtii talyaanigana xilliggaa waxaa xukumayey Isbaanishka, Campanella kolkaas waxuu qayb ka noqday isku day la doonayey in Isbaanishka lagu afganbiyo, danta Campanella ka lahaa ka qayb qaadashada kacdoonkuna waxa ay ahayd inuu doonayey aas’aasida jamhuuriyad isagu ka taliyo aragtiyihiisana lagu maamulo. Nasiib daro se isku daygii waa uu fashilmay, Campanella’na kol labaad baa jeelka loo taxaabay, markan se waxa la marsiiyay ciqaabo iyo jidhdil aan la malayn karin.

Campanella isaga oo dhibkan dhexda uga jirta ayaa uu arin muhiim ah garwaaqsaday, waxaanu beddelay qorshihiisii hore, si uu nolloshiisa u badbaadiyo waxa uu goostay in aanu isla soo taagin aragtihiisa, waxa aanu iska dhigay ruux aan maankiisu dhamayn oo waalan, waxaanu ku dedaalay in uu, u tusiyo kuwii jidh-dilayey in waxan uu ku hadlayey ba ay ahaayeen hadaaq wareer maskaxeed ka keenayey, walow aanay markii horeba rumaysan, haddana waxa ay kolkii danbe ku qanceen in Campanella yahay ruux aan xiskiisu dhamayn, sidaasna waxa lagaga sii daayey jeelkii, waxaa uu se mudo afar sano ah ku xidhnaa gidaar dhulka hoostiisa ah, walow aanu hadda fikradihiisii hadda sidii hore u dhigin, haddana waxa uu sii watay wax qoristii, waxa aanu qoray buug boqaradii isbaanishka ugu baaqayey in ay yihiin madaxda adduunkan oo dhan, waxa aanu buuggiisa ku qoray wax aad uga soo horjeeda wax kasta oo uu Isbaanishka ka aaminsanaa, isku daygiisan uu ku muujinayey inuu aragtiyihiisii hore dib uga soo laabtay way hirgaleen, mudo lix sano ah ka dibna, Popkii waxa uu is tusay in Campanella si buuxda u toobad keenay xoriyad buuxda na waa la siiyay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dib-u-sixidda afkaaraha diinta islaamka: laba daran mid dooro!

Markii uu xorriyaddiisii dib u helay ba Campanella waxa uu qoray buuggii caan ka baxay ee “Atheism Conquered’, ama “burburinta dooddaha Alle koodka”, buuggana waxa uu aad ugu weeraray dadkii mufakriinta ahaa waxa uuna buuggu u qoray qaab dood ah, waxa aanu soo qaadanayey su’aallaha mufakiriinta si uu uga bixiyo jawaaabo diimaysan oo tusinaya xikmadda iyo wanaaga diinta Kiristaanka.

Dooddaha uu afka ugu ridayey Campanella mufakriintu waxa ay ahaayeen kuwo aan hore loo arag sidii ugu haboonayd na loo soo bandhigay, isaga oo isu muujinya mid u soo bandhigaya dhankooda si uu ugu jawaabo uun, haddana Campanella waxa uu ku guulaysatay in uu si aan hore loo arag u soo bandhigo dooddii mufakiriinta. Dooddaha dhanka mufakiriinta ka imanayaa waxa ay ahaayeen kuwo habaysan oo habqancin toolmoon leh, halka kuwa kiristaanku ka ahaayeen kuwo dhaadheer oo aan nuxur badan se lahayn.

Kiristaankii buugga akhriyey aad ayay u dhibsadeen ma aysan odhan karayn Campanella waa uu kufriyay waayo dooddahan uu diinta ku difaacayey waa kuwa ay iyaguba isticmaalaan. Buuggii Campanellana waxa uu noqday markii danbe baybalkii mufakiriinta.

Sida qisadan ka muuqata haddii aad isu dhigto in aad waayaha la dirirto, unna istaagto oogista fikraddahaaga aan caadiga ahayn. Dadku waxa ay kuu malayn doonaan dareen raadis in aad tahay, iyagana aad yasayso, waxa ayna raadin doonaan qaabka kasta oo ay kuu ciqaabi karaan. Kolkaas waxa habboon in aanad bulshada isku taagin aragtiyahaagana aad la wadaagto asxaabtaada dusha u leh qiimahoodana garan kara uun. “Inta yar la fikir ahaw, balse ku haddal afka bulshada”.

Sidoo kale waa khatar in aad isku daydo in aad bulshada idilkeed waajahdo; sidan waxa samayn karay uun Socrates.
Bulsho waliba khilaafida caadaadkeeda iyo aaminaadaheeda waxay u aragtaa weerar, waayo waxa aad canbaaraynaysaa ahaanshahoodii.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xumaan iyo Samaan

Waxaa hubaal ah in badan oo aragtiyaha bulshada ka mid ah, aanay hadda wax xadhiidha la lahayn ujeedooyinkoodii asalka ahaa, ayse noqdeen keligood noolayaal muqadasaad ka ka mid ah sidaas na lamataabtaanka ku noqdeen, dadka markaas isku daya in ay aragtiyaahaas la diriraan oo ay gurtaan midhaha aragtiyo aan weli bulshudu u bislaan i, way is galaaftaan uun, mana jirto wax faa’iido ah oo ku jirta in aad soo bandhigto aragtiyaahaaga halista ah, haddii aad ku halaagsmay hilbahaagana lagu xalaashanayo. Naf hurnimada dani kuma jirto, adiguna nebi Eebbe ma ahid, mana jirto abaal aad sugayso ka dib dhimashadaada, waxa keliya ee aad haysataana waa noloshan adduun.

Ugu danbayntii waxa jira dad arinkan u arka fulaynimo iyo doqoniimo is biirsaday, una ooman soo bandhigida aragtiyahooda togan, si ay muujiyaan sarayntooda, in kasta oo dooddahoodu qanciyaan in yar oo dadka ka mid ah, haddana inta badan waa ay ka cadhaysiiyaan, sababta aanay doodduhu dadka uga daadegin na waa in dadka badan koodu aanay aminaaddooda aad ba uga fikirin, waxa se jira dareen caadifadeed xoogan oo aaminaaddooda kala dhexeeya, mana jecla dadku in ay waxa ka bedelaan hab-fikirkoodii hore, mar kasta ood aad dareenkooda carisona aad bay kuugu cadhoon doonaan, dhibka ugu yar ee kaasoo gaadhi karaana waa in lagu faquuqo, haddii aad doonayso in aad saamayn bulshada ku yeelatana waa in aad bulshada ku dhex jirtaa.

Tix: Xeerka 38’aad ee buugga 48 laws of power.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments